𝗫𝘂𝗯𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗧𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗗𝘂𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗖i𝗿𝗶𝗶𝗿𝗶 𝗻𝗼𝗾𝗼𝘁𝗮.
Waa cillad galmo oo ku dhacda dumarka qaar, waxay na sababtaa dareen xanuun badan xiliga galmada taasoo hoos udhac wayn ku keenta tayada galmada, ciladaan waxay faragelin ku sameysaa xiriirka lamaanaha iyo tayada noloshooda.
Dumarka qaba xalaadaan waxaa si ikhtiyaar la’aan ah isu soo uruura murqaha xubinta galmada, waxayna dhacdaa inta aan la bilaabin galmada, in kastoo dumarka qaar uu isu soo uruuro murqaha ferjiga xilli aan ahayn xiliyada galmada sida marka ay isticmaalayaan tambooni ama marka la taabto hareeraha ferjiga, xaaladaan waxaa loo yaqaanaa “vaginismus”. Waana xaalad is hortaagi karta in loo galmooda qofka qaba xaaladaan. Waa xaalad kadhigta galmada mid aad u xanuun badan.
Xubinta taranka oo iski ururta isma hortaagto kacsiga qofka dumarka, laakin wuxuu is hortaagaa galmada.
𝗡𝗼𝗼𝗰𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝘂𝘀𝗺𝘂𝘀
Waxaa loo qeybiyaa laba nooc.
𝗣𝗿𝗶𝗺𝗮𝗿𝘆 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝗶𝘀𝗺𝘂𝘀 waa marka qofka dumarka ah aan waligeed loo galmoon, hadana ay dareento xanuun markasta oo la isku dayo in loo galmoodo.
𝗦𝗲𝗰𝗼𝗻𝗱𝗿𝗮𝘆 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝗶𝘀𝗺𝘂𝘀:waa marka ay noqoto galmada mid xanuun badan leh, in kastoo awal aysan ahayn mid xanuun leh, marxaladaan waxaa sababi kara qaliinada lagu sameeyo dumarka.
Dumarka qaar ayaa waxaa lasoo darsa cidhiidhigaan marka ay dhalma gooyaan, waxaana loo aaneyaa iney sababta dheecaanka entrojiin oo heerkiisa hoos uga dhaca marka dumarka ay dhalma goyaan. Hormoonka estrojiin wuxuu sahlaa laastiiga iyo qoyaanka xubinta galmada.
𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝗶𝘀𝗺𝘂𝘀?
Ilaa iyo hada lama oga waxa sababa arintaan, laakin waxaa la isku raacay mararka qaar ineysan jirin wax sababa, hasa yeeshee waxaa lala xiriiriyaa walwal qofka dumarka ah uu ka qabo galmada iney tahay mid xanuun badan sidaa darteed waxaa si akhtiyaar la’aan ah isugu soo urura xubinta taranka.
𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼𝗹𝗮 𝘁𝗮𝗰𝗮𝗮𝗹𝗮𝗮 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝘂𝘀𝗺𝘂𝘀?
Xaaladaan waa xaalad la daweeyn karo ayadoon la isticmaalin wax dawo ah, waxaana loo daweeyaa si ku dheehan barashada galmada, latalin iyo jimicsi
𝗕𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗹𝗺𝗮𝗱𝗮:
Waa barasho laxiriirta in wax lagaa barto qaab dhismeedka jirkaaga iyo sida ay wax udhacaan marka lagu guda jiro galmada, macluumaad ku saabsan murqaha isku soo arura iyo waxa sababi kara iney isku soo ururaan, waxaa kaloo kamid ah barashada in wax lagaa baro xiriirka ka dhexeeya maskaxda iyo xubnaha taranka, waana barasho sahli karta inaad macluumaad saxan ka heshid xubnaha jirkaaga iyo sida ay u falgalaan xiliga lagu guda jiro galmada.
𝗪𝗮𝗮𝘀𝗶𝗰𝗶𝘆𝗲
Waasiciye waa caag dhuuban oo loogu talagalay in si tartiib tartiib ah loogu waasiciyo xubinta galmada haweenka, waxaana laga yaabaa in dhaqtarkaagu kugula taliyo inaad isticmaashid waasiciye Vaginal Dilator waasiciyaha wuxuu caawiyaa iney kala baxaan murqaha ferjiga oo ay unoqdaan kuwa dabca si ay galmada ufududaato, waxaana lagula taliyaa in uu lamaanaha ka caawiyo in sowjadiisu isticmaasho waasiciyaha. Mar hadii ay dhamaato xiliga loo qabta inaad isticmaashid, waxaa adiga iyo saygaaga dib ubilaaban kartaan galmada.
𝗝𝗶𝗺𝗶𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗞𝗲𝗴𝗮𝗹:
Waa jimicsi lasameeyo si loo adkeeyo murqaha sagxada miskaha, adkeynta murqahaan ayaa caawiyo xakameynta qulqulka kaadida.
𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗺𝗲𝘆𝗮𝗮 𝗷𝗶𝗺𝗶𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗸𝗲𝗴𝗮𝗹?
Hel murqaha aad isticmaashid marka aad rabtid inaad joojisid qulqulka kaadida
Tuujin ku samee murqahaas in 3 sekeno ah, kadib nasi 3 seken oo kale. La marabo in murqaha caloosha iyo bawdyada iney adkaadaan
kudar hal ilbiriqsi isbuuc kasta ilaa inta aad tuujin ku sameen kartid toban ilbiriqsi markasta
Ku celceli jimicsigaan 10 ilaa 15 mar halki fadhi oo aad sameyneysid. Isku day inaad sameeysid ugu yaraan 3 jeer maalin kasta
Hasamayn jimicsigaa marka aad kaadineysid, sababtoo ah waxaad dhaawici kartaa kadi haystaada.
𝗧𝗮𝗹𝗼
Cillad ku timaada galmada waxay dhib ku keeni kartaa xiriirka ka dhexeeya lamaanaha, sidaa darted waa muhiim inaadan ka xishoon oo aad la hadasho ninkaaga oo aad uga waranto dareenkaaga iyo hadii ay jirto wax cabsi ah oo aad kaqabtid galmada, sababtoo ah waxay kaa caawin kartaa inaad nasiino dareentid xiliga galmada.
Saliideynta iyo boosaska qaar oo la isugu galmooda ayaa yarayn kara raaxa-darida ka timaada galmada.
Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormdan caafimaad fadlan #LIKE saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii #SHARE garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa'iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin.
Daryeel Magazine
Abdikadir M. Abdullahi
No comments:
Post a Comment