Saturday, February 6, 2021

Wax badan ka ogaaw waxaa sababo in xubinta taranka dumarka soo dhacdo.

 Wax badan ka ogaaw waxaa sababo

in xubinta taranka dumarka soo dhacdo.





Xubinta taranka dumarka soo dhacda  waxa loo yaqaana vaginal prolapse

waa xaalad taasoo xubnaha sida minka, kaadi heesta, qeebaha hoose ee mandhaciirta tubada, kaadi mareenka, mandhaciirada yar yar ama xubinta taranka dumarka qeebta gudaha ku jirto ay so dhacaan waxaa dhacdo xubnahaas aan kor ku so sheegnay qaarkod in ay soo dhacaan kana so baxaan duleelka xubinta taranka dumarka  waxaana sababo marka murqaha hareerahaas ku jiro ay noqdaan kuwa daciif ah.  


waxay sababtaa dhibaato dhanka galmada ah  iyo  saxarada iyo kaadida so saaristooda ay dhib ku noqoto dumarka.  


calaamadaha la arko waxaa ka mid ah.


1-in dumarka ku adkaato in saxarada soo saaran.

2-in ay adkaato kaadida in ay iska saarto. 

3-saxarada oo adkaato.

4-kaaadi baxsad. 

5-xanuun hareeraha xubinta taranka.

6-qeebaha gudaha ku jiray ee xubinta taranka dumarka banaanka soo aadaan.

7-dulelka xubinta taranka dumarka waynaado.


maxa sababo xubinta taranka dumarka in ay soo dhacdo.


1-foosha xilliga dhalmada waxa dhacdo in xubinta taranka dumarka so dhacdo waliba marka ilmaha dhalanaayo ay yihiin ku waa wayn.


2- xilliga dumarka dhalmada gooyaan waxaa dhacda in hormone ka loo yaqaan estrogenka hoos u dhac ku yimaado hormonka waxa uu adkeeya murqaha hareerahaas ku yaal hormonkas hadu hos u dhaco waxa iman karta in murqaha jilcaan ka dibna so dhacaan xubnaha taranka dumarka. 


3-dumarka laga saaro minka waxaa dhacdo in ay so dhacdo xubinta taranka.  


dumarka qatarta ku jiro in ay so dhacdo xubinta taranka waxaa ka mid ah .


1- kuwa dadooda ka wayntahay 50 sano


2-dumarka cayilka xad dhaafka ah leh


3-dumarka kaadi hesta ama xubnaha taranka laga qalay 


4-dumarka shaqooyinka adag qabto.




share dheh wall

No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...