Wax badan ka ogaaw kansarada ku
dhaco lafaha iyo calaamadahiisa
Kansarka ku dhaco lafaha
Kansarka ku dhaco lafaha waa mid ka bilaaban karo lafkasto ka mid ah lafaha jirka laakiin lafaha ugu badan ee ka bilaaban karo waa lafata isku xerto lafdhabarta iyo lugaha sido kale lafaha oo ka bilaaban karo waxaa ka mid ah lafaha dhaadheer sida kuwa lugaha iyo gacmaha.
kansarada ku dhaco lafaha waa kuwa aan badnen waa naadir waana wax ka yar boqolkiiba hal.
inta badan waxa oo u badan yahay noocyada aan faafin inta badan ma ahan kuwa faafo.
noocyo ka mid ah kansarada ku dhaco lafaha waxay ku dhacaan caruurta halka kuwa qaarna ay ku dhacaan dadka waa wayn.
daawada ugu badan ee loo sameeyo dadka qabo kansarka lafaha waa qaliin.
sido kale waxyaabaha kansarka lagu daaweeyo waxaa ka mid ah daawooyin kiimiko ah iyo shucaac lagu daaweyo kansarka,
inla isticmalo qaliin daawo ama shucaac waxay ku xerantahay nooca kansarka.
calaamadaha kansarka lafaha waxaa ka mid ah.
1-lafo xanuun
2-barar iyo damqasho lafaha kansarka sameyay ah
3-daal
4-culeska qofka lumo
hadii aad aragto calaamadahaan waxaa wanaagsan in aad dhaqtar aado.
1-xanuun so laalaabanayo
2-xanuun lafaha ah habeenki darsanaaayo
3-xanuun aan baaba een hadii daawo xanuun baabi iye la qaato.
waxyaabaha saxda ah ee sababo kansarka lafaha lama garanaayo lakiin tiro yar oo kansaradaas ka mid ah waxaa lala xariiriyaa in la dhaxlo' halka kuwa qaarna la sheego in ay la xariiraan shucaacyada qofka horay loo saaray sida raajada
kansarada ku dhaco lafaha waxaa loo qeebiyaa noocyo kala duban ayagoo looo fiirrinayo halka ay ka soo bilaabteen
noocyada kansarada ku dhaco lafaha waxaa ka mid ah
1-osteosarcoma:waa kansarka ugu caansan ee ku dhaco lafaha.waxa oo ku dhacaa caruurta iyo dadka waawayn.unugyada kansarka waxay soo saaran lafo
2-chandrosarcoma: wa midka labaad ee ugu caansan ee kansarada ku dhaco lafaha unugyada kansarka waxay soo saaraan carjaw kansarkaa inta badan waxa o ku dhacaa lafta isku xerto lafdhabarta iyo lugaha sido kale waxa oo ku dhacaa lafaha dhadheer sida kuwa lugaha iyo gacmaha
dadka qatarta ku jiro in oo ku dhaco kansarka waxaa ka mid ah
marka hore mala garanaayo waxa saxda ah ee sababo kansarka lafaha lakiin dhaqaatiirta waxay heleen waxyaabo la xariiro kansarka waxaana ka mid ah
1-in kansarka ku yimaado qaab dhaxal ah
2-dadka qabo cudurka loo yaqaan (paget's)
3-iyo dadka laga daaweyo kansarada kale ee jirka ku dhaco iyado lo isticmaaalayo shucaac
kansarka lafaha ku dhaco waxaa loo daaweeyaa 3 nooc oo kala ah
1-in qaliin lagu sameeyo kansarka
2-in daawoyin kiimiko ah la siiyo
3-iyo in shucaac lagu daaweyo
W/Q talooyin caafimaad