Sunday, January 3, 2021

Cunnooyinka Saxa Dhiiga Caadada.

 Cunnooyinka Saxa Dhiiga Caadada.





BABAYGA


Babaygu waxa uu dhiiri galiya qulqulka dhiiga caadada in uu si xiriir ah ay u hesho haweynaydu cabitaanka babayga oo si xiriir ah aad u wado dhowr bilood ayaa kaa caawinaysa in ay kuu saxanto caadadu  xanuunka caadadana ay kaa yareyso, balse ma fiicna in la cabo babayga xiliga ay caadadu ay kuu joogto.


SANJABIISHA


Kululeeyso galaas biyo ah oo sanjabiil ku dar sonkor yarna ku darso kadib isku qas sadexda waqti cuntada kadibna cab,

Tani ayaa kaa caawinaysa in aad si xiriir ah u hesho caadada waqtigeeda sidoo kale kaa caawanaysa in ay kaa yareyso xanuunka caadada.


QORFAHA


kaliya in lagu carfiyo cuntooyinka looma isticmaalo balse waxa uu saxaa caadada sidoo kale waxa uu meesha ka saara xanuunka caadada,

 Qaado galaas caano ah oo aan qaboobeyn ku darso qaado haafkeed oo qorfo tuman ah kadib cab.


ISKA YAREE WEL-WELKA AMA STRESSKA


Stress ku ama welbahaarku waa waxa ugu badan oo sababa in ay caadadu qaldanto fadlan isku dey in aad ka fogaato waxkasto oo welbahaar kuu keenaya hadii aad dumar tahay,

Sida welbahaarka la iskaga baabi'iyo waxaad ka heli kartaa iyadoo qormo ah page ka hoos u raac ama linkiga qaybta comments ka yaala ku dhufo.


MIISAANKAADO HADUU HOOSEEYO FADLAN CUNTO NAFAQO LEH CUN


 Waxyaalaha keena in ay caadadu qaldanto waxaa kamid ah in uu miisaankaadu hooseeyo fadlan cuntadaada joogtee hadii aad heli karto,


Hana isku dayin in aad miisaankaada kor ugu soo qaado daawooyinka la isku cayiliyo ee Vitimiinaadka ah waayo iyagaa qatar kale oo weyn keena.


HADII MIISAANKAADU SARREEYO AMA AAD CAYILANTAHAY FADLAN HOOS U DHIG


 Waxyaalaha keena caado wareerka ayaa kamid ahaa cayilitaanka saaidka ah fadlan iska dhim si ay caadadu kuugu saxanto baruurta adiga oo sameynaya jimicsi cuntada culus oo habeenkii ahna iska yareenaya.


SIYAABAHA KALE EE DHAKHTARKA


Hadii caado wareerku ay kuu keentay dheecanada taranka oo aan isku dheeli tirneen ama ay  dhibaato ka jirto ka jirto qanjirka Thyroid waxaa qasab ah in aad booqato dhakhtarkaada si uu kuu baaro kadibna uu kuu siiyo daawooyin isku dheeli tira dheecaanada taranka.


Hadii aad leedahay sonkoroow waxa uu keenaa caado wareerka waa in aad la tashataa dhakhtarkaada si uu kuu xaliyo.


Fadlan hadii aad dhiikar ama Sonkoroow leedahay ha isku isticmaalin 

Cunooyinkan waxaa macquul ah in ay kugu kiciyaan.


Gaarsiiya asxaabtiina sida aan idiin soo gaarsiiyey SHARE u dhaha ama halkaan uga waca si ay uga faaiideystaan gabdhaha.

Xigasho: Dr Amen:

Thursday, December 31, 2020

Cuncunka xaniinyaha.

 


Cuncunka xaniinyaha.





Cuncunka xaniinyaha waxaa sababo waxyaabo kala duwan waana waxayaabo si fudud loo daawayn karo waxayaabaha ugu badan ee sababo cun cunka xaniinyaha waxaaa ka mid ah. 


