Wax badan ka ogaaw afqaleelka
iyo waxa sababo.
.
Afqaleelka waa xaalad taas oo ah in qanjirada qaabilsan soo saarista dhareerka ama candhufta ee ku yaalo afka aysan soo saarin wax candhuf ah ama ay soo saaraan tiro aad u yar oo candhuf ah .
Afqaleelka inta badan waxa oo ka dhashaaa sameenta xun ee daawoyinka qaar ama waxyaaabo kale oo la xariiro da'da qofka ama waxa oo ka imaan karaaa dawooyinka ama shucaacyada lagu daweeyo kansarada.
sido kale af qaleelka waxa oo ka imaan karaa dhibaato soo gaarto qanjirda soo saaro dhareerka lakiin taas aad ayee u yartahay.
calaamadaha af qaleelka waxaa ka mid ah
1-in aad dareento in afka ku qalalan yahay ama dhag dhag ku noqdo afka.
2-in dhareerka noqdo mid adag ama jiijiidmo.
3-neefta qurunto
4-dhuunta ku qalasho ama xanuun in aad dareento.
5-carabka qaleel noqdo.
maxaaa sababo af qaleelka
qanjirada qaabilsan dhareerka aanan si fiican u shaqeen taas inta badan waxaa sababo.
1-daawooyinka:
daawooyinka aad u tira badan ayaa waxaa ka dhasho af qaleelka daawooyinkaas waxaa ka mid ah
@ dawooyinka lagu daweeyo niyad jabka.
@kuwa lagu daweyo dhiig karka iyo kuwa kale oo badan.
2-da'da oo siyaado dadka wa wayn ayaa inta badan waxaa lagu arkaa afqaleelka sababtana waxay tahay daawoyin ay isticmaaleen iyo waxyaabo kale oo la xariiro cunada.
3-dawooyinka kansarka lagu daaweyo waxay sababaan afqalelka waxay caqabad ku noqdaΓ an qanjirda dhareerka so saaro waxayna sababaan af qaleelka.
5-dhaawac soo gaaro neerfayaasha gaar ahaan neerfayaasha ku yaalo madaxa iyo qoorta waxayna sameyaan shaqada qanjirada.
6-tubaakada iyo sigaarka waxay sababaaan af qaleelka.
dhibaatooyinka ka dhalan karo af qaleelka.
1-in la arko cudurada ku dhaco ilkaha iyo ciridka sida suuska iyo wax la mid ah.
2-nabro afka ka soo baxo
3-faruuryaha dildilaaco.
4-nafaqada xumaato sababtana waxay tahay qofka waxaa dhib ku noqoneso ruugida iyo laqista cunada.
sidee looga hortagaaa af qaleelka.
1-cab biyo badan adigoo kabanaayo biyaha maalinki wadar jeer.
2-waxaa wanaagsan in aad ruugto xanjada si qanjirada u shaqeeyaan.
3-ka fogaaw qamriga.
4-ha isticmaalin sigaarka iyo tubaakada
5-waxaa wanaagsan in aad nadiifiso ilkaha cunada ka dib.
Abdikadir M. Abdullahi
share dheh walaal
No comments:
Post a Comment