Thursday, September 30, 2021

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐭𝐨𝐲𝐝𝐚.

 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐭𝐨𝐲𝐝𝐚?




Sanad walba waxa aynu aragnaa ama maqalnaa, qof si kediso ah u dhintay, ama mid isagoo suuxsan laga qaaday halkuu ku ciyaarayey, amaba goobta shaqada, qofkaas oo aan inta badan lagu ogeyn wax xanuun ah.


Haddaba aan iftiimino saddexda wax ee ugu caansan ee sababa Masiibadaan ku dhacda dadka qaar.


simple fainting ( suuxid sahlan ):- tani ma ahan mid halis badan,hase yeeshee waxay u baahantahay in la baaro waxa keenaya.

calaamadaha lagu yaqaan waxaa ka mid ah.

In inta aanu qofku suuxin dareemo:-

1. Diyaan madaxa ah

2. Indhaha oo humaag ku furmo ( bullured vision) iyo dhegaha oo qaylo uu ka dareemo.


3. Mudo aan 15daqiiqo ka badnayn in qofku kasoo kaco suuxiddi.

4. In qofku meesha kulul ama qubeyska kulul ku xanuunsado, gaar ahaan madax xanuun ku dareemo.


Daweynta:- kolka la ogaado in qofka xanuunkaan suuxida sahlan ah uu hayo, waxaa lagu daweeyaa:-

1. In uu ka fogaado cabbidda kafeega, in uu joogteeyo biyo badan oo uu cabbo.

Waa talooyin haddii qofka saan camal u xanuunsadaa uu raaco, ka hortegaya in aan suuxidaani ku soo noqoneyn, balse daweyn ma ahan.


Cardiac problem/ Cillad wadnaha ah.


Inta badan cilladda wadnaha waxaa la ogaado kolki qofku si kediso ah ku dhinto.

Balse calaamadaha sii sheegay in xanuunka qofku la suuxay ama u dhintay wadnaha yahay waxaa ka mid ah:-

1. In qofku xilliga jimicsiga/physical exercise uu dhaco(collapse) ama miyir doorsoomo.

2. In isagoo aan horay waxba xanuun isku ogeyn ama dareemeyn uu suuxo,amaba dhinto.

3. Ama in qofkaas waalidkiis si kediso ah wadnaha ugu dhinteen iyagoo yaryar.


Wadna xanuunku waa waxa ugu badan ee keena geerida kedisada ah, gaar ahaan xilli qofku ku jirey jimicsi, waxaana keenaya in aanu ogeyn ee awal wadnihiisu weynaadey, iyadoo inta badan ey keentay in qofka aabihiis ama hooyadiis xanuunkaan u dhinteen ama markaasba xanuunka la nool yihiin(Genetical).


Fiiro gaar ah: marka qofku saan u miyir doorsoomo waxaa la gudboon cidda la joogta in ay u fidiyaan gargaar degdeg ah, 1. In ay xabadka gacmaha kaga riixriixaan, afkana neef ka siiyaan 2. In ay wacaan gawaarida gargaarka deg-dega ah si loogu gudbiyo cisbataalka ugu dhow loolana tacaalo haddii uu noolyahay.


Seizure/qallal:- tani waa mid ka mid ah waxyaalaha sababa in qofku si kediso ah u suuxo,inta badanna ma sababto geeri.

Calaamadaha qallalka waxaa ka mid ah:-

1. déjà vu/in qofku waxa uu markaas u jeedo la noqdaan wax uu horay u arkay,ama meel ama shey kuu doono ha noqdee, kadibna qallalku saas ku bilowdo.


2. In uu bilaabo in gacmuhu gariir sameeyaan, markuu qofku xaaladaha qallalka ku jiro.

3. In marka qofku soo tooso diyaan iyo wareer farabadan dareemo.


Qallalku wuxuu ka mid yahay xanuunada dawada leh, oo lala tacaali karo,dad badan oo qaba ayaana ku suuxa jidadka,goobta shaqada, ama xilliga jimicsiga, waana wax u baahan gargaar degdeg ah.


Gunaanad:- qofkasta oo dareema wadna xanuun, ama waalidkiis mid ka mid ah u dhintay xanuunka wadnaha, ama kolka uu exercise/jimicsi sameeyo dareema calaamadaha aan kor kusoo xusnay wuxuu u baahanyahay in uu xaaladiisa caafimaad eego, gaar ahaan haddii uu yahay qof sameeya jimicsi awood badan u baahan ama waqti badan lagu jirayo.


Xasuusnow waxyaalaha keena in qofku koomo galo waxaa ka mid ah in sonkortu dhacda, gaar ahaan hadduu macaan qabey.

Xogtaan share dheh,si wacyigelinta caafimaadku kor ugu kacdo.

Mahadsanid.


Abdikadir M. Abdullahi 


Dr-Zarqawi Yusuf Guled.

No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...