Monday, September 6, 2021

Cunnooyinka Ragga Uroon Ee Sare U Qaada Hammadooda.

 

Cunnooyinka Ragga Uroon Ee Sare U Qaada Hammadooda

Miyay jiraan cunnooyin gali kara bedelka daawada Viagra?

Waxaa muhiim ah in aad ogaato howlgabka kacsiga in ay qof walba oo rag ah noloshiisa mar uun soo marto, waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaato in ay arintaan ku meel gaar u soo marto ragga iyadoo ku xiran xaalada nafsiyadeed ay ku jiraan, waxaa lagu qiyaasaa dhibka ugu weyn ee keena arintaan in ay tahay diiqada ama welwelka ama is fahan la’aanta ama isku xumaanashaha lamaanaha kala dhex maro.

Arintaan oo aad ka sii welweshid waxay adkayn kartaa xalka iyo in aad arinta u aragto wax wayn, taasina way sii daahin kartaa in aad noloshaada caadiga ku soo laabatid.

Markasta in daawo lagu dagdago sax ma ahan, warbixin dheeraad ah oo ku saabsan arintaan iyo waxyaabaha kale eee keeni kara howlgabka kacsiga halkaan ka akhriso:

Haddii aan su’aasha kore u soo gudbo ee ku saabsan haddii ay jiraan cunnooyin ama waxyaabo dabiici ah oo gali kara badalka daawada Viagra-ha oo dhibaatooyin badan keento.

Maadaama ay arintaan rag badan ka sheegtaan waxaa jiro shirkado badan oo ku hawlan si ay dadkaas uga xayuubsan lahaayeen qarash iyagoo been abuur iyo daawooyin aan jirin ka gada, waxay shirkadaha qaar ay sameeyaan in ay gadaan geedo daaweedyo ama waxyaabo dabiici ay ku sheegaan sida malabka oo viagra-ha badalkisia la qaadan karo, markii la baarayna, waxaa dib laga ogaaday in ay daawada Viagra-da ku soo daraan, waxaadna halkaan ka akhrisan kartaa malab sidaas oo kale loo soo habeeyay oo aan hada ka hor ka dignay loona suuq keenay wadamada geeska africa, aadna ay dhalinyaradeena ugu daateen laakiin dhibaatooyin badan ay kala kulmeen:

Sidaas awgeed waa in uu qofka taxadar muujiyo mar waliba inuu wax warshad soo maray uusan ku dagdagin haddii lagu dhaho dabiic waaye.

Dadku waxay sheegaan cunnooyin badan oo kala duwan in ay u roontahay xaga raganimada, waxyaabaha soomaalidu ay isla dhex marto waxaa ka mid ah: hilibka ama subaga qubada, basasha, kalluunka, malabka iyo waxyaabo kale oo badan laakiin maxaa arintaas ka jiro?

Waxaan rabaa in aan halkaan idinkugu soo gudbiyo waxyaabaha dabiiciga ah ee cilmibaaris lagu sameeyay oo la sheegay in ay waxtar leeyihin waxaana ka mid ah:

1- Arginine: maadadaan waxay muhiim u tahay xaga raganimada waxaana laga helaa cunnooyinka qaar, waxayna jirka ku kordhisaa maado kale oo loo yaqaan “nitric oxide”, tan oo ballaariso xididada arooriyaasha ee xubinta ragga si qulqulka ugu bato sidaasne ay awood ku yeelato.

Waxaa jira dhowr cilmibaaris oo lagu sameeyay maadadaan, kulligoodne isku waafaqeen in isbedel la taaban karo laga dareemay.
Cuntooyinka maadadaan aad ugu jirto waxaa ka mid ah: hilibka libaax badeedka, kaluunka tuuanda, yuumbiga, qubada, aargosoatada, sisinta, lowska, waambaha, cabitaanka chocolate-ka kulul oo aan sokorta lagu darin iyo qudaarta Avocado-ha.

2- Dehydroepiandrosterone: Tan waa maadada jirka uu ka sameeyo hormoonka ragga ee “Testosterone” oo aad muhiim ugu ah xaga raganimada, iyadoo daawo ahaan oo la qaato ayay jirtaa laakiin waa in dhakhtar kuu qoro oo qofkasta lama siin karo, cunnooyinka kobciyo hormoonkaan waxaa ka mid ah Qumbaha, buunshaha qamadiga iyo xayawaan badeed loo yaqaano “shrimp”, afsoomaalina lagu dhaho “Haley”.