1-jock itch: waa nooc ka mid ah canbaarta waana waxa ugu badan ee sawaba cun cunka xaniinyaha caabuqaas waxa sababo ilma aragti loo yaqaan fungal.


2-intertigo: caabuqaan waxaa inta badan sawabo bacteria ama fungal caabuqa inta badan waxa o ku dhacaa laalaabka maqaarka ee xaniinyaha. 


3-chafing: waa caabuqa inta badan ka dhasho qofka marka inta badan sameyo xuqis 

xuqistaan waxay dhici kartaa marka qofka sameyo oradka  xuqistaan ka dib waxaa samesmo dildilaacyo  markaa ka dib waxaa dhaco caabuq waxaana sii raaco cun cunka. 


4-sido kale cun cunka waxaa sababo nooc xasaasiyada ka mid ah waxayna kacdaa marka la isticmaalo wax yaabo cusub sida dharka cusub ama dhar lagu dhaqay madoyinka dharka nadiifiyo ee cusub sida omada iyo sabuunta. 


5-sido kale cun cunka waxaa sababo cayayaanka loo yaqaan injirta taas oo ugxaan dhigta tinta hareerahaas ku taal markaa ka dib ayaa cun cunka yimaadaa.


6- genital warts:waa mid ka mid ah cudurada ku faafo galmada waxa ona sababaa cun cunka.


dadka qatarta ku jiro in uu ku dhaco cun cunka xaniinyaha waxa ka mid ah.


1-dadka ku nool cimilada kulul. 


2-ragga aan qalajin xaniinyaha .


3-dadka aadka u cayilan.


4-ragga difaaca jirkoda yaryahay. 


5-ragga dhididkoda badan yahay. 


sidee loga hortagaa cun cunka xaniinyaha 


1-dhaq agagaarka xaniinyaha maalinki 3 mar.


2-qalaji agagaarka xaniinyaha marksto ad dhaqdo.


3- ka fogaaw wax yaabaha cun cunka keeni karo sida dharka suufka k sameesan.




share dheh

Saturday, December 26, 2020

Wax badan ka ogaaw boogta caloosha ka soo baxdo iyo sida looga hortago.

 Wax  badan ka ogaaw boogta

caloosha ka soo baxdo iyo

sida looga hortago.




Boogta caloosha ka soo baxdo waa nabar furan kaas oo ka soo baxa gudaha gidaarka caloosha iyo qeebaha sare ee mandhaciirada yar yar ka ah caalamada ugu caansan ee boogta caloosha waa xanuun inta badan boogta waxay ka soo baxdaa labo qaybood oo kala ah.


1-gudaha caloosha. 


2-qeebaha sare ee mandhaciirta yar yar.


waxa ugu badan ee sababa boogta caloosha ka so baxdo waa caabuq caabuqaas waxaa sababo bacteria loo yaqaan #helicobactor pylori (H.pylori) sido kale boogta caloosha waxaa sababo in la isticmaalo daawada lo yaqaan asprinka iyo daawoyinka lo yaqaan (non esteroidal anti inflamatory drugs)

#wal walka iyo #cunooyinka shiilan ma sababaan boog calooledka lakiin waxay sii xumeeyaan calaamadaha qofka leh boogta caloosha.


calaamadaha boogta caloosha waxaa ka mid ah.


1-xanuun gubasho ah in aad caloosha ka dareentid.


2- in aad dareentid caloosha in ay ku buuxdo ama qaylo caloosha ka maqashid.


3-in aad caafimaad daro darerntid marka qaadatid cuno baruur leh.


4-laab jeeex in aad dareentid.


5-labo labo.


afar meelood 3 qeeb dadka ka mid ah ee qabo boogta wax calΓ amad ah ma dareemaan.


halka dad aan badneen lagu arko calaaamado qatar ah sida.


1-in ay matagaan dhiig madaw ah ama gaduud ah.


2-in ay saxaroodaan dhiig madaw ah.


3-neefta dhib noqoto.


4-suuxdin.


