#Chlamydia
Waa xanuunka ugu dawada sahlan ee kamida STD-ga (Cudurada lagu kala qaado galmada). Waxa dhalin kartaa natiijo xun hadii muddadu dheeraato, hadii aan hore loo daween.
Chlamydiyadu waxay waxyeeshaa madaxa ilma-dhaleenka. Iyo indhaha lab iyo dhadigba. Astaamaha xanuunku xili kasta way soo bixi karaan. Inta badan waa 1 ilaa 3 wiig marka uu qofka ku dhaco. Hasa yeeshee waxa laga yaabaa inaaney muuqan ilaa muddo dheer laga soo wareego.
Astaamaha iyo calaamadaha
Dumarka:
Astaamaha marka ay doonaan bay soo baxaan. Inta badan 1 ilaa 3 wiig kadib marka aad qaado. Hasa yeeshee, waxa suurtogal ah inaanad wax astaana isku arag ilaa ay mudo kasoo wareegto. Dadka qaar baan wax astaamo ah aan lagu arag. Astaamaha suurtogal ahi waa kuwan:
●Caadada oo yara badata taas oo sababtay tuubka oo yara weenada.
●Kaadida oo badata/ama xanuun aad dareento marka aad kaajayso.
●Qaybta hoose ee caloosha oo ku xanuunta.
●Xanuun aad dareento galamada.
●Caaadada oo si aan nidaamsanayn u timaada.
●Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha (hadii infekshanku gaaro).
Raga:
Astaamaha infekshanku markasta way soo bixi karaan. Inta badan ilaa 1 ilaa 3 asbuuc kadib marka aad qaaday.
Hasa yeeshee, waxa suurtogal ah inaanad wax astaana isku arag ilaa ay mudo kasoo wareegto.
Raga ayaa inta badan astaamuhu ka muuqdaan laakiin iyaguna waxa suurtogal ah inaaney waxa astaami ka muuqan.
Astaamaha ka muuqan karaa waxa kamida:
●Dhicaan cad oo cawrada ka yimaada.
●Kaadida oo badata/ama xanuun aad dareento marka aad kaajayso.
●Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha (hadii infekshanku gaaro).
Sidee chlamydiyadu loo qaadaa
Chlamydia waxa loo kala qaadaa:
●Adoo la seexda qof qaba xanuunka
●Hooyadoo dhalmada ugu gudbisa ilmaha
●Marmar faraha oo marka ay cawrada taabtaan xanuunka u gudbiya indhaha.
#Daweenta
Hadii laguu sheegay inaad cudurkan qabtid, waxa laguu gudbin karaa lataliye caafimaad si uu kuusiiyo wixii talo ah.
Lataliyehu waxa uu ku waydiinayaa inaad leedahay lamaane (nin ama xaas) si iyagana loo baadho inay xanuunka qabaan.
Waa inaad galmo samayn inta si fiican laguu daweenayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaadey.
Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arintanu suurogal tahay.
Dumarka
Hadii aan la daweyn chlamydiyada waxay isu bedeli kartaa xanuunka pelvic inflammatory disease (PID). Waxa xanuunka gaaraa dhabarka caloosha inta ka hooseesa xundhurta.
PID waxay ka dhigi kartaa dumarka madhalays, ama ilmaha oo ka qoolma.
Hadii aad chlamydiyada leedhay oo aad ilme dhasho waxa aad waad qaadsiin kartaa. Waxaanu ilmuhu dhalan karaa isagoo indhaha ka xanuusanaya.
Raga
Chlamydiyadu waxay sababi kartaa mindhicarka iyo qaybta hoose oo bararta, taas oo keeni karta xanuun.
Hadii aan la daween xanuuno kale ayay isku badashaa
Marka chlamydiyada lagaa daweeyo, masoo noqoto hadii aaney infekshankii dib kuugu dhacin.
Abdikadir M. Abdullahi