Wednesday, August 12, 2020

Wax badan ka ogaw xanuunka aan caadiga ahayn oo ay dareemaan dumarka xilliga caadada.

 Wax badan ka ogaw xanuunka aan caadiga ahayn oo ay dareemaan dumarka xilliga caadada.



Xanuunka aan caadiga ahayn xilliga caadada 


xanuunka xilliga caadada yimaado waa xanuun aad u daran waxaana laga dareema qeebaha hoose ee calooaha waxaana la dareema waqtiyada caadada iyo waqtiyada ka horeeyo xanuunka xilliga caadada waxaa oo noqon karaa mid aad u daran waxa oona hor istaagi karaa shaqo maalmeedka dumarka xaaladaha inta badan sababo xanuunka waa cudurada kala ah 'endometrosis iyo burooyin kale oo kasoo baxo minka inta badan hadii la daweeyo waxa xanuunka sababay xanuunka waa yaraadaa waxyaabaha kale Γ¨e la socdo xanuunkaas waxaa ka mid ah madax xanuun labo labo wareer iyo saxaro jilicsan 

 

hadii aad isku aragto xanuun hor istaago shaqo maalmeedka bilkastana aad dareento xanuun xilliga caadada waxaa wanaagsan in aad dhaqtar aado 

 

inta caadada socoto minka waxa oo sameeyaa isku soo aruurid si dhiiga iskaga saaro 

waxaa jiro waxyaabo sida hormonka u shaqeeyo loona yaqaan 'prostgladins,kaas oo shaqo ku leh in oo kiciyo xanunka iyo caabuqa marka murqaha minka isku soo aruuro heerka 'prostglandin ,waa siyaadaa xanuunkana sidaas ku siyaaadaa 


waxayabaha sababo xanuunka xilliga caadada waxaa ka mid ah 


1-endometrosis:waxaaa dhacdo in unugyo minka gudahiisa ku yaalay lagu arko meel aan minka ahayn sida ugxaan sidayaasha iyo tubooyinka ugxaanta qaado 


2-uterine fibroids: waa nooc ka mid ah burooyinka aan faafin taas oo ka soo baxdo minka dhaxdiisa sababtana xanuunka xilliga caadada 


3-adenomyosis:waxaa dhacdo nudayaal ku yaalo minka dhaxdiisa koriin sameeyan waxayn koriin ku sameeyaan murqaha minka taas sababto xanuunka xilliga caadada 


4-caabuqa ku dhaco xubnaha taranka dumarka caabuqaas waxaa inta badan sababo cudurada ku faafo galmada waxayna sababaan xanuunka xilliga caadada 


dumarka qatarta ku jiro in oo ku dhaco xanuunka waxaa ka mid ah 


1-dumarka dadooda ka yar tahay 30 sano 


2-dumarka ku qaangaaray dada 11 jir ama ka yar 


3- dumarka dhiig baxa saa idka ah sameeyo xilliga caadada 


4-dumarka caadada ka qaldan tahay 


5-farac ama dhaxal ahaan 


6-dumarka sigaarka cabo


waxyaabaha guriga aad ku sameesan karto si aad u yareeso xanuunka waxa ka.mid ah 


1-hurdo waqti fiican leh qaado 


2-badi nasiinada 


3-waxad qaadataa cunooyinka vitimin E laga helo


4-iska yareeey walwalka iyo walaaca


5-isticmaal waxyaabo diiran waxadna saartaa qeebta hoose caloosha


sidee looga hortagaaa xanuunka xilliga caadada 


1-qaaado cunooyin isku dheeli tiran vitiminka u badan yahay gaar ahaan vitimin E 


2-sameey jimicsi nooca dabaasha 


3-iska yareey sigaarka iyo waxyaabaha la mid ka ah


daawaynta xanuunka xilliga caadada 


1-qaado daawoyinka xanuunka baabi iya sida 'eburofen, 


2-inta badan waxaa la saxaa waxa sababay xanuunka hadii ay buro tahay waa lagu sameeya qaliin


W/Q talooyin caafimaad 


Abdikadir M. Abdullahi. 

