Monday, August 8, 2022

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮 𝗰𝗶𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯 𝗱𝗶𝗹 𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗰𝗮?

 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮 𝗰𝗶𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯 𝗱𝗶𝗹 𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗰𝗮?





Isbadallada ku dhaco carabka waxay qofka ku keeni kartaa welwel hadii uusan fikir buuxa ka haysan waxa ay tahay.

Carabka wuxuu ka mid yahay meelaha jirka ugu muhiimsan ee ay dhakhaatiirtu warbixin ka raadiyaan hadii uu qofka uu xanuunsan yahay maadaama cudurro badan ay carabka astaamo gooni ah oo lagu garto u yeelaan.


sidaas awgeed waxa ugu badan ee dadka ka sheegtaan waa cillada carab dildillaaca ma cara jeexjeexa ama waxa dhakhaatiirta qaar u yaqaanaa "carab qooreedka = Scrotal tongue oo macnahiisu laga wado in carabka uu u ekaado sidii qooraha oo kale.


Dildillaaca carabka da' kasta way ku dhici kartaa laakiin waxay ku badan tahay ragga khaas ahaan wixii xilliga qaangaarka ka dambeeyo.


■𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗶 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗯𝗶𝗶𝗰𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗮 𝗖𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝗸𝗲𝗲𝗻𝗼?

Dildillaaca carabka badanaa wax dhib ah ma keeno ee si dabiici ah ayuu ku imaan karaa khaas ahaan hadduu qofka dhaxal u leeyahay, dildillaaca heerka uu gaarsiisan yahay iyo carabka dhinaca uu kaga yaallo iyo haddii ay nabro ama barar la socdaan ama afka uu la buko ayey dhakhaatiirtu ku kala gartaan kan dabiiciga ah iyo midka cudurka uu keeno.


Sidaas awgeed haddii dildilaaca uu la socdo, hambab ama lur, biijo, ama xanuun ama dhaawac ka muuqdo camanka afka gudahiisa waa in aad dhakhtar la xiriirtaa.

Badanaa dildillaca carabka waxaa la arkaa markii la waynaado oo caruurta kuma badna, waxaana badanaa ogaado dhakhtarka ilkaha oo loogu tago check-up oo dadka badanaa kuma baraarugaan.


■𝗠𝗮𝗷𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗾𝗮𝗹𝗱𝗼?

Waxaa kaloo jira xaalad kale oo cilladaan badanaa lagu khaldo taasoo aan jeexjeex carabku ka muuqan, laakiin uu fiiqfiiqan yaha ama hoolan yahay, taasi waxaa loo yaqaanaa "Geogrpahic tongue", waa sidii khariidada oo kale, labada cillad mararka qaar way isla socon karaan, way kala socon karaan.


■𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯 𝘂 𝗮𝗵 𝗰𝗶𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮𝗻?

Cilladda carabka fiiqfiiqan waxa keeno safiican looma oga, laakiin waxyaabo ay xiriir la leedahay ayaa jira sida:

1- Cudurka gaaska iyo laab jeexa, 

2- Fitamiin yarida khaas ahaan nooca "B-ga", hadduu dhakhtarkaagu u maleeyo in fitamiinadaasi ay kugu yaryihin wuxuu kuu qori doonaa fitamiin B complex oo ka kooban dhowrka fitamiin ee lagu daaweeyo dildillaaca carabka, ama cuntooyinka laga helo fitimiinka.

3- Xasaasiyadda afka, waxaa la arkaa markuu qofka cuno waxyaabo uu Allargy ku yahay, markaas carabka ayaa fiiqfiiqmo, xanuun ayaan la dareemaa markii wax dhanaan ama kulul la cuno, laakiin midka jeexjeexan wax xanuun ah lama dareemo.

4- Nadaafad xumada afka iyo caabuqa ilkaha.


■𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼 𝗱𝗮𝘄𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗶𝗹𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝗸𝗮?

Faraha ka qaad hadduusan dhib kugu haynin, waxaa dhici karto inuu sidaas dabiici ku yahay ama aad ka bogsan doontid adigoo daawo qaadanin.