3- Ginseng: waa geed daaweed laga helo dhulkan Asia khaas ahaan wadamada Korea, waxay cilmibaarayaasha ay sheegeen in uu sida maadada kor aan ku soo xusay ee Arginine u shaqeeyo, ragane aad wax ugu taro.
Waxa muhiim ah haddii aad isticmaalayso daawadaan in aad dhakhtarkaaga kala tashato maxaa yeelay wuxuu hoos u dhigaa tayada daawooyinka qofka uu qaadanayo.

4- Pomegranate juice: waa casiirka ama biyaha laga miiro miraha Rumaanka, casiirkaan waxaa lagu yaqaanaa inuu caafimaadka wadnaha u roon yahay, cadaadiska dhiigane uu yareeyo, cilmibaaris la daabacay sanadka 2007, waxaa lagu ogaaday in uu leeyahay faaido xaga raganimada ah, waana casiirka ragga da’da ah u roon dhinacyo badan markii la fiiriyo.

5- Yohimbe: waa geed ka baxo wadamada galbeedka Africa, waana geed aad loo isticmaali jiray inta aan Viagra-ha suuqa qabsanin, waxaa laga sameeyaa kaniinin loo yaqaano “Yohimbine” oo sida Viagraha loo isticmaalo, shirkadaha sameeyo daawooyinka kiimikada ah sida “Viagraha” ayaa dagaal aad culus ku qaaday geedkaan oo joojiyay in daawo laga dhigo maadaama la daabacay qoraallo badan oo tilmaamayo in uu keeno dhibaatooyin xaga caafimaadka ah, laakiin dadka ku nool wadamada galbeedka Africa aad ayay u isticmaalaan, laakiin caalamka kale aad loo gama yaqaano.

6- Epimedium: waa geed cows oo kale ah oo ka baxo dalka China, baaritaan ka dib waxaa la ogaaday inuu leeyahay maado la dhaho “icariin” oo u shaqeysa sidii “Viagra-ha” oo kale, dalka shiinaha aad ayaa looga isticmaalaa, waxayna dhakhaatiirta shiinaha sheegaan inuu Viagra-ha uusan ka yaraysan, waxyeelo “side effects”ne in uusan lahayn.

TALO GUUD:
Qof walba waa inuu ku dadaalo waxyaabahaan soo socda si uu u helo caafimaad jinsi ah:

  • Ku dadaal in aad cunto cunno caafimaad leh oo aan la soo warshadayn
  • Jooji isticmaalka sigaarka, jaadka iyo khamriga
  • Sameey jimicsi joogto ah
  • Welwelka iyo diiqada iska yareey
  • Ku dadaal in aad hesho hurdo  kugu filan

intaasba waa inta ugu muhiimsan oo qof waliba uu samayn karo si uu uga fogaado dhibkaan.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in haddii la helo lamaane is jecel oo is fahansan oo wixii cillad jira wada wadaago oon waxba kala qarsan in ay tahay aasaaska guusha sariirta, sababta aan saan u leeyahay waxay tahay, dhibka ugu badan ee qoysaska soomaaliyeed aysan ogeyn ayaa ah in arintaan ay u baahan tahay wadaagis iyo isla wadis oo xalka uusan ahayn kaliya in hal qof xal keeni karo, haddii labada dhinacba xal loo helin, waxba hagaagi maayaan.

Abdikadir M. Abdullahi 

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

SOMALIDOC.COM

Saturday, September 4, 2021

π—ͺ𝗔𝗫 𝗕𝗔𝗗𝗔𝗑 π—žπ—” π—’π—šπ—’π—’π—ͺ 𝗕𝗔π—₯𝗔π—₯π—œπ—¦π—”π——π—”

 π—ͺ𝗔𝗫 𝗕𝗔𝗗𝗔𝗑 π—žπ—” π—’π—šπ—’π—’π—ͺ 𝗕𝗔π—₯𝗔π—₯π—œπ—¦π—”π——π—”





Waxaan casharkaan kaga hadli doonaa cudurka ay soomaalida badanaa u taqaano “Barariso”, afka qalaad waxaa lagu dhahaa “Pyogenic Flexor Tenosynovitis”.