Monday, August 10, 2020

Xanuunka / Infekshanka ku dhaca kaadi haysta iyo tubooyinka Kaadidda qaada (CYSTITIS).

 Xanuunka / Infekshanka ku dhaca kaadi haysta iyo tubooyinka  Kaadidda qaada (CYSTITIS)

 

________________________________________________

Hadii farintaan kuso gaartey waxaan kaa codsan lahaa dadka kale inaad gaarsiiso .


Cudurkaani waa nooc kamid ah infekshanadda waxa uu ku dhacaa kaadi haysta iyo tuubooyinka qaada kaadidda ( Bladder & Urethra) , dumarka ayaa ugu badan ,


Maxaa Sababi kara?


- Nadaafad xumo = inta badan marka suuliga isticmaaleyna waxaan dhaqitaanka ku bilowna qeybta hoose (Futada) halka marka mesha dhaqno aan u gudubno qeybta kore ee saxaaxyada hadaba hadi aad ahayd qof sidaas u meeyrta xiliga suuliga ku jira ogow wasaqdii aad kaso qaadey qeybta hoose ( futada) oo ad ku dul dhaqtey qeybta kore ay sababi karto in bakteeriyada badato meshana ku korto 


si aad u ilaaliso nafadada ka bilow qeynta kore ee Saxaaxyada ( Xubinta taranka) wasaqda aad ka dhacqo hoos ayey usi baxeysa marka kore dhameyso biyaha hore usi raaci qeybta hoose siina dhaq dib gacantada kor haugu so celinin.


-Galmada badan 

-Da'da marka kugu saaido

-Kateetarka kaadida so saara ( Urinary cathetar)

-Cayilka.

-Hore inu u qabey infekshanka ku dhaca kaadi mareenka (UTI)

-Cudurka sokorta

-Xaalado caafimaad la xirira


Calaamadaha lagu garto Cudurkaan.


-Xanun la dareemo marka kaadineysid.

-dhowr mar oo ad kaadi uso kacdo 

-Simanka oo ku xanuuna.

-Kaadida oo urto 

-Kaadidda oo  dhiig so raaca ( Haematuria)

-Xanunka laga daremo caloosha qeybta hoose iyo dhabarka


Qatarta ka dhalan karta hadii aan la daaweynin.


- in kelyaha dhagxan yeshaan

-Shaqada kelyaha oo istaagta.

-Dhegxaan ku sameysma tuboyinka kaadida qaada ama buro ku sameysanta kaadi haysta ( Bladder Tumor and urinary stones).

- Caabuq ku dhaca tubooyinka kaadida qaada ( Urethritis inflamtion).


Sidee loo daaweya?


Haddi aad isku aragtey caalamada kore fadlan si dhaqsi ah ula tasho dhaqtar .

- Biyo Badan cab maalinta 

-Qaado Daawoyinka Antibiotic balse waa inuu dhaqtar kuso qoraa si cabirkaaga u qaadatid 


Mahadsanidin rabi ha caafiyo inta xanunsan Alle-na ha sharfo inta faaifisa 


W/Q Cholera


Fadlan Dhowr Xuquqda Qormada.



Abdikadir M. Abdullahi 

Saturday, August 8, 2020

HALISTA MARAQ DIGAAGA


waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa "maraq digaaga" lagu daro suugada cunnada lagu cuno.


Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: "Maggi", "Oxo" "Jumbo", "Knorr" iyo "CalNort".


Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?


Xaqiiqada ugu horeyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin "Maraq Digaag", taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:

Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaga uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.

Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano "trans fat" oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha xirto.


 

"MSG": Maadadaan waa waxa ugu qatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa "slow killing poison" oo macnaheedu yahay "suntii sida aayarka ah wax u dilaysay", cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan "MSG" oo maraq digaaga ka buuxdo waxaa la ogaaday inay keento cudurka Goon-jabka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska "Ulcer", Beer xanuunka, Hilmaanka / Foojignaan la'aanta iyo xanuun loo yaqaano "Fibromyalgia" oo soomalida ku soo badanayo sanadahaan dambe, 

MSG waxaa laga soo gaabiyay "monosodium glutamate"


Lafo digaag: Markii shirkada "Maggi" ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la shiiday ama hilib la shiiday, waxaana la dhihi jiray wuxuu galayaa badalka digaaga ma hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayahaan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.


Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah.


Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibne qaboojiyaha gasho oo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada.


Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin.

Somalidoc


Wednesday, August 5, 2020

DIGNIIN: Kaniiniga Viagra.

Dad badan ayaa isticmaala kiniino ay ku xoojinayaan raganimadooda sida Viagra oo suuq xoogan ku leh dunida marka laga hadlaayo dadka la tacaalaaya cilada hami yaridda, balse keena dhibaatooyin caafimaad oo qofka ku keeni kara dhimasho canuunada uu keeno kiniinkani ayaa ah wadna xanuun, madax xanuun daran iyo dawakhaad aakhirkana hadii la joogteeyo wuxuu keena hami yari.

Halkan waxaan idiin kusoo gudbinayaa cunooyinka ay tahay inaad badsato kuwaasoo xoojiya awooda raganimadda.
Ukumaha /Qaraha

Cilmi baaris  badan ayaa daahfuray in uu xabxabku ama
Qarahu yahay cuntadda u dhigmi karta kiniinka Viagra, Xabxabku wuxuu qani ku ayah citrulline maadadan oo jidhka ka caawisay inuu soo daayo xadi badan oo arginine iyo nitric acid.

Nitric acid waxaa la xaqiijiyey inay qayb ka qaadato inay kisico dareenka ninka xoojisana qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ee ninka.

 

Lawska

Lawsku wuxuu ku caan yahay inuu xoojiyo dareenka rabitaan ee ninka, wuxuu qani ku yahay dufanka omega-3 fatty acids iyo vitamin B3 kuwaasoo qayb ka qaada inay sameeyaan shahwad tayo leh waxayna sidoo kale kordhiyaan qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ee raga isla markaana ka dhiga mid aan la loodin Karin.

Beedka/Ukunta

Beedka/ukuntu waxay ka mid tahay cunooyinka kaalmaha hore ka ga jira door ka ciyaarista xoojinta hamiga ninka kana dhiga ninka mid ku gacan sareeya kulamada xasaasiga ah , waxaanu qani ku yahay Vitamins D, B5 iyo B6 oo door wayn ka qaata xoojinta hamiga ina rag.

Koostadda

Koostadda waa cunooyinka uugu caafimaadka badan dunida,Koostadu waa cagaar la karsado oo cunno ahaan loo cuno, waxaa afka english-ka lagu yidhaa “Spinach”, waxaa la rumeysan yahay in asalkeedu ay ka soo jeedo dalka Iran.
Laakin meelo badan ayay dunida gaartay oo hada laga isticmaalaa.

Koostadu waxaa aad uga buuxa maadooyinka Niacin, Zinc, Protein, Vitamin A, C, E, K, Thiamin, vitamin B6, Calcium, Birta (iron), Magnesium, POtassium, Copper.
Waxaa ku yar dufanka iyo kolestaroolka, waa qudaar kulansatay nafaqo kala duwan oo jirka qeybihiisa kala duwan wax u tarto.

Joogtaynta koostadu waxay qayb wayn ka qaadataa in hamadaadu saa’id noqoto maadaamo koostadu qani ku tahay nafaqo dhamaystiran waxaana lagu tilmaama inay udhiganto kiniinka Viagraha oo kale.

Muuska

Muusku waxaa ku jirta dheecaan la yidhaahdo bromelain kaasoo la rumaysan yahay inuu siiyo ninka awood kacsi kuna hogaamiyo rabitaan galmo, sidoo kale muusku wuxuu qani ku yahay potassium iyo magnesium kuwaasoo faa’iidooyin badan jidhkeena u leh.

 

Haylka

Hayl Caduhu waa kan uugu sareeye liiska cuntooyinka u dhigma kiniiniga viagraha, waxaa uu qani ku yahay maado looyaqaano cineole, maadadani waxay xoojiyaan qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ninka taasoo kadhiga mid adag.