5-matag labo labo.


6-cuno qaadashada yaraato miisaanka hoos u dhaco.


maxaa sababo boogta caloosha.


boogta caloosha waxay timaada marka aashitada calooosha cunto xuubka ku dahaaran caloosha inta ka dib qofka waxa oo dareemayaa xanuun aad u daran.

guud ahaan  tubada dheer ee dheefshiidka waxaa ku dahaaran xuub kaas oo ka difaaco aashitada lakiin hadii ay siyaado tirada aashitada xuubka difaaca waxa oo noqonayaa mid jilcan sidaaasna waxaa ku imaan karo boog calooledka.

waxyaabaha ugu badan ee sabani karo in aashitada caloosha siyaado waxaaa ka mid ah.


1-bakteriyada loo yaqaan H-pylori.


2- isticmaalka daawada asprinka.


3-iyo daawayin kale.


dadka qatarta ku jiro in bogta kaso baxdo waxaa ka mid ah.


1-dadka  sigaarka cabo.


 2'dadka caabuqyada qabo


dhibaatoyinka ka dhasho boogta caloosha waxaa ka mid ah.


1-dhiig bax gudaha ah.


2-caabuq.


3-iyo mandhiciirda in ay xermaan.


sidee looga hortagaa boogta caloosha.


1-ku dadaal nadaafada cunada iyo deegaanka.


2-iska yareey isticmaalka daawoyinka xanuunka yareeyo.



Share dheh walaal

Wednesday, December 23, 2020

Wax badan ka ogaaw cunooyinka siyaadiyo koriinka naasaha dumarka.

 Wax badan ka ogaaw cunooyinka

siyaadiyo koriinka naasaha dumarka.




Cunooyinka siyaadiyo kobaca naasaha.


#cunioyinka ugu wanaagsan ee siyaadiyo cabirka naasaha dumarka.


inta aadan ku fikirin daawoyin ama qaliin qatar galin karo nolashada ee lagu sameeyo naaasaha si loo siyaadiyo cabirka  naasaha waxaaa wanaagsan in aad isticmaasho cunooyinkan kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaro in ay siyaadiyaan cabirka naasaha cunooyinkaas waxaa ka mid ah.


1-#cawitaan ka sameesan #digir cayriin ah sida caanaha ayaad u cabeesa waxayna aad ugu wanaagsan yihiin guud ahaan jirka cawitaanka digirta ka sameesan waxaa laga helaaa maadada loo yaqaan #phytoestrogen kaas oo u dhigmo hormonka dabiiciga ah ee dumarka kaas oo loo yaqaan #estrogenka kaas oo ka qeeb qaato in cabirka iyo koriiinka naasaha siyaado.


2- caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo.caanaha iyo farmaajada waxa ay ka qeeb qaatan in ay siyaadiyaan cabirka naasaha gaar ahaan caanaha lo' da waxaa waxaa laga helaa baruur aad u tira badan sidoo kale caanaha lo'da waxaa laga helaa hormono aad u tiro badan kuwaas oo ka qeeb qaato koriinka xubnaha taranka dumarka sida naasaha hormonadaas waxaa ka mid ah.#estrogenka #progestronka iyo #prolactin ka kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaro koriinka naasaha.


3-babaayga: cunista babaayga waxa ay ka qeeb qaadataa in ay siyaado cabirka naasaha  waxaana laga helaa maadada loo yaqaan #phyytoestrogen kaas oo la mid ah hormonka loo yaqaan estrogenka kaas oo ka qeeb qaato in ay siyaadaan cabirka naasaha dumarka.


4-looska iyo miraha qalalan:


looska iyo miraha qalalan waxaa laga helaa hormonka loo yaqaan #estrogenka kaas oo ka qeeb qaato in cabirka naasaha siyaado.


5-cunooyinka bada: cunooyinka bada waxaa laga helaa xadi aad u badan   oo hormonka 

estrogenka  kaas oo door muhiim ah ka ciyaaro kobca naasaha.