Cudurkaan wuxuu ku billawdaa in mid ka mid ah faraha gacanta ay gaarto dhaawac mudis ah, dhaawacaas oo farta gudaha u galo illaa uu ka gaaro xuubka ku hareeraysan lafta farta.


Waxa ku muday haddii aysan farta gudaha safiican ugu galin, badanaa ma keento caabuq daran, si dhakhsane uguma faafto faraha kale, waana xaalad ka duwan caabuqa bararisada, waxaana loo yaqaanaa “Cellulitis”.


Maxay badanaa gacmaha ugu dhacdaa?


Gacmaha waa meelaha ugu badan ee u nugul in qofka ka dhaawacmo, waana meesha ugu fudud oo dhaawac si sahlan ku gaari karo seedaha iyo lafaha maadaama aysan sidaa uga fogayn hilibka kore.


Badanaa waxyaabaha qofka mudo waa wax dhulka yaallo oo jeermis xambaarsan, waxaana badanaa cilladaan lagu arkaa dadka gacmaha ku shaqaysto sida dadka beeraha falo, geedaha gooyo ama biraha ka shaqeeyo.


Jeermiskaas markuu jirka gudaha u galo, wuxuu ku tarmaa farta dhaawaca gaaray, waxyar ka dibne way barartaa, kadibne malax ayay gashanataa, kadibne caabuqii wuxuu si dhakhso ah ugu gudbaa faraha kale illaa uu gacanta wada gaaro.


Haddii aan laga gaarin dhaawaca markuu cusub yahay wuxuu si joogto ah u naafeeyaa seedaha iyo kalagoysyada yaryar ee faraha, taasina waxay keenaysaa in faraha qalloocdaan ama gacantaba ay qallafto ama qallasho.


Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?


Daawada waxay waxtar degdeg ah leedahay markuu dhaawaca cusub yahay, waa in meesha dhaawaca kaa gaaray si dhakhso ah loo nadiifiyo si caabuqa loo yareeyo, waa in nabarka la mariyo ama lagu xiro jeermis dile, lana qaato daawo qallajiye ah si jirka looga caawiyo la dagaallanka jeermiska soo galay.


Hadduu nabarka muddo ka soo wareegato, waa in la fiiriyo inuu malax yeeshay iyo in kale, hadduu malax gashtay waa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dillaaciyo oo malaxda laga soo daadiyo, kadibne dhaymo iyo daawo la isugu daro qofka.


Hadduu caabuqa ku fidiyay faraha kale ama gacantma waa in qalliin lagu sameeyo qofkaas si gacanta loo badbaadiyo, lagana saaro gacanta wixii unugyo ah oo dhintay ama wasakhoobay si faafitaanka caabuqa loo xadido.


Gaarsii Asxaabtaada oo u #SHARE garee.

W/Q Somalidoc


Share

Abdikadir M. Abdullahi 

Thursday, September 2, 2021

CABITAANKA BASASHA

 CABITAANKA BASASHA





Basasha waxaa laga samayn karaa cabbitaan dawo ah!

Shabakadda Bold Sky oo Arrimaha caafimaadka wax ka qorta ayaa dhowaan faafisay Warbixin caafimaad oo tilmaamayso in basashu ay qani ku tahay maaddooyinka lidka mariidka, caabuqa iyo bakteeriyada. Sida oo kalana ay hodan ku tahay Faytamiinnada A, B, C, Asiidhka Foolik iyo macnado ay ka mid yihiin calcium, phosphorous, magnesium, sulfur, chromium iyo iron.


Marka aynu soo ururinno faa’iidooyinka tirada badan ee basasha waxaa ka mid ah:


1. DHIMISTA MIISAANKA


In qofku uu maalin kasta qaata 100 ml oo sharaab basala ahi muddo siddeed toddobaad ah waxa uu si weyn u yareeyaa dufanka ku urrua caloosha iyo dhexda, waxa aanu yareeyaa heerka kalastaroolka dhibaatada keena.


2. LA DAGAALANKA XANUUNNADA WADNAHA


Basasha oo sharaab ahaan loo isticmaalaa waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga oo sababa in xididdadu xidhmaan, waxa aanu caawiyaa in halbawleyaasha dhiiggu aanay adkaan.

