Saturday, July 25, 2020

WAXTARKA BASBAASKA.

Basbaasku wuxuu ka mid yahay dhirta lagu darsado cuntada 
Basbaasku waa geed kulul qudaarta ayuuna ka mid yahay 

wuxuuna caan ku yahay in lagu socodsiiyo cuntada Keligii lama cuno cuntooyinka qaar ayaa lagu darsadaa

Cilmi baaris ayaa sheegaysa in cuntooyinka basbaaska ama qajiga lagu daro ay kordhiyaan xasuusta aadanaha sidoo kale maskaxda ayay ka caawiyaan inay si fiican u shaqayso 

inkasto isticmaalkisa lagu kala duwan yahay basbaaska ayaan hadana waxaan ka soo qaadaneynaa qeybaha loogu isticmaalka badan yahay

-Besbaas qoyan oo sida geedka looga soo jaray ah waxey soomaalida u taqaan ( QAJI )
Qarjiga sidiisa ayaa loo tumaa waxaa lagu daraa liin iyo cusbo waana kan soomalida aad u istcmaalaan

-Waxaa kaloo jira Mid la qalajiyay oo buda laga dhigay balse Soomaalida ma sameyso laakiin isagoo Buda ah ayaa dibada looga keenaa markaas ayey cuntada ku darsadaan

-waxaa jira mid dareeraha kaa soo aan ku badneyd Guriga lakiin waxaa si sharaxaad ah miiska loo saara Hotelada Amma maqayadaha qaar

Dhirtan kulaylka leh ee basbaaska waxaa ku badan maado la yiraahdo (Apigenin) taaso faaido u ah neerfa-qaadayaasha maskaxda wexeyna ka caawisa inay noqdaan kuwa xoojiyo xariirka maskaxda 

Sidoo kale madadan Apigenin aya xasuusta ku fiican wuxuu qofka noqonaya mid dareen fiican leh islamarkana taxadir badan

Quburo u dhashay dalka Brazil  ayaa sheegay in maadada ku jirta basbaaska ee (Apigenin) ay kasii kooban tahay walxo la yiraahdo (flavonoid) oo ka hortaga xanuunada maskaxda ku dhaca sida isku buuqa iyo in xasuustada lunta

-Machadka Regenrative Biology oo ayaa shaaciyay waqtigii ugu horeysay wanaaga saameynta basbaaska iyo maadada ku jirta ee  ay leedahay faaido dhinaca unugyada bini-aadamka 

Dad lagu tijaabiye ayaa lagu ogaaday in maadadani daweyso unugyada bini-aadamka ee maskaxda haddi ay xanuunoKu dhacaan maskaxda 

islamarkana muddo 25 maalin gudahood hadii 
Aad isticmaasho in maadadan ay maskaxda ku leedahay saamayn weyn waxaa suurtagal ah in maskaxda dib u soo laabto

Waxaa kaloo basbaaska Faaido u leeyahay Qodobadan

-Weight loss (Dhimista miisaanka jirka 
-Heart Health (Caafimaadka wadnaha
-Lower Blood Pressure (Cadaadiska Dhiigga Hoose
-neerfo xanuunka 
-Shaqada xubnaha taranka rag iyo Dumar 

Basbaasku waxaa uu Asal ahaan ka yimid qaraada Ameerika gaar ahaan  wadanka kolombiya halkaasi oo ilaa maanta Geedka basbaaska uu ka baxo!

Thursday, July 23, 2020

Wax badan ka ogow biyaha xiro tubooyinka minka iyo waxaa sababo.

Wax badan ka ogow biyaha xiro
tubooyinka minka iyo waxaa sababo.