6-xulbada: xulbada waxaa laga helaaa hormonka loo yaqaan estrogenka kaas oo ka qeeb qaato kobcaa naasaha.




Share dheh la wadaag asxaabtada


Page ka like saar

Thursday, December 17, 2020

Wax badan ka ogaaw olalka oogada sare ee jirka iyo waxa sababo.

 Wax badan ka ogaaw olalka oogada

sare ee jirka iyo waxa sababo



Olalka oogada sare ee jirka waa dareen lama filaan ah oo ah in la dareemo diirnaasho iyo hur jirka ah qeebaha jirka ee ugu badan laga dareemo olalka waxaa ka mid ah wajiga qoorta iyo xabadka sido kale waxyaabaha la socdo waxaa ka mid ah in maqaarka gaduud noqdo iyo dhidid Inta badan dhididka habeenki waa nooc ka mid ah olalka jirka waxayna caqabad ku noqotaa hurdada.


Olalka jirka waxaa kalo sababi karo xaalado kale oo caafimaad daro ah olalka jirka dumarka intoda badan waxa ay isku arkaan marka ay gaaraan da'da dhalmo goynta.


Calaamadaha lagu garto ama la socdo olalka jirka waxaa ka mid ah.


1-in aad diirnaasho ama kulel  dareento si lama filaan ah kuleelka waxa oo ku sii baaha xabadka qoorta iyo wajiga.


2- in maqΓ arka gaduud noqdo.


3- garaaca wadnaha siyaado.


4-dhidid aad u badan qeebaha sare ee jirka.


5-qarqaryo.


6-in aad dareento wal wal.


Maxaa sababo olalka jirka.


Waxa ugu badan ee sababo jir olalka waa isbadalada ku yimaado hormonada jirka daraasado badan oo la sameeyay waxa ay soo jeediyeen in olalka jirka yimaado marka hoos u dhaco hormonka loo yaqaan #estrogenka.


Dadka qatarka ugu jiro in olalka jirka ku dhaco waxa ka mid ah.


1-dadka sigaarka cabo.


2-dadka aadka u cayilan.


Sidee looga hortagaa ama lagu xaliyaa olalka jirka.


1-waxaa wanaagsan in aad joogto mel qabob ah si heer kulka jirka aan u siyaadin waxaa la dhahaa hadii heerkulka jirka siyaado waxa ay kacinesa in olalka jirka yimaado.


2-waa in aad aad ugu fiirstaa cunada ama cawitaanka aad cabeso cunooyinka kulul ama iidaanka ku badan yahay waxa ay kiciyaan olalka jirka.


3-jooji sigaarka.


4-samee nasiino.


5-yaree miisaanka jirka.




Share dheh walaal

Friday, December 11, 2020

Wax badan ka ogaaw dhiiga saxarada soo raaco iyo waxa sababo.

 Wax badan ka ogaaw dhiiga saxarada

soo raaco iyo waxa sababo




Saxarada dhiiga soo raaco.


Dhiiga saxarada soo raaco waxay la micno tahay in qeeb ka mid ah tubada dheer ee dheefshiidka kana so bilaabato afka ilaa iyo dabada dhiig bax ka jiro.


sido kale dhiig waxa oo noqon karaa mid aad u yar yimaadana saxarada ka dib inta badan midibka dhiigaas waa gaduud ifaayo.


inta badan dhiiga saxarada soo raaco ee ka yimaado qeebaha sare ee dheefshiidka waxa oo umuuqdaa mid madaw ah.


calaamadaha la socon karo dhiig baxa waxaa ka mid ah.


1-calool xanuun.


2-matag


3-daciifnimo


4-neefta dhibto


5-shuban


6-suuxdin


7-garaaaca wadnaha siyaado.


8- miisaanka jirka lumo.


calaamadahaan waxay ku xeran yihiin sababta dhiig baxa mesha dhiig baxeeso iyo sii socoshada dhiig baxa iyo dhiig baxa inta oo la egyahay.


maxaa sababo dhiig baxa saxarada soo raaco.


hadii saxarada dhiig soo raaco micnaheeda waa in dhiig baxa ka jiro qeeb ka mid ah dheefshiidka.


waxyaabaha sababb waxa ka mid ah.