Sida oo kale waxa ay caawisaa hoos u dhigista heerka asiidhka ‘Homocysteine’ taas oo ka hortagta in wadne xanuunku uu goor hore meel sare ku gaadh oqofka.


3. XANUUNNADA INDHAHA


Sharaabka basashu raadad badan oo togan ayaa uu ku leeyahay daweynta caabuqa guud iyo xanuunnada indhaha ku dhaca ee ay ka mid yihiin ‘Conjunctivitis’ (Daafka ama indha guduudka) iyo xanuunka indhaha ololka iyo bararka ku keena ee ‘Blepharitis’.


4. DAADASHADA TIMAHA


Muddo laba bilood ah oo maalin kasta madaxa la mariyo muudka basasha, iyada oo marka hore la dhukurayo waxa ay timaha ka ilaalisaa daadashada, sidaas awgeed waxa ay ka hortag fiican u noqon kartaa bidaarta.


5. LAFA BURBURKA / IS LISKA LAFAHA EE OSTEOPOROSIS


Lafaha oo waaya ama lumiya cufnaanta macdaneed ayaa keenta in ay jilcaan si fudud isu lisaan isla markaana ay burbur keenaan, taas oo ah xaaladda caafimaad ee loo yaqaanno Osteoporosis.

Xanuunkani waxa uu si gaar ah ugu badan yahay haweenka, gaar ahaan waxa uu ku dhacaa marka ay da’da caada deyska gaadhaan. Cilmibaadhiso lagu sameeyeyna waxa ay muujiyeen in raadka togan ee muudka basashu ku leeyahay lidka mariidku ay caawiso in ay dib u wanaagsanaadaan cufnaanta lafuhu.

Marka maalin kasta la cabbo 100 ml oo basal la miiray ah, muddo siddeed toddobaad ah, waxa la dareemayaa isbeddelk weyn oo ku yimi caafimaadka iyo quwadaysiga lafaha. Waxa kale oo uu cabbitaanka basashu caawiyaa daweynta xaaladaha caafimaad darro ee kale ee la xidhiidha lafaha.


6. LA DAGAALANKA XANUUNKA MACAANKA


Cabitaanka basasha laga sameeyaa waxa uu boqolkiiba 50 yareeyaa heerka Gulukoosta ku jirta dhiigga qofka qaba xanuunka macaanka noociisa labaad. Waxa kale oo uu cabbitaankani ka qayb qaataa dib u cusboonaysiinta unugyada ‘Beta’ ee ganaca oo marka ay dhaawacmaan sababa xanuunka macaanka, kaddib marka uu ganacu soo saari kari waayo maadadda sonkorta gubta ee Insulin.


7 DAWADA XASAASIYADDA


Cilmibaadhis lagu sameeyey raadka uu muudka basashu ku yeelan karo waxyaabaha sababa xasaasiyadda jidhka bani’aadamka, waxaa lagu ogaaday in cabbitaanka basasha laga sameeyaa uu si weyn u caawin karo yaraynta barootiinnada ‘Inflammatory cytokines’ oo iyagu sababa xasaasiyadda maqaarka iyo xanuunnada kale ee shabbaha sida xiiqda.


8. WAXA AY LA DAGAALANTAA QABOWGA IYO HARGABKA


Basashu waxa ay ka mid tahay dawo guriga lagula dagaalamo hargabka iyo noocyada duriga ee qabowga ku yimaaddo. Basal la miiray oo lagu daray in yar oo malab ah ayaa dawo waxtar muuqda leh u noqon kara habdhiska neefsiga iyo hargabka.

Daraasadaha lagu sameeyey faa’iidooyinka muudka basashu waxa ay tilmaameen in dareeraha laga miiro basasho uu caawin karo yaraynta bararka iyo xidhanka ku dhaca marinnada neefta, isla markaana uu yareeyo caabuqa ku dhaca. Isla markaana uu ka takhaluso balqanka iyo xabka ka dhasha hargabka ee xidha marinnada neefta.


9. CAAFIMAADKA ILKAHA


Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in raadka liddiga ku ah jeermiska ee ay caanka ku tahay basashu uu sida oo kalana ka takhaluso suuska ilkaha ku dhaca iyo caabuqa cirridka.