Rumaanka

Rumaanku waxaa lagu tiriyaa inuu yahay mid u dhigma badalka kiniinka viagraha, rumaanku sida cunooyinka Kaleen soo sheegnay wuxuu qayb ka qaataa xoojinta qul qulka dhiiga ee aada xubinta taranka xiliga ninku lamaanihiisa wakhtiga la qaadanaayo, waana cunto faa’iidooyin badan leh oo dhinacyo badan loo isitcmaalo

Sinjibiisha

Sinjibiishu waa geed Alle ku manaystay faa’iidyooyin caafimaad balse aynaan ka warhaynin, sinjibiisha waxay qayb wayn ka qaadataa soosaarista shahwad badan oo tayoleh waxayna qofka ka caawisaa in habdhiskiisa dareenwadku si fiican iskula shaqeeyo, sinjibiisha oo inta lagu daro inyar oo malaba la cabo lana joogteeyo waxay ninka ka dhigtaa mid ooridiisu mahadiso.
  

      YICIBTA.

miraha yicibtu waxaa laga helaa faa'iidooyin caafimaad oo aad muhiim u ah, yicibta waxyaabaha ku jira waxaa kamida proteino heer sare ah, sida vitamin E magnesium fiber oo caafimaad badan jirka siinaya isla markaasna wax tar fiican u leh raganimada, waa hadii aad joogtayso oo ugu yaraan maalintii aad laba xabbo ka cunto.

Talo Guud:
Qof walba waa inuu ku dadaalo waxyaabahaan soo socda si uu u helo caafimaad jinsi ah:

Ku dadaal in aad cunto cunno caafimaad leh oo aan la soo warshadayn
Jooji isticmaalka sigaarka, jaadka iyo khamriga
Sameey jimicsi joogto ah
Welwelka iyo diiqada iska yareey
Ku dadaal in aad hesho hurdo  kugu filan
intaasba waa inta ugu muhiimsan oo qof waliba uu samayn karo si uu uga fogaado dhibkaan.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in haddii la helo lamaane is jecel oo is fahansan oo wixii cillad jirta la wada wadaago oon waxba kala qarsan in ay tahay aasaaska guusha sariirta, sababta aan sidan u leeyahay waxay tahay, dhibka ugu badan ee qoysaska soomaaliyeed aysan ogeyn ayaa ah in arintan ay u baahan tahay is xog waraysi oo xalka uusan ahayn kaliya in hal qof xal keeni karo, haddii labada dhinacba xal loo helin, waxba hagaagi maayaan.

Monday, August 3, 2020

7 Sababood Oo Ay Tahay Inaad Uga Fogaato Sonkorta Iyo Waxa Ugu Fiican Ee Aad Ku Badalan Karto:

7 Sababood Oo Ay Tahay Inaad Uga Fogaato Sonkorta Iyo Waxa Ugu Fiican Ee Aad Ku Badalan Karto:
----------------------------------------------------------------------

Nafaqo ma’aha

Waa kalooris maran, oo waxtarkeeda cunto iyo nafaqadeedu aad u yar yihiin. Waxaa intaas u dheer in jidhku si uu u burburiyo una dhammaystiro geeddiga dheefshiid ee sonkorta uu u baahdo in uu dib xubnaha jidhka uga soo qaato faytamiinno muhiim ah.
Arrintani waxa ay sababtaa in nafaqada jirku hoos u dhacdo.

Dufanka ayaa ay jirka ku qabataa

Kalooriska sonkorta ku jiraa marka ay jidhka ku bataan waxa ay sababaan in ay ku kaydsamaan nudaha dufaneed ee jidhka, taas oo sababta in miisaanku uu kordho.

Caro badan iyo qulub

Cilmibaarisyo la sameeyey ayaa daahfuray in uu xiriir caadi ah ka dhexeeyo cunista sonkorta badan iyo in qofka ay ku dhacaan xanuunnada nafsiga ah ee ay ka mid yihiin sakatiga, warwarka, qulubka, iyo xitaa in qofku uu bulshada ka faquuqmo. Sababtuna waa sonkorta oo sababaysa in Insulin ta iyo Adrenaline ta jidhka uu heerkoodu kor u kaco.

