Dad badan ayaa isticmaala kiniino ay ku xoojinayaan raganimadooda sida Viagra oo suuq xoogan ku leh dunida marka laga hadlaayo dadka la tacaalaaya cilada hami yaridda, balse keena dhibaatooyin caafimaad oo qofka ku keeni kara dhimasho canuunada uu keeno kiniinkani ayaa ah wadna xanuun, madax xanuun daran iyo dawakhaad aakhirkana hadii la joogteeyo wuxuu keena hami yari.
Halkan waxaan idiin kusoo gudbinayaa cunooyinka ay tahay inaad badsato kuwaasoo xoojiya awooda raganimadda.
Ukumaha /Qaraha
Cilmi baaris badan ayaa daahfuray in uu xabxabku ama
Qarahu yahay cuntadda u dhigmi karta kiniinka Viagra, Xabxabku wuxuu qani ku ayah citrulline maadadan oo jidhka ka caawisay inuu soo daayo xadi badan oo arginine iyo nitric acid.
Nitric acid waxaa la xaqiijiyey inay qayb ka qaadato inay kisico dareenka ninka xoojisana qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ee ninka.
Lawska
Lawsku wuxuu ku caan yahay inuu xoojiyo dareenka rabitaan ee ninka, wuxuu qani ku yahay dufanka omega-3 fatty acids iyo vitamin B3 kuwaasoo qayb ka qaada inay sameeyaan shahwad tayo leh waxayna sidoo kale kordhiyaan qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ee raga isla markaana ka dhiga mid aan la loodin Karin.
Beedka/Ukunta
Beedka/ukuntu waxay ka mid tahay cunooyinka kaalmaha hore ka ga jira door ka ciyaarista xoojinta hamiga ninka kana dhiga ninka mid ku gacan sareeya kulamada xasaasiga ah , waxaanu qani ku yahay Vitamins D, B5 iyo B6 oo door wayn ka qaata xoojinta hamiga ina rag.
Koostadda
Koostadda waa cunooyinka uugu caafimaadka badan dunida,Koostadu waa cagaar la karsado oo cunno ahaan loo cuno, waxaa afka english-ka lagu yidhaa “Spinach”, waxaa la rumeysan yahay in asalkeedu ay ka soo jeedo dalka Iran.
Laakin meelo badan ayay dunida gaartay oo hada laga isticmaalaa.
Koostadu waxaa aad uga buuxa maadooyinka Niacin, Zinc, Protein, Vitamin A, C, E, K, Thiamin, vitamin B6, Calcium, Birta (iron), Magnesium, POtassium, Copper.
Waxaa ku yar dufanka iyo kolestaroolka, waa qudaar kulansatay nafaqo kala duwan oo jirka qeybihiisa kala duwan wax u tarto.
Joogtaynta koostadu waxay qayb wayn ka qaadataa in hamadaadu saa’id noqoto maadaamo koostadu qani ku tahay nafaqo dhamaystiran waxaana lagu tilmaama inay udhiganto kiniinka Viagraha oo kale.
Muuska
Muusku waxaa ku jirta dheecaan la yidhaahdo bromelain kaasoo la rumaysan yahay inuu siiyo ninka awood kacsi kuna hogaamiyo rabitaan galmo, sidoo kale muusku wuxuu qani ku yahay potassium iyo magnesium kuwaasoo faa’iidooyin badan jidhkeena u leh.
Haylka
Hayl Caduhu waa kan uugu sareeye liiska cuntooyinka u dhigma kiniiniga viagraha, waxaa uu qani ku yahay maado looyaqaano cineole, maadadani waxay xoojiyaan qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ninka taasoo kadhiga mid adag.
Rumaanka
Rumaanku waxaa lagu tiriyaa inuu yahay mid u dhigma badalka kiniinka viagraha, rumaanku sida cunooyinka Kaleen soo sheegnay wuxuu qayb ka qaataa xoojinta qul qulka dhiiga ee aada xubinta taranka xiliga ninku lamaanihiisa wakhtiga la qaadanaayo, waana cunto faa’iidooyin badan leh oo dhinacyo badan loo isitcmaalo
Sinjibiisha
Sinjibiishu waa geed Alle ku manaystay faa’iidyooyin caafimaad balse aynaan ka warhaynin, sinjibiisha waxay qayb wayn ka qaadataa soosaarista shahwad badan oo tayoleh waxayna qofka ka caawisaa in habdhiskiisa dareenwadku si fiican iskula shaqeeyo, sinjibiisha oo inta lagu daro inyar oo malaba la cabo lana joogteeyo waxay ninka ka dhigtaa mid ooridiisu mahadiso.
YICIBTA.
miraha yicibtu waxaa laga helaa faa'iidooyin caafimaad oo aad muhiim u ah, yicibta waxyaabaha ku jira waxaa kamida proteino heer sare ah, sida vitamin E magnesium fiber oo caafimaad badan jirka siinaya isla markaasna wax tar fiican u leh raganimada, waa hadii aad joogtayso oo ugu yaraan maalintii aad laba xabbo ka cunto.
Talo Guud:
Qof walba waa inuu ku dadaalo waxyaabahaan soo socda si uu u helo caafimaad jinsi ah:
Ku dadaal in aad cunto cunno caafimaad leh oo aan la soo warshadayn
Jooji isticmaalka sigaarka, jaadka iyo khamriga
Sameey jimicsi joogto ah
Welwelka iyo diiqada iska yareey
Ku dadaal in aad hesho hurdo kugu filan
intaasba waa inta ugu muhiimsan oo qof waliba uu samayn karo si uu uga fogaado dhibkaan.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa in haddii la helo lamaane is jecel oo is fahansan oo wixii cillad jirta la wada wadaago oon waxba kala qarsan in ay tahay aasaaska guusha sariirta, sababta aan sidan u leeyahay waxay tahay, dhibka ugu badan ee qoysaska soomaaliyeed aysan ogeyn ayaa ah in arintan ay u baahan tahay is xog waraysi oo xalka uusan ahayn kaliya in hal qof xal keeni karo, haddii labada dhinacba xal loo helin, waxba hagaagi maayaan.