10. KA HORTAGGA BUROOYINKA KANSARKA AH


Cilmibaadhiso lagu sameeyey waxtarka caafimaad ee basashu jidhka u leedahay ayaa daahfuray, in muudka basashu uu caawin karo ka hortagga faafitaanka kansarka ku dhaca xiidmaha iyo malawadka, sida oo kalana uu faa’iido u leeyahay ka hortagga noocyo kale oo ka mid ah kansarka, sida kansarka ku dhaca naaska iyo midhicirada.


11. FAA’IIDOOYIN KALE


Faa’iidooyinka kale ee uu cabbitaanka laga miiro basashu leeyahay waxaa ka mid ah, in uu joojiyo dhiigga ka furma sanka, in uu madax xanuunka daran daweeyo, in uu daweeyo xanuunka qaaxada, in uu dhaqso u daweeyo findoobka, in uu yareeyo garaaca iyo xanuunka xubnaha iyo xaglaha iyo in uu daweeyo gubniinka fudud.

–Kamaal Marjaan.


Abdikadir M. Abdullahi 

Tuesday, August 31, 2021

πƒπ‡πˆπƒπˆπƒπŠπ€ π†π€π‚πŒπ€π‡π€πŸ‘‹

 πƒπ‡πˆπƒπˆπƒπŠπ€ π†π€π‚πŒπ€π‡π€πŸ‘‹




Dhididka badan ee qofka uu ku arko gacmihiisa ama lugahiisa waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Hyperhidrosis" oo macnaheedu yahay cillada dhididka xad dhaafka ah.


Qofka markuu kululaado ama uu jimicsi sameeyo inuu dhidido waa arrin caadi ah oo eebbe ugu talagaly in jirka lagu qaboojiyo si loo yareeyo heerkulka.


Waxaa kaloo dabiici ah hadduu qofka xanaaqo ama naxo ama welwelo inuu dhidid ka yimaado.Laakiin cillada ku kooban sacabada iyo calaacalaha oo aad looga dhidido iyadoo aysan jirin wax kiciyo sida aan kor ku soo xusay waa cillad qanjirrada dhididka oo si xad dhaaf ah u shaqeeyo..


Qofka qabo cilladaan, waxaa kacsan qanjirrada dhididka u qaabilsan ee ku yaallo jirka ama meelo gooni ah sida sacabada iyo calaacalaha, qofka uu dhididka badan ka sii welwelo ama dhibsado waxay sii kordhinaysaa dhididka horay u badnaa.


Hadduu iyadoo cillada dhididka badan jirto, qofka uu sii welwelo ama naxo wuu ka sii daraa dhididka sida markii aad imtixaan ka shaqaynayso oo kale.


haddii calaacalaha aad ka dhidido waxaa loo yaqaanaa "Palmar Hyperhidrosis" kan cagahana "Plantar Hyperhisrosis".


Dhididka badan oo noocaan ahi, wuxuu noqon karaa mid dahxal ah oo aan la xiriirin xanuun kale.


Laakiin waxaa dhacdo xaalado caafimaad darro oo dhididka siyaadiyo waxaana ka mid ah cudurradaan soo socda:

1- Kacsanaanta dheecaanka korriinka jikra "Growth hormone"

2- Cilladaha niyad jabka iyo welwelka ee maskaxda ku dhaca.

3- Kansarka 

4- Daawooyinka qaar oo si qaldan loo isticmaalo

5- Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka.

6- Tiibishada sambabka ku dhacdo "Qaaxada" 

7- Xanuunka Buruseelka 

8- Dhaawac xangullaha lafdhabarta

9- Faalijka nooc ka mid ah.

10- Xanuunka xasuusta lumiya ee Parkinson.

11- Xilliga dhalmodeyska ama caadada istaagto.

12- Cillada sonkorta dhacdo.


Haddii qofku iskala noolaan karo wax dhib ah kuma yeelaneyso laakiin haddii ay saameyn ku yeelato nolol maalmeedkiisa waa inuu la xiriiraa takhtar si xal loogu helo.


Dadka ugu badan ee dhibaato ku qabo ayaa waxaa ugu horreeyo ardayda weliba xilliyada imtixaannada maadaama ay niyad kacsaniyihiin dhididkane uu saaid yahay taasoo keenta in ay warqadaha iska qooyaan imtixaankane ka shaqayntiisa dhib ku noqdo.