Biyaha xiro tubooyinka minka

Biyaha xiro tubooyinka minka waa xaalad taas oo dhacdo marka ay biyo ka buuxsamaan tubooyinka minka inta badan biyaha waxay galaan tubada qeebta xigto ugxaan sidayaasha xaaladaas inta badan waxay  ku dhacdaa labada tubo ee isku xero minka iyo ugxaan sidayaasha.

inta badan marka biyaha xeraaan tubooyinka waxaa la arkaa dhalmo la' aan ku timaado dumarka.

calaamdaha lagu arko dumarka marka xaaladaan dhacdo waxaa ka mid ah.

xanuun soo laalaabto oo lagu arko qeebaha hoose ee caloosha halka dumarka qaarna aan lagu arkin wax calaamad ah kaliya waxaa lagu arkaa dhalmo la' aan.

maxaa sababo biyaha xiro tubooyinka minka.

1-waxa ugu badan ee sababo biyaha xero tubooyinka minka waa caabuqyada ku faafo galmada sida jabtada.

2- sidoo kale waxaa sababo tiibishada ku dhacdo tubooyinka minka lakiin ma ahan mid aad u badan.

3-sidoo kale waxaa sababo qaliimada lagu sameeyo minka marka buro ka soo baxdo.

sidee looga hortagaa biyaha xero tubooyinka minka

1-waxa kaliya looga hortagi karo biyaha xiro minka waa in la yareeyaa caabuqa ku faafo galmda.

2- sidoo kale waxaa wanagsn in si dhaqsi ah loo daweeyo hadii la arko cudurada galmada ku faafo.

Tuesday, July 21, 2020

Wax badan ka ogow cuncunka Xubinta taranka dumarka iyo waxaa sababo.

Wax badan ka ogow cuncunka
Xubinta taranka dumarka
iyo waxaa sababo.


Cuncunka xubinta taranka dumarka waa raaxo daro mar marna wa xanuun inta badan dhacdo marka la isticmaalo waxyaabo cuncunka kiciyo waxa kaloo sawabi karo caabuq ama marka dumarka dhalmo goyaan

maxaaa sababo cun cunka xubinta taranka dumarka???

1- dumarka marka ay isticmaalaan waxyaabo xasaasiyad kicin karo waxaa imaan karo cun cun waxyaabahaas waxaa ka mid ah saabuunta kareemka bomaatoyinka 

2-cudurada ku dhaco maqaarka waxay sawabaan cun cunka xubinta taranka dumarka  cuduradaas waxaa ka mid ah psoriasis iyo eczema 

3-yeast infection: yeast waa nooc ka mid ah daris ku noolaha fungalka yeast sida caadiga waxa oo ku nool yahay xubinta taranka dumarka hadaba haduu yeastiga bato waxaa dhacdo in caabuq iyo cun cun yimaado badashada yeastiga waxaa ka hortagto bacterayada ku nool xubinta taranka dumarka caabuqaas waxa oo yimaadaa marka dumarka isticmaalaan qalajiyayaal hadaba qalajiyaha waxa oo baabi iyaa bacteriyada ka hortagi laheed badashada yeastiga 

4-bacterial vagenosis: inta badan waxay keentaa cuncunka xubinta taranka dumarka waxayna dhacdaa marka ay kala bataan bacteriyada wanagsan iyo mid xun  ee ku nool xubinta taranka dumarka 

5-cudurada ku faaafo galmada waxay sawabaan cun cunka xubinta taranka dumarka

6- xilliga dumarka dhalmada gooyaan xilligaas waxaa dhacdo in uu hoos u dhaco hormonka estrogenka estrogenka xubinta taranka dumarka wa o ka ilaaliyaa in ay qalasho hadii oo hoos u dhaco waxaa dhacdo in xubinta taranka dumarka qalasho waxaana imaado cun cun 

sidee looga hortagaaa cuncunka xubinta taranka dumarka 

1-isticmaal biyo diiran si tartiib  ah u dhaq xubinta taranka dumarka iyo hareeraheda 

2-ka fogaaw waxyaabaha cun cunka kicin kara sida saabuunta iyo waxa la midka ah 

3-ka fogaawa waxyaabaha lagu buufiyo xubinta taranka 

4-iska badal dharka qoyan sida marka ad jimicsi sameso 

5-ka ilaali saxaro in ay gaarto xubinta.