1-cudurka loo yaqaan 'diverticular, oo ah mandhaciirada wa wayn qeebo ka mid ah qaab sameesankooda is badalo cudurkaaan wax dhib ah malahan lakiin dhiig bax ayuu sababaa ama caabuq in oo yimaado.


2-dilaaaca ku yimaado afafka hore ee dabada waxa oo sababaa in saxarada dhiig soo raaco.


3-boogta ka soo baxdo caloosha iyo qeebaha sare ee mandhaciir yaraha dhiiga qeebahaas ka yimaado ee saxarada soo raaco waxa oo u muuqdaa mid madaw ah maxaa yeelay dhiigas waxa oo so maraa dheefshiidka midibkiisana waxaa badalo dheecanada kala duban ee dheefshiidka.


4-caabuq ku dhaco mandhaciirada waxaa oo sababaa in dhiig bax yimaado.


5-cudurada ku dhaco xididada dhiiga cuduradaas xididada waxay ka dhigaan kuwa aad u jilcan waxayna sababaan in xididada dheefshiidka ku yaalo dhiig baxaan saxaradana dhiig soo raaco.


6-kansarada kala duban ee ku dhaco dheefshiidka .


7-cudurada qaar ee ku dhaco tubada isku xerto dhuunta ilaa caloosha sida xididada tubada in ay waynaadaan ama dilaac ku yimaado tubada.


sidee loo daaweyaa dhiiga saxarada sΓ² raaco adigoo joogo gurigaaga.


1-waxaa wanaagsan in aad cabto 8 galaas oo biyo ah maalinkasto.


2-nadiifi hareeraha dabada qubeska badso.


3- ha isku dayin in aad saxaro si xoog ah ku soo saaarto taasi waxay siyaaadisaaa dhiig baxa.


4-waxaa wanaagsan in aad qaadato cunooyinka qubka leh sida digirta,qamadiga,galeyda


5-haku daahin fadhiga suuliga 


6-waxaa wanaagsan in biyo diiran aa salka dhigato si calaamadaha dhiig baxa la socdo u yaraadan sida cun cunka iyo xanuunka.


waxaa wanaagsan in aad dhaqtar aado hadii ad aragto dhiig bax xad dhaaf ah lana socdaan calaamadahaaan.


1-neefta ku dhibto.


2-wareer


3-aragtida caad ku furmo.


4-suuxdin


5-jahwareer


6-maqaarka qaboob noqdo.


7-kaadida yaraato.



share dheh walaal

Sunday, December 6, 2020

Effect of smoking on health

 Habitual smoking can lead to a number of short-term consequences.

This includes:-

  • shortness of breath
  • impaired athletic performance
  • a coarse cough
  • poor lung health
  • bad breath
  • yellow teeth
  • bad-smelling hair, body, and clothes
    Smoking is also associated with many long-term health risks. It’s understood that smokers are much more likely than nonsmokers to develop all forms of lung cancer. It’s estimated that 90 percent of lung cancer cases are due to regular smoking. Men who smoke are 23 times more likely to develop lung cancer than men who have never smoked. Similarly, women are 13 times more likely to develop lung cancer than women that have never smoked.

Smoking also increases the risk of other lung-related illnesses such as COPD and pneumonia.
About 80 percent Trusted Source of all COPD-related deaths in the United States are due to smoking.

Regular smokers are also more likely to experience cancer of the:

  • pancreas
  • liver
  • stomach
  • kidney
  • mouth
  • bladder
  • esophagus
  • Cancer isn’t the only long-term health problem smoking can cause. Inhaling tobacco also impairs blood circulation.

This can increase your likelihood of:

  • a heart attack
  • a stroke
  • coronary artery disease
  • damaged blood vessels…






Source:
 @viral_medical

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...