Hababka kontoroolidda dhidhidka xad dhaafka ah waxaa lagu yarayn karaa kareemyada leh deodorants-kaoo ay ku jirto maado loo yaqaanno "antiperspirants" oo dhididka yarayso.


Waxaa kaloo lagu joojiyaa iyadoo koronta lagu qabto qanjirrada dhididka siyaadada ah u soo daayo ama cirbad lagu duro ama qalliin lagu sameeyo neerfaha kontoroolo qanjirrada dhididka.


Daaweyntaan waxay ku xiran tahay qofka xaaladiisa heerka ay gaarsiisan tahay iyo meesha dhididkiisu u badan yahay.


haddii cilladaadu aysan gaarsiisneyn heer daawo ama qalliin waxaa jiro tillaabooyin aad guriga ku samayn karto si aad dhididka iskaga yarayso:

1- Baradho inta aad xaliif ahaan u jarjartid, gacmaha ama meelaha aad uga dhidido ku xoqo.

2- Cusbo iyo liin dhanaan la isku daray marso meelaha aad uga dhidido waxay yareeyaan shaqada qanjirka dhididka.

Wixii macluumaat intaa dheer kala xiriir takhtarkaaga, haddii aad qabtid su'aalo kale ama aad faahfaahin u baahan tahay waad na soo weydiin kartaa.

WQ: somali Doc


Abdikadir M. Abdullahi 


πŸ‘‰π†πšπšππ‘π¬π’π’ Ama 𝐌𝐞𝐧𝐭𝐒𝐨𝐧 Dheh Asxaabta si Eey uga  faaideystaan.πŸ‘ˆ


𝐬𝐑𝐚𝐫𝐞- dheh wll

Sunday, August 29, 2021

Halista qarsoon ee WEYNEYNTA FARUURYAHA.

 Weyneynta Faruuryaha (Lip augmentation)

Weyneysiga faruuryaha waa xaalad u baahan in si taxadar leh loo sameeyo una baahan khubaro Caafimaad oo takhasusyo kala duwan wato iney saameeyaan. Ma ahan wax uu hal ama laba dhakhaatiir ah ay sameyn karaan. Aan usoo daadagee ujeedadeydee, Somalia ma joogaan dhakhaatiir howshan fulin Kara?  Jawaabta adiga akhristaha ah ayaan kuu daayey.

Ma isweydiisey halista fog ee kaaga imaan karta qalliinkaan marka laga soo tago diin ahaan ma banaantahay mise ma banaana?

Ma tahay oo ma kugu haboontahay in lagu sameeyo?


Si aad uga jawaabto su’aashan isweydii marka hore, maxay tahay sababta kugu kalifeyso inaad bedesho. 


Waxaa jira dad aan macquul eheyn in loo sameeyo qalliinkaan oo qabo xanuuno kale oo qarsoon loona baahanyahay in baaritaan dheeraad ah loo sameeyo ka hor inta aanan lagu sameyn qaliinka noocan ah. Haddii adoo qabo xanuunadaas lagugu sameeyo waxaad geli kartaa halis caafimaad oo daran waxaana ugu horeeyo inaad tahay qof 


1  xasaasiyad ku qaba dawooyinka loo isticmaalo sameynta howshan.


Qiimaha sameynta qalliinkaan?

Waa ay kala duwantahay oo waxay ku xirantahay:-

 Nooca qaliinka lagugu sameynayo

 Khibradda dhakhtarka howshan fulinayo

 Iyo halka aad ku nooshahay


Qiimaha ugu yar ee hooshaan duriinka afka waa 750$






Maxaad rajeyneysaa inta lagu guda jiro hoshaan?

Habka loo durayo cirbadda ayaaba ah farsamo kale oo dheeraad ah xitaa waxaa dhacda mararka qaar dhakhtarka sameynayo inuu xiro neerfe si aadan u dareemin xanuunka waana halis kale oo dheeraad ah waa haddii qofka sameynayo uusan laheyn khibrad ku filan. Waxaa jirta dhibaato kale oo aynaan horey usoo sheegin oo ah haddii aad qabto dhibaato la xiriirta xinjireynta dhiigga oo aadan ogeyn inaad qabto loona baahanyahay inaad ka feejignaato. Waxaa soo raaco inaad qabto cudurka sonkorta iyo Infekshan-ka la yiraahdo oral herpes.