Saturday, July 18, 2020

Varicocelka (waxa ugu badan ee sababo madhalesnimada ragga)


Varicocelka  waa marka ay balaartaan qaar ka mid ah xididada dhiiga ka celiya xaniinyaha waxaana dhacdo in xididadi dhiiga celin laha shaqadooda gabaan dhigana dib u soo laabtaan  arintas waxa ka dhalan karto in dhiiga mesha fariistan halka dhiigas ay sideen waxyaabo wasaq ah lana rabay in wadnaha la geeyo hadii ay mesha fariistan waxa dhaceso in aan mesha la kenin dhiig nadiif ah hadaba xididadaas waxa ay ka qeeb qaataan in ay nafaqeeyaan xaniinyaha kana qeeb qaatan soo saarista shahwada  

varicocelka waa cudurka ugu badan ee sawabo madhaleska ragga waxa uuna sawaba in ay yaraato soo saarista shahwada sido kale waxa u sawabaa in ay yaraato tayada shahwada 

varicocelka waxa o sawaba in kobaca xaniinyaha yaraado xaniinyahana noqdaan kuwa aad u yar yar 

varicocelka waa cudurka ugu badan ee sawaba madhalesnimada ragga 

CALAAMADAHA VARICOCELKA 
 
-xanuun daran

-xanuunka waxa o daranyahay marka qofka istaagsanyahay 

-xanuunka maalinki ayuu aad u daranyahay 

-xanuunka waxa uu yaraada marka qofka dhabarka u seexdo 

-xaniinyaha o aad u laalaadsamo 

-madhalesnimo 

MAXA SAWABO VARICOCELKA

1-inta badan varicocelka waxa sawabo mala garanaayo lakiin waxaa la dhahaa xididada dhiiga celiya ee ku yaal xaniiinyaha marka ay waynaadaan in shaqada gabaan dhiigana halkaa fariisto dhiiga hadii oo halkaa fariisto waxaa dhici karta in dhiig nadiif ah aan meesha imaan taasna waxay carqalad galineesaa shaqada xaniinyaha uu aheed in shahwo tayo iyo tiro leh la soo saaro 

2- buro ka soo baxdo caloosha ama kaadi heesta waxay sawabi kartaa vericole 
varicocele inta badan waxa lagu arkaa qeebta bidix ee xaniiyaha 

HEERARKA VARICOCELKA

heerka 1aad: inta badan varicelka lama arko mana la daremo ilaa dhaqatar arko 

heerka 2aa: mala arko lakiin marka gacanta lagu taabto wala dareema

heerka 3aad: si caadi ah ayaa lo arkaa 

heerka 4aad: si cad lo arkaa waxaana la arkaa xididada o sida gooryaanka cml u duudoban  

DHIBAATOOYINKA VARICOCELKA

1-in aay yaraadaan xaniinyaha 

2-ma dhalesnimo

GOORME LAQALAAYA VARICOCELKA

1-haddii varicocelka aad u waynaato 

2- haddii lamaanaha laga diwaan galiyay ma dhalesnimo 

3-hadii baaritaan shahwada ah la sameeyo lana arko in ay qaldantahay tayada iyo tirada shahwada
 

Wednesday, July 15, 2020

HAB AYAAD SIIN DOONTAA DADKA AAD JECESHAHAY MARKA AAD QORAALKAN DHAMAYSO KA DIB.



