Wax badan ka ogaaw boogta
caloosha ka soo baxdo iyo
sida looga hortago.
Boogta caloosha ka soo baxdo waa nabar furan kaas oo ka soo baxa gudaha gidaarka caloosha iyo qeebaha sare ee mandhaciirada yar yar ka ah caalamada ugu caansan ee boogta caloosha waa xanuun inta badan boogta waxay ka soo baxdaa labo qaybood oo kala ah.
1-gudaha caloosha.
2-qeebaha sare ee mandhaciirta yar yar.
waxa ugu badan ee sababa boogta caloosha ka so baxdo waa caabuq caabuqaas waxaa sababo bacteria loo yaqaan #helicobactor pylori (H.pylori) sido kale boogta caloosha waxaa sababo in la isticmaalo daawada lo yaqaan asprinka iyo daawoyinka lo yaqaan (non esteroidal anti inflamatory drugs)
#wal walka iyo #cunooyinka shiilan ma sababaan boog calooledka lakiin waxay sii xumeeyaan calaamadaha qofka leh boogta caloosha.
calaamadaha boogta caloosha waxaa ka mid ah.
1-xanuun gubasho ah in aad caloosha ka dareentid.
2- in aad dareentid caloosha in ay ku buuxdo ama qaylo caloosha ka maqashid.
3-in aad caafimaad daro darerntid marka qaadatid cuno baruur leh.
4-laab jeeex in aad dareentid.
5-labo labo.
afar meelood 3 qeeb dadka ka mid ah ee qabo boogta wax calΓ amad ah ma dareemaan.
halka dad aan badneen lagu arko calaaamado qatar ah sida.
1-in ay matagaan dhiig madaw ah ama gaduud ah.
2-in ay saxaroodaan dhiig madaw ah.
3-neefta dhib noqoto.
4-suuxdin.
5-matag labo labo.
6-cuno qaadashada yaraato miisaanka hoos u dhaco.
maxaa sababo boogta caloosha.
boogta caloosha waxay timaada marka aashitada calooosha cunto xuubka ku dahaaran caloosha inta ka dib qofka waxa oo dareemayaa xanuun aad u daran.
guud ahaan tubada dheer ee dheefshiidka waxaa ku dahaaran xuub kaas oo ka difaaco aashitada lakiin hadii ay siyaado tirada aashitada xuubka difaaca waxa oo noqonayaa mid jilcan sidaaasna waxaa ku imaan karo boog calooledka.
waxyaabaha ugu badan ee sabani karo in aashitada caloosha siyaado waxaaa ka mid ah.
1-bakteriyada loo yaqaan H-pylori.
2- isticmaalka daawada asprinka.
3-iyo daawayin kale.
dadka qatarta ku jiro in bogta kaso baxdo waxaa ka mid ah.
1-dadka sigaarka cabo.
2'dadka caabuqyada qabo
dhibaatoyinka ka dhasho boogta caloosha waxaa ka mid ah.
1-dhiig bax gudaha ah.
2-caabuq.
3-iyo mandhiciirda in ay xermaan.
sidee looga hortagaa boogta caloosha.
1-ku dadaal nadaafada cunada iyo deegaanka.
2-iska yareey isticmaalka daawoyinka xanuunka yareeyo.
Share dheh walaal
No comments:
Post a Comment