๐ง๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ๐ป๐ผ
Cudurkaan waa cudur ka mid ah cudurada faafa (communicable diseases) gaar ahaan lixda cudur ee dilaaga ah (six killer diseases)
๐ช๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฏ๐ฎ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฟ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐ป
Cudurkaan waxaa sababo noole bacteria oo lagu magacaabo (Clostridium Tetani)
bacteriyada keentay cudurkaan waxa ay jirka ku gashaa marka waxyaabo wasaqeysan ay mudaan ama ay gooyaan qofka jirkiisa,
waxa kale oo ay jirka ku geli kartaa marka
meel nabar ah ama dhaawac ah ay taabato ciid wasaqeysan Bacteriyada keentay cudurkaan waxaa laga helaa ciida iyo calyada xayawaanka.
Bacteriyada keenta cudurkaan waxay ku kortaa boogaha iyo dhaawacyada waxayna soo saartaa sun xanuun badan Suntaasina waxay si dhaqsi leh u raacdaa qulqulka dhiigga (blood stream)
waxayna weerartaa habdhiska dareen wadka (nervous system) suntaasina waxay sababtaa in ay murqaha qofka soo kogaan taasina waa calaamada ugu muhiimsan ee lagu garto qofka qaba cudurka Tetanada
๐ซ๐ถ๐น๐ถ ๐ต๐๐๐ฟ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐๐๐ฑ๐๐ฟ๐ธ๐ฎ
Xilli huuriska cudurkaan waa 2 ilaa 16 maalmood
๐๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐๐ฑ๐๐ฟ๐ธ๐ฎ
1 Qofka oo aan afka kala furi Karin
2 Qofka waxaa ku adkaada wax calalinta
3 Bukaanka oo ay murqihiisa soo kagaan
4 Bukaanka waxaa lagu arkaa naxdin daran
5 Bukaanka oo carrabka ruugo
6 Dhabarka oo gadaal u goto
๐ฃ๐ฎ๐๐ถ๐ฒ๐ป๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ
1. Bukaanada qaba cudurkaan waa ay dhintaan haddii aysan helin Tetanus anti toxin iyo xanaano kalkaalnimo oo wanaagsan.
2 Ka hor inta aadan u gudbin isbitaalka isticmaal Antibiotics sida Penicilline Pial haddii penicilline-tu allergic ku noqoto ugu badal Erythromycine
3 Ka nadiifi boogaha ama dhaawacyada inta aadan ugudbin isbitaalka.
4 Haddii aad ku aragto bukaanka oo ay murqihiisa soo kogaan isticmaal Valium
lexadine Pial lixdii saacba mar adigoo ka isticmaalayo IV
5 Waxaa kaloo la siiyaa Dextrose solution 5%.
๐๐ฎ ๐ต๐ถ๐น๐บ๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ป ๐ถ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐๐ต๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ต๐ฑ๐ผ.
Abdikadir M. Abdullahi