Dhakhaatiirta la rabo iney saameeyaan qalliinkan

Waxaa ugu horeeyo dhakhtarka cuduradda maqaarka Dermatologist, dhakhtarka la yiraahdo 


Gaar ahaan dhaqaatiirta ku taqsustay (Plastic surgeons) oo ah kuwa bedela muuqaalka dadka iyo dhakhtar kale oo la dhaho Cosmetic facial surgeons. 

N.B Kama dhigna in sedexdaan uun loo baahanyahay ee waa kuwa ugu muhiimsan qalliinkan


Maxaa ka dhalan Kara marka lagugu sameeyo qaliinka ka dib?

Waxaa jirta dhibaatooyin caafimaad oo kaaga iman Kara markii lagu dhameeyo qaliinkan waxaana ka midda:-


                  DHIBAATOOYINKA 


1.In labada dada faruuryood ayba isla ekaan waayaan

2. Infekshan

3. Barar muddo qaata

4. Kuuskuusyo iyo in faruuryahaagu sidii aad rabtey aysan noqon

• Faruuryaha oo adkaada iyo Iw


WAQTIGA OO JIRIKARO FARSAMADAAN


Wuxuu faruurya haaga sii weynaan karaa


ugu badnaan 18 bilood  kadib waxaa imanayaa isbadal Sida muqaalka afka iyo dad daada oo kala weyn.  


Fadlan nagu soo biir si aad uga mid noqoto dadka ugu horeeya ee ka faaiidaysta talooyin caafimaad aan soogalino bloggaan #follow #like dheh mahadsanid 


Akhriste waxan rajaynayaa in aad wax badan ka faaiiday qormadan hadaba ha hilmaamin in aad sii gaadhsii so asxabtaada iyo bulshada kale si ay uga faaiidaystan #SHEER dheh mahadsanid 


Dr shaahid


Abdikadir M. Abdullahi 


Saturday, August 28, 2021

5 calaamadood oo kuu sheegaya inuu kugu dhici rabo kansarka naasaha.

 

5 calaamadood oo kuu sheegaya inuu kugu dhici rabo kansarka naasaha

Calaamadahan waxay kuu sheegayaan inuu kugu soo socdo kansarka naasaha.


14397

Kansarka naasaha wuxuu ka mid yahay cudurrada faraha kulul ku haya caalamka dadka ugu badanna ku dhaca. 

Waddan kasta bulshadiisa waxay halis ugu jirtaa cudurkan oo u badan dumarka, balse ragga xitaa qaarkood ku dhaca.

Waxaa jira astaamo badan oo uu leeyahay kabsarka naasaha balse gabdhaha badankood ay iska indho tiraan.

Marka xilli hore la ogaado wuxuu leeyahay wax ka qabasho. Gabdhaha badankood waxaa lagu sameeyaa qalliin looga gooyo naaska xanuunsan haddii aan la daweyn karin si naftooda loo badbaadiyo.

Fadlan ha yaraysanin calaamadahan muujinaya inuu kugu soo socdo cudurkaas dilaaga ah.

1- Qufac joogto ah







Marka aad isku aragto qufac qallalan, neefta oo ku dhibaysa iyo dhuunta oo angagan waxaa suuragal ah in kansar uu ku sii fidayo sambabbadaada.

Xaaladdan waxaa loo yaqaannaa “kansarka naasaha ee heerka sare ah” wuxuuna ku dhacaa 60% ilaa 70% ka mid ah dumarka.

Inta badan dumarka waxay arrintan ku khaldaan hargabka caadiga ah, kumana baraarugaan.

Haddii aad isku aragto fadlan si deg deg ah ula xiriir dhakhtar.

2- Calaamad kasoo muuqata maqaarka

Inkasroo astaamaha kasoo baxa maqaarka ay calaamado u yihiin kansarka maqaarka, haddana waxyaabaha lagu karto kansarka naasaha waxaa ka mid ah in jirka lagu arko meel u eg sida inuu dhiig ku jiro.

Meel noocaas ah oo cusub haddii aad isku aragto ha yaraysanin.

Calaamaddan waxay kasoo muuqan kartaa meel walba oo ka mid ah jirkaaga, sida gacanta, xabadka, naaska dushiisa ama dhabarka.

