Saturday, February 13, 2021

KA HORTAG MADHALEYSNIMADA

 KA HORTAG MADHALEYSNIMADA





Madhalaysnimadu waxay saameyneysaa ilaa 15% lamaanayaasha,


Nasiib wanaag, waxaa jira siyaabo dabiici ah oo lagu kordhinayo bacrimintaada ukumaha si aad uur u qaado,


Xaqiiqdii, isbeddelada cuntada iyo qaab nololeedka waxay gacan ka geysan karaan kor u qaadista bacriminta ilaa 69%,


13kaan hab ayaa kaa caawin kara in aad ka hortagto madhalaysnimada hadaad gabar tahay iyo hadaad wiil tahayba,


1= ISTICMAAL MAADADA ANTIOXIDANTS CUNTOOYINKA AY KU BADANTAHAY


Waxaa maadadan laga helaa qudaarta cagaaran iyo miraha iyo loowska iyo qamandiga,

 Qaadashada cuntada dheeraadka ah ee antioksidan ama cunista cuntooyinka hodanka ku ah maadadan ayaa ka hortagga ma dhalaysnimada korna u qaadi kara qiimaha bacriminta, gaar ahaan ragga qaba dhalmo la'aan.


2= HA BADSANIN CUNTOOYINKA DUFANKA SHIILAN LEH


cuntooyinkan ayaa waxaa kamid cuntooyinka la shiilo sida jibsida hanbeegarka hilibka aadka loo shiilo 

ayaa dhibaato ugeysan kara ugxansidayaasha.


3=  BADSO CUNTOOYINKA DAHAARKA LEH


Cuntooyinkan waxaa kamid ah digirta haruurka iyo galeyda ansalaatada

Iyaga ayaana sare u qaada soo saarista dheecaanada taranka isku dheeli tira xadiga sonkorta dhiiga.


4=BADSO CUNTOOYINKA  BOROTIINKA DHIRTA KA TIMAADA LEH


Cuntooyinkaas waxaa kamid ah Lowska masagada qamandiga qudaarta qayb kamid ah halkii aad ka cuni lahayd borotiinka xoolaha ka yimaada sida hilibka.


5= QUDAARTA BADSO


qudaarta badankeeda waxaa laga helaa maadada Multivitamin oo ah maado kor u qaado sameysanka ukumaha iyo shaqada bacraminta.


6= JIMICSI SAMEE JOOGTO AH


In aad jimicsi joogto ah sameyso ayaa kor u qaada xadiga aad uur ku yeelan karto in aadan jimicsi sameyn ayaa cagsi ku ah.


7=  QAADO WAQTI AAD KU NASATO


Wel-welka iyo walbahaarka oo kugu bata ayaa yareenaya xadiga aad ilmo qaadi lahayd marka waa in aad hoos u dhigtaa stress ka ku haysta aadna qaadataa waqtiyo badan oo aad ku raaxaysato kuna faraxdo.


8=  KAFEYGA ISKA YAREE AMA ISKADAA


Kafeygu aad ayuu u wax yeeleeyaa bacriminta ilmaha  hooyada rabta in ay uur yeelato marka wa in ay iska joojisa isticmaalka badan ee kafeyga.


9=  MIISAANKAADA dheeli tir usamey


Hooyada miisaankeedu uu aad u sareeyo ama u hooseeyo ayaa saameyn taban ku yeelata jaaniska ay uu ku qaadi lahayd marka waxaa wanaagsan hooyadu in aysan miisaan badneen ayna yareyn.


10: QAADO CUNTOOYINKA AY IRONTU KU BADANTAHAY


cuntooyinkan waxaa kamid ah beerka iyo kelyaha xoolaha waxayna sere u qaadayaan bacriminta ukumaha.


11= KA DHEEROOW BALWADA SIDA QAADKA SIGAARKA TUBAAKADA SHIISHADA TAABUUGA XASHIISHKA IYO QAMRIGABA.


Dhamaan maandooriyiyaashaan ayaa qayb weyn ka qaata hadaad isticmaasho  in aad madhalays noqoto Ragg iyo dumarba.


12=  SUBAXII CUN QURAAC KUGU FILAN 


13 iska yareey  walwalka&walbaharka.

...................................................................................


Awlaadu waa Naxariis Allaah ayaana bixiya siiyana cidda uu uqadarey hababkaan aan kuu soo gudbiyey ayaa ah dadaal aad ku heli karto ilmo haduu alle kuu qadarey.


Qof kasta oo jecel in uu uu Waraso helo  waxaan ugu duceynaya in uu Eebahay uu siiyo awlaad kheyr badan.


Gaarsiiya asxaabtiina sida aan idiin soo gaarsiiyey oo u SHARE  gareeya ama halkaan ugu yeer qof kuu muhim ah si uu u faaiideysro


Mahadsanidiin waqtiga aad ku akhrisateen




Abdikadir M. Abdullahi 

No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...