1. Walwalka: marka aad qof walwalsan yahay tusale qofka laga dhintay hab ayay dadku siiyaan sababtu wax kale ma ahan waxaa ka yaraanaya walwalka waana sababta loo dhaho hab in qofka la siiyo ama la dhunkado waxay yaraysaa walwalka, cabsida iyo stress-ka

2. Xanuunada Jirka iyo Qalbiga: mar kasta oo qof xanuunsan aad hab siiso ama adiga oo xanunsan hab lagu siiyo ama lagula joogo oo laguu sheekeeyo waxaa daremaysaa in xanunkii kaa yaraaday. Dhunkashada, hab siinta iyo la qaadashada waqti qof waalid, walaal ama saaxiib ah waxay yaraysaa xanuunada jirka iyo kuwa nafsiga ah intaba

3. Xiriirka Labada Qof: Dadka aadka isu qadariya isuna jecel waa kuwa mar kasta xabadka is galiya, waxaa macquul ah meel dad fadhiyaan marka aad timaado, adigoo wada yaqaana dhamaantood, qolo hab in aad siiso qolana aadan siin sababtu waa kan aad hab siisay waa kugu dher yahay midka adan siin xiriirkiinu ma qoto dheera

4. Colaada iyo Cuqdada: Dhaqan ahaan wad aragteen marka laba wof is dagaasho waxa la dhaha xabadka is galiya, qofka hadii uu si fiican xabadka u galin waxaa la leyahay caloosha ayaa ka jiran tahay, si fiican hab isu siiya, waa xaqiiq la ogaday qofku hab ma siin karo qof uu caloosha wax ugu haayo

5. Labaatan Second: Hab qof inaa is siisaan way fududahay balse in ku dhawaad 20 second aad isku haysaan laabta waa qofka aadka kubjecel kaliya uu samayn karo, waqtiga ugu yar ee qofka aadka ku jecel hab ku siin karo waa 20 second sida khubrada cilmi nafsiga ay isku raaceen

6. Baarrinimada: Cunugba cunuga uu ka xambaar jecel yahay ama aan dhahno cunuga hooyadu aadka u xambaarto wuu ka baarinimo badan yahay midka aysan hooyadu xambaarin wana sababta caruurtu u jecel yihin qofka xambaara xita hadii aysan hooyadiis ahayn

7. Oxytocin: Waa hormoneka farxada waxaana hormonekaan lasoo daayaa marka qofku la kulmo waxyaabo farxad leh sida in uu guulaysto, in hab la siiyo, in la dhunkado iyo wax kasta oo farxd leh. Oxcytocin wuxuu dajiyaa dhiiga, neerfaha, iyo madaxa.

8. Ducada: Waxaan aragnaa dad badan oo saaxiibadooda hab siiya, shumiya balse aan walidkooda salaan gacanta ah uga badin, waalidku gaar ahaan hooyooyinku si gaar ah ayay ugu duceyaan caruurta dhunkada, hab siiya ama u sheekeeya marka ay u yimaadaan

Hadaad Akhrisatay La Wadaag Walaalaha Kale Qoraalka, Muhiim Ayay U Tahay Qof Kasta oo Akhriya.

Monday, July 13, 2020

KHATARAHA EARPHONE KA AMA XARIGA DHAGAHA.

In aad saacado badan aad isticmaasho xariga dhagaysiga dhagaha ama aadba ku seexato isaga oo kuugu jira ayaa leh khataro aad u badan oo wax yeelo ugeysan kara nafsadaada, waxaana kamid ah dhibaatada ka dhalata,

=  Dhimashada Unugga dhagta:

hadii uu waqti dheer uu kuugu jiro Earphone ama ku seexato isaga oo kuugu jira ayaa unuga ay ka koobantahay dhagtu u keeneyso in ay ka yaraadaan wareegii dhiigga ee soo gaarayey taas oo kuu horseedeysa in ay dhimato qayb kamid ah dhagtaada,

=  Dhukey badan oo xira maqalka:

Dhagta ayaa si caadi ah u soo saarta dhukey si uu uga difaaco xuubka dhagta wa
xyaalaha dhibaatada u keeni kara,