Sonkortu waxa ay sababtaa cudurro khatar ah

Sonkorta oo jirka ku badata waxa ay sababtaa xanuunno khatar ah oo ay ka mid yihiin, macaanka, kelyo xanuunka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca. Waxa kale oo suurtagal ah in ay burburiso awoodda uu ganacu u leeyahay in uu si habsami ah shaqadiisa u qabsado.

Sonkortu waxa ay sababtaa suus

Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha.

Waxa ay daciifisaa habdhiska difaaca ee dabiiciga ah

Sonkortu waxa ay hoos u dhigtaa firfircoonida dabiiciga ah ee shaqada habdhiska difaaca. Cilmibaaris ay samaysay jaamacadda Loma Linda ee gobalka California, dalka Maraykanka ayaa iyaduna muujisay in cunista badan ee sonkortu uu raad caafimaad darro ah ku yeesho shaqada unugyada dhiigga cad.

Coor-coorka

Sonkorta cad / aan dabiiciga ahayn oo jirka ku badataa waxa ay burburisaa barootiinka ‘Collagen’ taas oo sababta in coodh-coodh da’diisa ka soo horreeyaa uu jirka ku bato.

Talooyin kaa caawinaya in aad sonkorta joojiso

Habka ugu fiicani waa in aad si tallaabo tallaabo ah u dhinto cuntooyinka sonkorta lagu daro, adiga oo taas beddelkeedana cunaya:

– Khudradda darayga ah iyo ta qallalan. In kasta oo ay sonkorta dabiiciga ahi ku badan tahay khudradad, haddana waa ay ka caafimaad badan tahay sonkorta samayska ah, waxa aanay hodan ku tahay faytamiinno iyo macdanno kala duwan. Waxa la ogaaday in khudraddu ay jidhka illowsiiso baahida iyo doonista uu u qabo sonkorta. Sonkortan dabiiciga ahi malaha kalooris, waxa aanay nafaqaysaa ganaca.

Cilmibaarisyo la sameeyey ayaa daahfuray in sonkorta dabiiciga ahi ay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga, isla markaana ay caawiso dejinta dhiigkarka.

– Si tallaabo tallaabo ah u yaree isticmaalka macmacaannada kala duwan.

– Ku dadaal in aad cuntadaada ku soo koobto xilliyada cunto ee waaweyn, iyo in aad waqti go’an cunto, si aad jidhka ugu ilaaliso sonkorta oo hoos u dhacaysa haddii waqtigii jidhku cuntada u baahnaa uu dhaafo.

– Ku dadaal in aad cabto cabbitaannada dabiiciga ah, sida liinta noocyadeeda.

– Gurigaaga, xafiiskaaga, gaarigaaga ama meel kale oo kuu muuqata ha dhigin sonkor ama shay sonkor leh sida shaglaydhka sonkorta leh, si aanay naftu doonistiisa u xasuusan.

– Ku dadaal jimicsiga, gaar ahaan socodka. Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo aad dareento in aad sonkor ama macmacaan u baahantahay in aad bilowdo socod.


Friday, July 31, 2020

“Ditoore, wajigeyga mar allaale markaan makeup marsado waxbaa iga soo baxa, ee maxaan sameeyaa?”

“Ditoore, wajigeyga mar allaale markaan makeup marsado waxbaa iga soo baxa, ee maxaan sameeyaa?”

Waa su’aasha ugu badan ee leysoo waydiiyo.

Jawaabta su’aashan waxay kuxirantahay fahamka noocyada maqaarka wajiga oo ay dadku ku kala duwan yihiin. Qof walba wuxuu leeyahay maqaar gooni ah. 
Sida guud, wuxuu maqaarka wajiga u kala baxaa seddax qeybood oo kale ah:

1. Wajiga ay saliida ku badantahay (oily face): waxaa lagu gartaa subixii qofka marka uu soo tooso, wuxuu dareemaa inuu saliid badan wajiga ku leeyahay ama dhaldhalaal, gaar ahaan foolka, sanka korkiisa iyo dhabanada. Had iyo jeer, qofka wajiga saliida leh waxaa kasoo baxa finan.

