“Ditoore, wajigeyga mar allaale markaan makeup marsado waxbaa iga soo baxa, ee maxaan sameeyaa?”
Waa su’aasha ugu badan ee leysoo waydiiyo.
Jawaabta su’aashan waxay kuxirantahay fahamka noocyada maqaarka wajiga oo ay dadku ku kala duwan yihiin. Qof walba wuxuu leeyahay maqaar gooni ah.
Sida guud, wuxuu maqaarka wajiga u kala baxaa seddax qeybood oo kale ah:
1. Wajiga ay saliida ku badantahay (oily face): waxaa lagu gartaa subixii qofka marka uu soo tooso, wuxuu dareemaa inuu saliid badan wajiga ku leeyahay ama dhaldhalaal, gaar ahaan foolka, sanka korkiisa iyo dhabanada. Had iyo jeer, qofka wajiga saliida leh waxaa kasoo baxa finan.
2. Wajiga qaleelka ah (dry face): wuxuu leeyahay dareen qaleel iyo jacjac. Marmar wuxuu yeeshaa qolof. Dadka bashrada noocaan leh finka aad ayuu ugu yaryahay. Inta badan, wuxuu dareema qofka inuu maqaarka wajiga kala jiidanyahay. Waxaana u badan dadka qaba sanboorka ama xasaasiyada maqaarka.
3. Wajiga isku dhafka ah: mararka qaar wuxuu leeyahay saliid marka qaarna wuu qalalan yahay.
Ogsoonow, waxa aan ka hadlayo waa wajiga kaliya. Mar walbana wajiga iyo korka kale iskuma xirna. Taas micnaheeda waa qofka isagoo wajigiisa ay saliidu ku badantahay ayaa laga yaabaa inuu korka intiisa kale uu ka qalalanyahay. Ama isagoo wajigiisu qalalanyahay inuu korka kale ka duwanyahay.
Sidoo kale: makeup-yada waxay iyagane u kala baxaan sida wajiga noocyadiisa iyadoo la fiirinayo waxa laga sameeyay.
1. Makeup laga sameeyay saliid (Oil-based Makeup): noocaan waxaa laga sameeyay saliid oo marka makeupka la diyaarinayo ayaa waxaa lagu daraa saliid. Waxaana loogu talagalay dadka wajigoodu uu qalalan yahay.
2. Makeup laga sameeyay Biyo (Water-based Makeup): Isku qaska kiimikalka waxaa loo isticmaalaa biyo. Waxaana loogu talagalay dadka ay wajigoodu saliida ku badan tahay.
3. Makeup laga sameey Silikoon (Silicone base makeup): waxaa inta badan lagu daraa makeup-yada aan biyaha waxba u dhimin. Waxaana inta badan marsada dadka raba in waqti dheer makeup-ku u marsanaado.
Makeup-yada way ku qorantahay in saliid laga sameeyay ama biyo. Inta badan, hadii uu qofku isticmaalo nooca saxda ah ee wajigiisa ku haboon, tayadiisuna fiicantahay wax dhib ah lama kulmo.
Akhristow aqoon ma u leedahay nuuca wajigaaga? makeup-yada kore kee baa isticmaashaa? ra'yigaaga hoos nagu la wadaag.
Dr mohmed.
No comments:
Post a Comment