๐ง๐ถ๐บ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ต๐ผ,
Timuhu waxay ka sameysan yihiin nooc borotiin ah oo loo yaqaan keratin kaasoo laga soo daayo daldalooda yar yar ee timuhu kasoo baxaan.
Marka daldalooladan yaryar ay soo saaraan unugyo cusub oo timo ah, kuwii hore banaanka ayaa loo saarayaa si kuwa cusub boos loogu helo.
Madaxa qofka wayn wuxuu leeyahay ugu yaraan 100,000-150,000 waxaana maalin kasta dhunta ilaa 100 kamid ah timahaas. Koritaanka timaha ee qofku wuxuu lee yahay isbadal joogto ah oo kuxidhan da’da qofka, xanuun, iyo qodobo kale.
Noocyada isbadalka timaha.
๐๐ป๐ฎ๐ด๐ฒ๐ป:
waa nooc timuhu si firfircooni ah u korayaan wuxuuna koriinkaas soconayaa 2-6 sano
๐๐ฎ๐๐ฎ๐ด๐ฒ๐ป๐ฎ:
koriin kumeel gaar ah oo soconayaa 2-3 isbuuc
๐ง๐ฒ๐น๐ผ๐ด๐ฒ๐ป:
waa nooc nasasho ah oo wax isbdal ah dhacayn balse dhamaadka noocaan dhamaan timihii hore waxaa badalaya kuwo cusub.
Noocyada tima daadashada.
๐๐ป๐๐ผ๐น๐น๐๐๐ถ๐ผ๐ป๐ฎ๐น ๐๐น๐ผ๐ฝ๐ฒ๐ฐ๐ถ๐ฎ:
Xaalad dabiici ah taasoo timuhu si tartiib ah u khafiifayaan marka dadku duqoobaan.
Heerka koritaanka timaha ayaa yaraanaya timaha madaxa ku yaalana way yaraanayaan wayna gaagaabanayaan.
๐๐ป๐ฑ๐ฟ๐ผ๐ด๐ฒ๐ป๐ถ๐ฐ ๐๐น๐ผ๐ฝ๐ฒ๐ฐ๐ถ๐ฎ:
Xaalad la iska dhaxli karo taasoo ragga iyo dumarkaba ku dhacda. Xaalada noocan oo kale ah markay ragga asiibto waxaa loo yaqaan bidaar rageed (male pattern baldness), waxayna raga ku dhacdaa ayagoo yaryar qiyaas ahaan 20 sano jirada.
Calaamadaha lagu yaqaan waxaa kamid ah qaybta kore ee wajiga iyo dhakada sare madaxa oo timuhu ka yaraadaan. Sidoo kale dumarkana way ku dhacdaan xaaladan (female pattern baldness) balse dumarku isbdal wayn ma dareemaan ilaa ay ka gaaraan da’da 40 jirka ama kadib.
Dumarku markay da’daan gaaraan waxaa ka daata timaha dhakada sare ee madaxa oo dhan.
๐๐น๐ผ๐ฝ๐ฒ๐ฐ๐ถ๐ฎ ๐๐ฟ๐ฒ๐ฎ๐๐ฎ:
Xaalad si lama filaan ku bilaabata, waxayna sababtaa in timuhu si teelteel ah uga daataan madaxa, badanaa waxay xaaladan asiibtaa caruurta iyo dhalinyarada.
Xaaladan waxay sababi kartaa timaha oo gabi ahaanba daata balse 90 boqolkiiba dadka ay ku dhacdo timuhu dib ayay ugu soo baxaan dhawr sano kadib.
๐๐น๐ผ๐ฝ๐ฒ๐ฐ๐ถ๐ฎ ๐จ๐ป๐ถ๐๐ฒ๐ฟ๐๐ฎ๐น๐ถ๐:
Xaalad qariib ah, waxayna sababtaa in timaha jirka oo dhan ay daataan sida suuniyaha, timaha bisqinta ama shicrada iyo timaha baalasha indhaha.
๐ฆ๐ฐ๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐ถ๐ป๐ด ๐๐น๐ผ๐ฝ๐ฒ๐ฐ๐ถ๐ฎ:
Xaalad khatar ah oo timuhu si joogto ah u daadanayaan waxaana sababa caabuq ku yimaada maqaarka iyo noocyo kale oo caabuq ah sida dhaawac soo gaara maqaarka oo sababa in unugyada timaha sameeyaa ay awoodi waayaan in ay timaha dib usoo saaraan.
๐๐๐ญ๐๐ ๐จ๐๐๐๐๐ ๐ฉ๐๐ข๐ ๐๐๐๐๐๐จ๐๐๐๐?
Khuburada caafimaadku ilaa hada ma cadayn sabbata dhabta ah ee ka danbaysa tima daadashada balse waxaa jira qodobo badan oo loo sababayn karo timaha oo daata.
Cadadka dhecaanka hormoonka androgens oo kordha wuxuu sababaa bidaarta ragga.
Dhaxaal ahaan waa la iskugu gudbin karaa tima daadashada.
Dawooyinka qaarkood way sababaan tima daadashada sida kuwa loo isticmaalo dawaynta cudurka kansarka sidoo kale dawooyinka lagu yareeyo cadaaadiska dhiiga way sababi karaan sida dawooyinka lagu yareeyo dhlmada ayaguna way sababi karaan.
Gubashada, dhaawaca iyo raajadabu waxay sababi karaan in si kumeel gaar ah timuhu u daataan.
Habka difaacs jirku wuxuu ka qayb qaadan karaa tima daadashada waliba wuxuu sababaa nooca loo yaqaan alopecia areata.
Isqurxinta badan way kaqayb qaadataa daadashada timaha. Shaamabada oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo, iyo noocyada kale ee timaha lagu qurxiyo waxay qayb wayn ka qaataan tima daadashada hadii si xawli ah loo isticmaalo.
Waxaa jira xaalado caafimaad oo keeni kara tima daadashada sida, nafaqa daradada, xanuunada taroodhka, cuntada oo si khaldan loo cuno, somkorowga, dhiig yari. Dhamaan xaaladahaas iyo kuwo kaloo badan waa kuwo keeni kara tima daadashada balse maahan khasab inay keenaan.
Abdikadir M. Abdullahi