2. Wajiga qaleelka ah (dry face): wuxuu leeyahay dareen qaleel iyo jacjac. Marmar wuxuu yeeshaa qolof. Dadka bashrada noocaan leh finka aad ayuu ugu yaryahay. Inta badan, wuxuu dareema qofka inuu maqaarka wajiga kala jiidanyahay. Waxaana u badan dadka qaba sanboorka ama xasaasiyada maqaarka.

3. Wajiga isku dhafka ah: mararka qaar wuxuu leeyahay saliid marka qaarna wuu qalalan yahay. 

Ogsoonow, waxa aan ka hadlayo waa wajiga kaliya. Mar walbana wajiga iyo korka kale iskuma xirna. Taas micnaheeda waa qofka isagoo wajigiisa ay saliidu ku badantahay ayaa laga yaabaa inuu korka intiisa kale uu ka qalalanyahay. Ama isagoo wajigiisu qalalanyahay inuu korka kale ka duwanyahay.

Sidoo kale: makeup-yada waxay iyagane u kala baxaan sida wajiga noocyadiisa iyadoo la fiirinayo waxa laga sameeyay.

1. Makeup laga sameeyay saliid (Oil-based Makeup): noocaan waxaa laga sameeyay saliid oo marka makeupka la diyaarinayo ayaa waxaa lagu daraa saliid. Waxaana loogu talagalay dadka wajigoodu uu qalalan yahay. 

2. Makeup laga sameeyay Biyo (Water-based Makeup): Isku qaska kiimikalka waxaa loo isticmaalaa biyo. Waxaana loogu talagalay dadka ay wajigoodu saliida ku badan tahay.

3. Makeup laga sameey Silikoon (Silicone base makeup): waxaa inta badan lagu daraa makeup-yada aan biyaha waxba u dhimin. Waxaana inta badan marsada dadka raba in waqti dheer makeup-ku u marsanaado.

Makeup-yada way ku qorantahay in saliid laga sameeyay ama biyo. Inta badan, hadii uu qofku isticmaalo nooca saxda ah ee wajigiisa ku haboon, tayadiisuna fiicantahay wax dhib ah lama kulmo.

Akhristow aqoon ma u leedahay nuuca wajigaaga? makeup-yada kore kee baa isticmaashaa? ra'yigaaga hoos nagu la wadaag.

Dr mohmed.


Tuesday, July 28, 2020

SIDAAN KU NOQON KARAA, QOF DADKA KA HOR HADLI KARA?

SIDAAN KU NOQON KARAA, QOF DADKA KA HOR HADLI KARA?

 

Waxa ka mid ah astaamaha qofka bilawgaba kasoo muuqda, ee ku tusinaya in cabsi dad la hadal jirto:  qofka oo ay ku adagtay in uu la doodo ama la sheekeysto dadka ka waaweyn, gaar ahaan waalidkiisa ah.  Xiliga fasallada iskuulada lagu jiro, way ku adagtay in uu ardayda dhexdooda macallinka su’aal ka waydiiyo ama uu bixiyo jawaabaha uu macalinku rabo, xataa haddii su'ashaas uu garanaayo, waxa kaloo ka mid ah qofka  oo hadalku dhakhso ugasoo bixin sidii qof hag hag yeeshay oo kale, ama isagoon hadalkiisa ay ku badato “iin, iin iin, iyo wax la mid ah”. Dhammaan waa wax iska caadi ah, badina dadka adduunkuba ay ka simanyihiin.  Su’aashu se waxay tahay, waxanu ma wax joogto ahbaa, misa waa wax laga gudbi karo?

 

Ugu horeyn waxa  war farxad le ah, in dad badan oo maanta dunida caan ka ah, waliba gaar ahaan marka ay noqoto, in ay ka hadlaan fagaarayaasha ugu dadka badan ee laga jeediyo hadal, ay sidaadaas oo kale ahaayeen, maantana ay yihii kuwo  hadal iyo khudbado u jeediya malaayiin dad ah. Waxa ka mid ah dadkaas Dr Zakir Naik, oo ah daaci islaamiya. Wuxuu ahaan jiray, mid hag-hago leh marka uu is yidhaa hadal. Maantana waadigaa arka, siduu u hadlo, iyo tirada dadka uu la hadlo, waliba isagoo ku hadla, luuqad aan tiisii hooyo ahayn. Sidaas oo kale, ayaa haddii aad is leedahay cod kar ma tihid, ama hag-hag ayaad leedahay, aad uga gudbi kartaa caqabaddaas,  haddii aad la timaaddo, isla dadaalka ay la yimaadeen kuwii sidaas oo kale ahaa.