Hadaba isticmaalka badan ee Earphone xariga dhaga ayaa keena in dhagto ay soo saarto dhukey ka badan intii loo baahnaa kaas oo keenaya in ay awdanto dhagto sidaasna uu maqalkii ku yaraado,

=  Guux, dhawaq iyo Sharqan dheer ama qaylo uu qofku dareemayo,

Xaaladdaani inta badan waxaa sababa dhaawaca unugyada timaha ee cochlea. Unugyada timaha ayaa mas'uul ka ah inay u beddelaan mawjadaha dhawaaqa,

Tani ayaa qofka ku sababeysa in uu maqalada hoose uu u dareemo maqal dheer oo qaylo ah oo uu aad u dhibsado, mararka qaarna uu maqlo guux iyo sharqan aan jirin.

=  Caabuq ama infakshin ku dhaca dhagaha:

Dad badan ayaa wadaaga ama isku dhiib dhiiba Earphonada oo isla isticmaala, 
waana waa wax Soomaalida caadi ay u aragto wadaagida Hal xarig dhage, 

hadaba arinta wadaagida earphonada ayaa  khatar kuu horseedi karta in uu kugu dhaco caabuqyada dhagaha maadaamo xariga dhagaha uu gudbin karo jeermisyada isaga oo kasoo qaadayo qof una gudbinaya qof kale oo ay isla isticmaaleen hal Earphone,
 
Taas oo fududeenkarta in caabuqyadu ay u gudbaan maskaxda maadaama ay aad iskugu dhawyihiin dhagaha iyo maskaxdu kuuna keeni karta in aad dhumiso awoodahaagii jimsi iyo caqli ahaan qayb kamid ah.

Hadaba ka digtoonoow in aad qof la wadaagto hal Earphone.

Sidoo kale isticmaalka waqti dheer uu kuugu jiro dhagaha xariga earphone ayaa kordhin karta in uu jeermis ku dhasho dhagahaaga

= Maqalka oo Lumaya dhagoolnimo:

Xariga dhagaha ayaa marka aad xirato soo saaraya dhawaq toos u gaaraya maskaxdaada  kana dheer maqalkii caadiga ahaa aysana xamili karin dhagtaadu,

Joogteynta waqti dheer xariga dhagaha ayaa keenta dhagoolnimo xitaa hadii aad isticmaasho waqti gaaban oo aad codka sameecadaha aad dheerasato.

 
= Cun iyo xanuun joogta ah oo mar walba dhagaha aad ka dareento ayaa waxaa keena isticmaalka xariga dhagaha.

= dhagta si toos ah ugu xiran maskaxda aadna ugu dhaw sidaas la'adligeed dhibaato walba oo gaarta dhagaha ayaa si dhokhso ah ugu gudubta maskaxda,

Dhamaan caabuqyada ay horseedaan xariga dhagaha ayaa u gudbi kara maskaxda taas oo ah xaalad khatar ah oo uu qofku ku waayi karo nolashadiisa caadiga ah.

= waxaa yaraanaya fahamkaada iyo xasuustaada taas oo kuu horseedaysa in ay waxbarashadu ay kugu  adkaato hadii aad waqti dheer ama joogteyso isticmaalka xariga dhagaha.

Fadlan faafi oo gaarsii asxaabtaada ama halkaan ugu wac si ay u ogaadaan khatartaan.


Saturday, July 11, 2020

Wax badan ka ogow INFAKSHANKA DUMARKA.


Waa su'aal is weydiin mudan oo u baahan in jawaba loo helo, si loo ogaado cilaldaha jira iyo siyaabaha logoa hortagi karo intaba.

5-tii haweenba oo soomaali ah 3 ka mid ah waxay ka cabataa infekshan ama laga daaweeyay caabuq xagga hoose ah.

Inta aanan ka jawaabi su'aashaan aan ka hadalno waxay infekshanka uu yahay iyo waxa keeno marka horaba.

Waa maxay infakshanka dumarka?

