๐ฆ๐๐บ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐๐ถ๐ถ๐ฑ๐บ๐ผ (๐ฆ๐๐ฟ๐ฒ๐๐ฐ๐ต ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐)
Sumadda maqaarka oo kala jiidmo waa wax lagu arko maqaarka oo ah xariiqmo barbaryaal, laymankaan wey ku kala duwan yihiin midabka iyo dareenka taabashada, midabkana wuxuu u dhexeeya guduud ama basali, marka aad taabatid na waxaad dareemeysaa in maqaarka intiisa kale ay ka godan tahay.
Sumaddaan waxay inta badan soo baxdaa marka uu dhaco is bedel culeyska jirka ah oo degdeg ah, iyo inta lagu guda jiro uurka ama uurka kadib, laymankaan ma ahan kuwo khatar wata, waana kuwo iskood u baaba’aan.
Sumadda maqaarka oo kala jiidmo waxay kasoo bixi karaan meel kasta oo jirka ka mid ah, laakin waxay caan ku yihiin oo lagu arkaa, caloosha, naasaha, qeybta kore ee gacmaha, iyo dabada.
๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฏ๐ฎ
Sumadda maqaarka oo kala jiidmay waxay ka dhalataa marka jirka uu u koro in ka badan xowliga uu maqaarka ku kori karo, taasna waxay sababeysaa in ay go’do laastiiga maqaarka, taas oo keenta iney sameysanto sumadda maqaarka oo kala jiirdmay.
Arintaan waxay caantahay waqtiyada qaar sida
• Dumar badan waxaa lasoo dersa sumaddaan xiliga ay uurka leeyihiin, sababtoo ah maqaarka ayaa kala jiidma si boos loogu helo uurjiifka
• Sumaddan waxay soo baxdaa marka qofka uu si degdeg ah u siyaadiyo ama u nusqaamiyo culeyska jirka
• Waxaa jirka cilado qaar oo sababa in sumadda maqaarka oo kala jiidmay ay ufududaato dadka qaar.
๐ฌ๐ฎ๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐ถ๐ ๐จ๐ด๐ ๐๐ถ๐ฟ๐ฎ
Waxaa halis ugu jira
√ Dumarka
√ Taariikh hore qof u leh
✓ Dumarka uurka leh
✓ Dumarka dhalay dhalaan culculus
Qof cayilan
✓ Qof culeyska si degdeg ah uriday ama u koray
✓ Isticmaalka dawooyinka loo yaqaano kortiko istiiroyd
✓ Dadka qabo ciladaha lagu dhasho ee hiddaha ah.
๐ฆ๐ถ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ป ๐๐๐ฎ๐ด๐ฎ ๐๐ฎ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ๐ฎ?
Waxaa jira waxyaabo badan iyo nidaamyo kala duwan oo sheegta iney bixin karaan sumadda maqaarka oo kala jiidma, laakin xaqiiqadi ma jirto wax waxtar leh oo la cadeeyay iney bixin karaan ilaa iyo hadda. In kareem la marsado oo la qooyo maqaarka iyo in la cabo biyo badan ayaa la sheegay iney fududeeyaan in ay khafiifiyaan sumaddaan, sidoo kale sumaddaan waa mid mustaqbalka iskeeda u baa ba’do xitaa hadii aan wax daweyn ah lagu sameyn.
๐ฆ๐ถ๐ฑ๐ฒ๐ฒ ๐ฏ๐ฎ๐ฎ ๐จ๐ด๐ฎ ๐๐ผ๐ฟ๐๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ?
Nasiib darro majirto qaab looga hortagi karo sumadda maqaarka oo kala jiidma, xitaa hadii aad si joogta ah u isticmaashid kareemka, hasa yeeshee inaad ku ilaalisid culeyska jirkaaga cabir wanaagsan, iyo cunidda cunno wanaagsan waxay ka hortagi kartaa sumaddaan oo ku soo baxdo is bedelka culeyska jirka.
In kastoo ay caafimaad tahay in qofka uurka leh uu siyaadiyo culeyska jirka, waxaad weydiin kartaa dhaqtarkaaga, cabirka culeyska ee kugu haboon inaad ku dartid jirkaaga
Abdikadir M. Abdullahi