 

Maan ahayn anigu mid soo dhashay isago fagaaraha dad kala hadli kara, waxaan xasuustaa, markii iigu horeysay, ee aan dad tira badan la hadlo, wadnaha ayaa bug-bug i yidhi, aadna waan u naxay. Haddana waan hadlay, wax dhibina imasoo gaadhin, waxaan ka faa’iiday se, in sida aan moodayay aanuu arrinku ahayn, oo haddii aan sii wado, aan wax badan la qabsan doono, siina horumarin karo.  Waxa ka mid ah waxyaabaha qof ka caawiya, fagaare ka hadalka ama ka dhiga mid aan ka cabsan dadka hortooda in uu ka hadlo.

  1. Cabsida fagaare ka hadalka (Fear of public speaking): Qofka oo fahma, waxa ay tahay cabsidani, sababta cabsida keenta iyo sida looga gudbi karo. Waxyaabaha ay dadyawga adduunku ka Cabsadaan way badanyiin, waxa ka mid ah: mugdiga, xayawaanada qaar, xasharaadka,  cudurrada, dhimashada, meelaha joogga dheer, iyo kuwo kaloo fara badan. Waxaas oo dhan marka la isku daro, waxa kaalinta koobaad galay, xagga badnida dadka ka cabsada fagaare ka hadalka. Haddaba  kuwo hore, cabsidooda waxa sabab u ah, fuleynimo meelaha ama goobaha qaar ah. Halka cabsida fagaare ka hadalka ay sabab u tahay kalsooni la’aan. Kalsooni la’aantaasi maaha mid qofku aanuu noloshiisa oo dhan ku qabin, ee waa mid la xidhiidha uun, waxa uu doonayo qofku in uu ka hadlo, oo aanu si fiican ugu kalsoonayn. Tusaale ahaan, in aanuu si fiican usoo diyaarin ama aanuu aqoon fiicanba u lahayn waxa uu ka hadli rabo, isla mar kaana aanuu isa soo tijaabin. Waxa kaloo ka mid ah sababta kalsooni yaraanta keenaysa, waxaas uu rabo in uu ka hadlo, oo aanuu kaba war qabin waxa uu ka hadlayo, cidda uu la hadlayo iyo meesha uu ka hadlayo (hadaf cad iyo qorshe ayaanuu lahayn).

  2. Waa maxay xifradda ama majaalka nololeed ee mustaqbalkaagu (what is your future life career?):   Maxaad jeclaan lahayd in aad dadka kala hadasho ama aad u jeediso, si aad u horumariso, xirfaddaada fagaare ka hadal?  Ma inaad macallin noqoto, oo aad arday u jeediso duruus. Ma inaad daaci noqoto, oo aad dadka diinta barto , khudbadaha jimchana jeediso. Ma inaad ganacsade noqto, oo aad wax soo saarkaaga iyo guulahaaga, aad dadka la wadaagto. Ma in aad siyaasi noqoto, kana hadasho arrimo dal iyo umadeed. Ma in aad wariye noqoto, kana hawl gasho,  war is gaadhsiinta, sida idaacadaha iyo muuqaal baahiyayaasha. Ma in aad arrimaha bulshada ka shaqeyso, dadkana wacyi galiso.  Shaqooyinkan iyo tobanaan kale oo la mid ahba, dhammaan waa kuwo u baahan qofku in uu yaqaan, horumariyana xirfadda fagaare ka hadalka. Haddaba adiga shaqsi ahaan, ma kuu caddahay hadda , meesha aad  is leedahay, way tahay in aad u sii tabo barato? Waa qodob mihuum ah, oo ka qayb qaadan kara, in xal loo helo,caqabadda kaa hor istaagi karta fagaare ka hadalka , oo ah cabsida iyo cod kar la’aanta.