Waa caabuq ku dhaca xubnaha taranka ee dumarka, waxuu saameeyaa farjiga, tubooyinka, minka iyo ugxan sidayaasha.
haddii aan la daaweyn wuxuu keenaa madhalaysnimo iyo in ay howlgabaan xubanahaas aan soo tilmaamay.

Waa cudur caan ka ah dunida, inkastoo lagu kala badan yahay waana sababta ugu horreyso oo laga hortagi karo oo madhalysnimada u keento dumarka.

Wuxuuna infakshanka aad ugu badan yahay #gabdhaha_qaangaarka_ah_iyo_haweenka da'da yar.

Maxaa keeno caabuqa xubnaha taranka?

Sida eebbe ugu talagaly waxay xubanaha taranka dumarka ay leeyihiin waxyaabo ka hortaga infakshanka oo qof caafimaad qaba uusan ku dhici karin illaa in qofka uu la yimaado dhibaato difaaca hoos u dhigayso ama ku caawinayso in bakteeriyada ay taranto ama dhaawac gaarsiiyo afka minka taasoo keensanayso in bakteeriyada gudaha u gudubto.
Waxyaabaha ugu badan ee dunida keeno xanuunadaan waxaa ka mid ah cudurrada galmada la isku qaadsiiyo sida #jabtada, xanuunka #chlymedi-yaha, #HIV-ga, isfiilitada, herbiska, honqorta cawrada iyo xanuuno kale oo halkaan aad ka akhrisan kartid:

Sababta ugu badan ee dumarkeenna u keento way ka duwan tahay waxa aan kor ku xusnay, waxaa u keeno cudur fangaska uu keeno oo loo yaqaanno cabeebka oo galo farjiga iyo agagaarkiisa, waana cudur ku yar dadka kale ee ka cabada caabuqaan.

Sababta u gaarka ah Soomaalida maxaa keeni karo?

Caabuqa cabeebka keeno ee farjiga galo waa cudur fangas ah wuxuuna ku dhashaa meelaha huurka ah oo qoyaanka u badan tahay, waxaane uu ka dhashaa nadaafad darrada iyo hawo yarida, calaamadaha u gaarka ah ee lagu garto waxaa ka mid ah in qofka uu dareemo qoyaan ama dheecaan xagga hoose ka yimaado oo cad sida labeenta caanaha oo kale, waana dheecaan ur badan oo farjiga agagaarkiisa laga dareemi karo meelaha uu gaaro, wuxuu wattaa cuncun iyo dhabar xanuun, murqo xanuun bowdyaha ah iyo caajis kalagoysyada lugaha khaas ahaan jilbaha.
Waa xanuun si aayar ah u tarmo oo qofka inuu ka sheegto waxay ku qaadataa dhowr billood sidaa awgeed qofka markaa waraysatid ka cabanayo wuxuu kuu sheegayaa in 6 illaa 8 bilood inuu caabuqaan uu dareemayay.
Wuuna soo noqnoqon karaa haddii aan la daawaynin sababta iyo xaaladda uu ky yimid.
Haddii aan u gudbo sababta u gaarka ah oo aan u kuur galay, haween badanne taladaan markay qaateen ay ku fiicnaadeen waxay tahay in haweenkeenna soomaalida ay xirtaan maro gorgorad loo yaqaanno oo lagu labisto diraca, waxay ka samaysan tahay maadada Nylone-ka waa maaddo soo jiiddo kuleelka, waxayna abuurtaa dhidid badan, hawadane kama gudubto waa sadaxda shey oo u baahan yahay fangaska caabuqaan keeno oo loo yaqaanno "Candida" inuu tarmo.

Haweenka aanan isticmaalin marada aan tilmaamay way ku yartahay xanuunka caabuqa ee fangaska keeno.

Iska ilaali xirasahda gorgoradda!!

