(Cudurka Gaaska).
Maxaa keena Cudurka Gaaska ?
Cudurkaan waxaa keena waxyaalo badan oo kala duwan.
Labada wax ee ugu badan ee keena waa:
1. Daawooyinka loo yaqaan Xanuun baabi`iyaasha ama qandho jabinta/lafo-xanuunka/dhiig-furfureyaal, luqadda caafimadkana lagu yiraahdo NSAIDS (Non-Steroidal Anti-Inflamatory Drugs).
Daawooyinkaan waxaa ka mid ah
1. Aspirin
2. Ibuprofen
3. Naproxen
4. Diclofenac(Voltren)
5. Indomethacin
6. Celecoxib
7. Unikal
8. Meloxicam
9. Diclocin
2. Bacteeriyada loo yaqaan Helicobacter Pylori (H.Pylori).
Maxaa ku khaas ah Bakteeriyadaan?
Guud ahaan waxaa jira bakteeriyo ku nool jismiga (jimsiga) qofka, taas oo aan wax dhib ah haba yaraatee u gaysan qofka balse ayadu faa`iidooyin u haysa sida:
A. In ay qayb wayn ka qaadato shiidista iyo dheef-shiidista cuntada qofku cuno
B. Ka qayb-qaadashada samaynta iyo soo-saarka Faytamiinnada muhiimka u ah qofka.
C. Difaaca jismiga (jimsiga) qofka ayada oo
I. Bacteeriyada iyo jeermiska kale kula tartamaysa quudashada nafaqada cuntada ka iman, si ay bakteeriyada kale u waydo nafaqadaas oo ay u dhimato.
II. In ay dheecaammo dilaa ah kusii dayso jeermiskaas soo galaya jismiga (jimsiga) qofka, si ay baabi`iso.
Bakteeriyada noocaan ah waxaa loo yaqaan Flora (oo macnaheedu luqada Latinka ku ah ubax) Waxa ay ku nooshahay jirka intiisa badan sida: Maqaarka, Xiidmaha, daloolada dhagaha, Sanka, Afka IWM.
Bakteeriyadaani kuma noola:
1. Dhiigga dhexdiisa
2. Kelyaha, kaadi-haysta, kaadi mareenada aan ka ahayn afafka hore ee kaadidu ka baxdo.
3. Maskaxda iyo Neerfayaasha
4. Caloosha
Meelahaan aan soo sheegnay ayaa ah kuwo xiran intooda badani oo aysan jirin meel bakteeriyadu ka gasho aan ka ahayn caloosha taas oo bakteeriyadu ka soo gali karto wixii afka laga qaato. Haddaba maxaa caloosha u diida in ay ku noolaadaan wax jeermis ah?
Caloosha ayaa leh aashato aad u daran taas oo aysan u dulqaadan karin noolayaasha oo dhammi. Haddaba waxaa jira hal bakteeriyo oo loo yaqaan Helico-bacter Pylori taas oo leh dheecaan ay ku darto kan aashatada caloosha, taas oo keenta in ay aashatada yarayso ama baraxdo ilaa ay gaarsiiso heer ay bakteeriyadaan ku noolaan karto. Sidaas ayaa keenaysa in Helicobacter Pylori ay noqoto waxa kaliya ee iska difaaci kara aashatadaas, sidaas darteedna ay ku noolaato caloosha dadka intooda badan.
H. Pylori ayaa ah bakteeriyada dhalisa cudurka Gaaska.
Maxaa kale oo keeni kara cudurkaan aan ka ahayn Daawooyinkan iyo Bakteeriyadaan?
Khamrada, Sigaarka, Jirrooyinka aadka u liita, Cadaadis-maskaxeedka (stress), Gubasho ballaaran , Dhaawacyada , Ekfeshinka dhiigga raaca, iyo Howl-gabka kelyaha, beerka, iyo xubnaha kale ee muhiimka aadka u ah nolosha ayaa ayana ah waxyaalaha kale ee keeni kara cudurkaan.