Friday, December 11, 2020

Wax badan ka ogaaw dhiiga saxarada soo raaco iyo waxa sababo.

 Wax badan ka ogaaw dhiiga saxarada

soo raaco iyo waxa sababo




Saxarada dhiiga soo raaco.


Dhiiga saxarada soo raaco waxay la micno tahay in qeeb ka mid ah tubada dheer ee dheefshiidka kana so bilaabato afka ilaa iyo dabada dhiig bax ka jiro.


sido kale dhiig waxa oo noqon karaa mid aad u yar yimaadana saxarada ka dib inta badan midibka dhiigaas waa gaduud ifaayo.


inta badan dhiiga saxarada soo raaco ee ka yimaado qeebaha sare ee dheefshiidka waxa oo umuuqdaa mid madaw ah.


calaamadaha la socon karo dhiig baxa waxaa ka mid ah.


1-calool xanuun.


2-matag


3-daciifnimo


4-neefta dhibto


5-shuban


6-suuxdin


7-garaaaca wadnaha siyaado.


8- miisaanka jirka lumo.


calaamadahaan waxay ku xeran yihiin sababta dhiig baxa mesha dhiig baxeeso iyo sii socoshada dhiig baxa iyo dhiig baxa inta oo la egyahay.


maxaa sababo dhiig baxa saxarada soo raaco.


hadii saxarada dhiig soo raaco micnaheeda waa in dhiig baxa ka jiro qeeb ka mid ah dheefshiidka.


waxyaabaha sababb waxa ka mid ah.


1-cudurka loo yaqaan 'diverticular, oo ah mandhaciirada wa wayn qeebo ka mid ah qaab sameesankooda is badalo cudurkaaan wax dhib ah malahan lakiin dhiig bax ayuu sababaa ama caabuq in oo yimaado.


2-dilaaaca ku yimaado afafka hore ee dabada waxa oo sababaa in saxarada dhiig soo raaco.


3-boogta ka soo baxdo caloosha iyo qeebaha sare ee mandhaciir yaraha dhiiga qeebahaas ka yimaado ee saxarada soo raaco waxa oo u muuqdaa mid madaw ah maxaa yeelay dhiigas waxa oo so maraa dheefshiidka midibkiisana waxaa badalo dheecanada kala duban ee dheefshiidka.


4-caabuq ku dhaco mandhaciirada waxaa oo sababaa in dhiig bax yimaado.


5-cudurada ku dhaco xididada dhiiga cuduradaas xididada waxay ka dhigaan kuwa aad u jilcan waxayna sababaan in xididada dheefshiidka ku yaalo dhiig baxaan saxaradana dhiig soo raaco.


6-kansarada kala duban ee ku dhaco dheefshiidka .


7-cudurada qaar ee ku dhaco tubada isku xerto dhuunta ilaa caloosha sida xididada tubada in ay waynaadaan ama dilaac ku yimaado tubada.


sidee loo daaweyaa dhiiga saxarada sΓ² raaco adigoo joogo gurigaaga.


1-waxaa wanaagsan in aad cabto 8 galaas oo biyo ah maalinkasto.


2-nadiifi hareeraha dabada qubeska badso.


3- ha isku dayin in aad saxaro si xoog ah ku soo saaarto taasi waxay siyaaadisaaa dhiig baxa.


4-waxaa wanaagsan in aad qaadato cunooyinka qubka leh sida digirta,qamadiga,galeyda


5-haku daahin fadhiga suuliga 


6-waxaa wanaagsan in biyo diiran aa salka dhigato si calaamadaha dhiig baxa la socdo u yaraadan sida cun cunka iyo xanuunka.


waxaa wanaagsan in aad dhaqtar aado hadii ad aragto dhiig bax xad dhaaf ah lana socdaan calaamadahaaan.


1-neefta ku dhibto.


2-wareer


3-aragtida caad ku furmo.


4-suuxdin


5-jahwareer


6-maqaarka qaboob noqdo.


7-kaadida yaraato.



share dheh walaal

No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...