Ma garanayo meel kale oo laga xirto maradaan, caafimaad darradeedane waa mid muuqato inkastoo dadka u baraarugo ay yaryihiin, dad badan oo ka faaiday taladaan oo joojiyay ilaahayne ugu gargaaray way jiraan, khaas ahaan dadka ka caban jiray inuusan xanuunak ka bixin oo ku soo laalaabto, talaydaydu waxay tahay in aad xiratid maro ka samaysan shay aan nylon ahayn oo hawada ka gudib karto, kuleelne keensanayin, dhididna abuuraynin, sida marada baatiga oo kale in aad gorgoro ahaan u tolatid. 
Haddii marada Nylon-ka aad xarago ahaan u qaadatid, qeybta hoose wixii jilbadaha ka hooseyso goonnadaada baatiga ah ku talo qeyb gorgorad ah. (Waa fashion caafimaadka u roon!!)

Maxay tahay calaamadaha kale ee caabuqa lagu garto?
1- Xanuun qeybta hoose ee wareegga ah.
2- Kaadida oo ku gubto.
3- Qandho qarqaryo wadato.
4- Xanuun xilliga galmada.

Maxay ku kala duwan yihin caabuqaan iyo kan kaadida?

Dadka badanaa way isku qaldaan caabuqa kaadi mareenka iyo caabuqa haweenka ku dhaco.
Caabuqa kaadi mareenka waa mid ka ku dhaco kaadi heysta iyo kilyaha, waxaadne ka akhrisan kartaa halkaan qoraal ku saabsan:

Calaamadaha la dareemo way isku dhow yihiin laakiin caabuqaan wuxuu kaga duwan yahay kaliya dareemidda dheecaan ama qoyaan siyaado ah oo aan dabiici ahayn iyo cuncun farjiga ah ama nabarro ama isbadal maqaar ee ku dhaca xubnaha taranka.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?

Dad badan ayaa aaminsan in xanuunkaan kaadida lagu ogaado, caabuqaan xubnaha taranka galo waxaa lagu ogaadaa in dheecaankaas la baaro ama dhiig lagaa baaro iyadoo la raadinayo jeermiska kuu keenay xanuunka ama lagu saaro qalabka Ultrasound-ka si loo ogaado caabuqa dhaawaca uu gaarsiiyay xubnaha taranka sida tubooyinka, ugxan sidayaasha ma aminka intaba.
Hadduu caabuqa daran yahay wuxuu takhtarka kaa qaadi karaa cad laga soo qaado minka gudihiisa.

Xanuunkaan sidee loo daaweeyaa?

Waxaa lagu daaweeyaa dhowr daawo oo antibiotic ah iyo daawo fangaska loogu tala galay ha ahaato mid la cunayo, la marsanayo ama sumboosto ahaan loo isticmaalayo.
Waa qassab in lamaanahaaga la daaweeyo haddii lagaa helo caabuqaan.
Hadduu xanuunka siyaado uu noqdo oo uu malax gashado tubooyinka ama gudaha waa in qalliin lagugu sameeyo si loo badbaadiyo fursadda ah in aad uur qaadi kartid.

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?

Waxaa looga hortagi karaa adigoo raaca tillaabooyinkaan hoos ku xusan:
1- Jooji isticmaalka gorgoradda!! caafimaadkaaga kuma jiro waa wax cilmi ahaan loo og yahay, dheefta laga helaayo markii la joojiyane waa mid aan tijaabo iyo hubaal u hayo.
2- Ku dadaal dhadaafaddaada guud oo iska ilaali wax kasto oo caabuqa kordhin karo khaas ahaan xilliga caadada. 
3- Haddii aad leedahay xanuun ka mid ah xanuunada galmada lagu kala qaado iska daaweey, lamaanahaagane daawee isagane.
3- Haddii aad doonayso in aad xakamayso uurkaaga ama aad ka hortagto iska ilaali isticmaalka qalabka lagu xiro tubooyinka wuxuu keenaa caabuq haddii aanan si nadiif ah loo xirin.

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...