3- Daal xad dhaaf ah

Daalka qayrul-caadiga ah wuxuu ka mid yahay calaamadaha ugu waawayn ee kansarka.

Inkastoo astaantan aad loogu yaqaanno xanuunnada dhuunta ku dhaca iyo isku dheellitir la’aanta hirmoonnada, haddana ma aha in la yaraysto.

Haddii uu yahay kansar, daalkaas ma baxayo marka aad seexato ama aad nasiino badan qaadato.

Daraasad ayaa muujisay in 10% ka mid ah dadka uu ku dhaco kansarka naasaha ay isku arkaan calaamaddan.

4- Dhibaato dhanka dheef shiidka ah

Caloosha oo istaagta, mindhicir xanuun, xanuun kaadi haysta ah iyo dibirada waxay ka mid yihiin calaamadaha ugu waawayn ee kansarka naasaha.

Bukaannada qaarkood waxay xakamayn waayaan kaadida marka ay qoslayaan, qufacayaan ama hindhisayaan.

Qaar kalena kaadida ma ceshan karaan marka ay qabato.

5- Dhabar xanuun

Siddeed ka mid ah tobankii qofba waxay dareemaan dhabar xanuun.

Sida caadiga ah waxaa dhabar xanuunka keeni kara waxyaabo ay ka mid yihiin fadhiga badan, qaab dhismeedka jirka oo aan toosnayn, culays loo qaado si aan habboonayn iyo dhaawacyada.

Laakiin nasiib darro, dhabat xanuunka wuxuu sidoo kale ka mid yahay calaamadaha kansarka.

Sidaas awgeed, astaamahan oo dhan fiiro u yeelo, haddii aad isku aragtana si deg deg ah ula xiriir dhakhtar.

Thursday, August 26, 2021

Wax Ka Baro Mucjisooyinka Ku Lammaansan Hindhisada.

 

Wax Ka Baro Mucjisooyinka Ku Lammaansan Hindhisada. 

HindhisoHindhisadu waxa ay muhiimad weyn iyo faa’idooyin kala duwan u leedahay nolosha qofka iyo caafimaadkiisa. Hindhisada oo waqtigeedu uu yahay ilbidhiqsi ama ilbidhiqsi badhkii, waa geeri uu qofku dhimanayo kadibna uu mar labaad dib ugu soo noqonayo nolosha. Waana sababta aynu ugu tilmaamayno in ay tahay mucjiso Rabbaani ah oo duruus badan oo ruuxi ah iyo kuwo caafimaadba ku jiraan, waana sababta sida ay culimada Islaamku sheegeen loo sunneeyey in marka uu qofku hindhisho uu yidhaahdo, “Alxamdu Lillaah (Allaa Mahad leh). Waa farxadda uu addoonku Alle uga mahadcelinayo in geeridaa ilbidhiqsiga badhkii ah ee uu qofku ka soo badbaaday.

Qormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa dhowr ka mid ah mucjisooyinka ku lammaan hindhisada:

– Marka uu qofku hindhisayo waxa gebi ahaanba shaqada joojiya wadnaha, iyo sidoo kale dhammaan hab-dhisyada shaqooyinka kala duwan qabta ee jidhka bani’aadamka.

– Haddii uu qofku si xoog leh u hindhiso waxa suuro gal ah in mid ka mid ah feedhihiisu ay jabot cadaadiska xoogga badan ee neefta awgeed.

– Waxa ay khubarada caafimaadku sheegaan in hindhisada kediska ah oo uu qofku doono in uu isku celiyaa ayaa keeni karto dhiig ku furma raqabadda iyo madaxa, taasina ay keenayso khatar illaa heer dhimasho gaadhsiisan.

– Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in ay dhici karto in uu qofku si kedis ah u dhinto, oo uu ka soo noqon kari waayo istaagista wadnaha iyo unugyada kale ee muhiimka ah.

– In kasta oo aanu qofku awoodayn in marka uu hindhisayo indhaha kala hayo, haddiiba se uu isku dayo qofku inuu xoog indhaha ku kala hayo marka uu hindhisayo waxa dhici karta in ishu ay xoog kaga soo baxdo godkeeda ama xididdada tiftiflayaasha ah ee dhex maraa ay faruurmaan oo ay taasi keento in isha gudaheeda uu dhiig ku furmo

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...