  3. Kor u qaadisksta xirfaddaada nololeed (Life career development): Qodobkani, qaybta labaad ayuu la xidhiidhaa, muhiimaddiisa gaarka ahna waa leeyahay. ka dib marka aad ogaato, Xirfaddaada nololeed,  isku day in aad horumariso, si fiicanna ugu wanaagsanaato, maaddaayoonka iyo buugta la xidhiidha, majaalkaas ama kaalintaas aad nolosha ka qaadan doonto, dadkana kala hadli doonto, ee ay ka midka yihiin kuwaas aynu soo sheegnay.  Had iyo jeer ha ka daalin, in aad akhrido buugta guud ahaan, gaar ahaan kuwa la xidhiidhaa majaalkaaga, iyo in aad qaadato wixii koorso ama tabobar ah, ee ku saabsan si toos ah iyo si aan toos ahaynba (online). Mar kasta oo aad ku wanaagsantahay, si fiicanna u weelayso, waxa aad ka hadli rabto, waa mar kasta oo kalsoonidaada ku aadan in aad waxaas ka hadashaa, ay korodho, mar kastoo kalsoonidaasi  korodhana, waxa meesha ka baxda cabsidii iyo walaacii.

  4. Nashaadka, iyo is dirka (Activities and volunteers):  Ka hor intaan la isla gaadhin suuqa dhabta ah ee aad kusoo ban dhigayso aqoontaada, iyo awooddaada fagaare ka hadal, waxa muhiim ah inta aad ardayga tahay, in aad ka faa’iideysato, fursad kasta oo kuu saamaxaysa in aad dad la hadli karto, haba noqoto shan qof ama boqol qof , ama kun qof intaba…Tusaale ahaan, ka qayb qaado, arrimaha iyo hawlaha tabarucaadka iyo shaqooyinka, ka jira iskuulkaaga, jaamacaddaada, iyo bulshada dhexdeeda. Waqtiyada aad firaqaada hayso, ku bixi waqti badan in aad  arrimahaas aad xubin ka ahaato, haddii aad jago ka qaban karto aad ka qabato, jagadaasi meesha ay doonto ha ahaato, wax qabadyadaas iyo nashaadkaasi yaanay noqon kuwo aad ku doonayso, maslaxaad adduun iyo wax la mid ah, ee ha ahaado, kuwo aad naftaada ku horumarinayso, sida fikirkaaga, shaqsiyaddaada iyo awooddaada dad la hadal.

  5. Xirfadaha fagaare ka hadalka (public speaking skills):  Ugu dambeyntii, mar aan kuba wanaagsanaaday, kuna dhiiraday in aan meela badan hadal ka jeediyo, anigoon wax cabsi ah dareemin, ayaan bilaabay in aan korodhsado aqoonta iyo xirfadaha aan u baahanay ee iga caawinaya in aan horumariyo awoodayda fagaare ka hadal, taas ayaanaan illaa imaka ku guda jiraa, mar aan anigu korodhsado, iyo mar aan sii gudbiyaba. Sidaa daraadeed, waxaan kugu boorrinayaa, in aad ka faa'iideysato fursad kasta, oo kusoo marta,  oo aad ku korodhsan karto, aqoonta gaarka ah ee la xidhiidha fagaare ka hadalka, hadday tahay koorso, buug iyo tobabar intaba... laakiin tani kaligeed kaa dhigi mayso, mid aan cabsan, oo khabiir ku ah, in uu dad ka hor hadli karo, way se ku kaabaysaa, haddii aad qodobada hore, aad kasoo baxdo. Tusaale ahaan, haddii adiga oo aan darawal ahayn, lagaaga sheekeeyo sida baabuurka loo wado, way adagtay in aad darawal noqoto markaba. haddii se lagu baro, laguna tuso sida loo wado, maalimaha hore waad yara baq-baqan, maalinba maalinta ka dambeysa waxaad is arki adiga, oo darawal sii noqonaya. Fagaare ka hadalku waa sidaas oo kale, in aad buug kali ah aad akhrido, waxa ka saameyn badan,  isku deyga iyo  in aad cid ka hor hadasho, illaa aad heer ka gaadhayso. 

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...