Ku dadaal nadaafadda ilkaha oo carabkane joogto u nadiifi khaas ahaan hadduu dildillaac leeyahay si aysan cunnada u galin

Iska yaree cunnada kulul iyo kuwa dhanaanka siyaadada ah haddii uu carabkaagu u adkaysan karin

Ku dadaal cabidda ama cunista geedka nacnaaca "Spearmint", waxaa la ogaaday inuu dildillaaca carabka iyo xanuunkaba uu yareeyo.

Wixii intaa ka badan fadlan la xiriir dhakhtar talo kaa siiyo cilladaan.

𝗹𝗶𝗸𝗲&𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲 lawadaag walaalaha kale



Abdikadir M. Abdullahi 

Monday, May 30, 2022

Xanuunka Jadeecada ( Measles)

 Xanuunka Jadeecada ( Measles)






........................................................


Sida aynu ka wada warqabno, waxa la soo sheegay in xanuunka jadeecada oo fiditaankiisu aad u fudud yahay lagu arkay meelo ka mid ah dalka.


Jadeecadu waa mid ka mid ah xanuunada sida aadka ah u faafa haddii aan la joojin ama laga hortagin sida lagu yaqaanno jadeecadu waxay caan ku tahay calaamado ay ka mid yihiin Xumad, finan yar yar oo ka soo yaca oogada sare jidhka iyo astaamo kale oo muujinaya inuu caabuq ka jiro hab dhiska neefsashada sida qufaca iyo kuwo kale , jadeecadu waxay badanaa samaysaa ama ku dhacdaa caruurta gaar ahaan kuwa da’doodu ka yar tahay 5 sano ,ilaa iyo wakhtigana looma hayo dawo rasmi ah oo lagu daweeyo xanuunkan .


Jadeecada waxa sababa nooc ka mid ah ili ma aragtayda ama jeemiska virus oo loo yaqaano Paramoxyvirus (morbilivirus) kaaso badanaa laga adamaha waxa laga yaaba shaqsiyaadka uu sameeyo xanuunkani inay noqdaan kuwo bilaa calamado ah 


Sidee ayay ku gudubtaa jadeecadu ?

.............................................................


Xanuunkani waxa uu ku gudbaa xidhiidh toos ah oo dhex mara qofka qaba xanuunka iyo kuwa cafimaadka qaba amaba qoyaanada ka imanaya sanka sida duufka iyo afka sida candhuufta , sidoo kale waxa laysugu gudbin karaa neefta ama hawada 

Yaa u nugul xanuunkan ?

Sida la wada og yahay hooyadu wakhtiga uurka waxay ilmaheeda ugu gudbisaa madheerta antibodies ka ilaaliya u nuglaanshaha xanuunkan , sidoo kale canaha naaska hooyadu waxay ka difaacan ilmaha xanuunkan bilaha hore noloshiisa , difaacyadaa uu ka helo ilmuhu hooyadii wakhtiga uurka iyo wakhtiga jaqida naasku waxay u baaban ayar ayar bilba bisha ka dambaysa ilaa meesha ay ka baxaan marka ilmuhu gaadho da’da 5-12 bilood laga soo bilaabo da’dan ilmaha yari waxa uu u nuglaada inay ku dhacdo jadeecadu.

Sidoo kale waxa iyana u nugul xanuunkan caruurta da’doodu ka yar tahay 5 jirka ilaa 3 jirka ee aan qadan talaalka jadeecada  ayuu dhibaato ku haya

Sida aynu wada ognahay taniyo maalintii la gartey xanuunkan waxa keena loona magac bixiyey lana aqoonsaday dhibaatadiisa ilaa iyo maanta xanuunkani waxa uu yahay mid dhibaatadiisu tagaan tahay wana dhibaatooyinka cafimaadka bulshada kuwa ugu badan gaar ahaan wadamada talaladoodu hooseyaan siiba sida wadamo badan oo Africa iyo Asia .


Sanadii 2010 hayada cafimaadka adduunku waxay daaha ka rogtay 181 wadan laga soo sheegay in ka badan 254,0000 oo case oo jadeeco marka loo eego heerarka cabirka iyo janisyada xanuunkan ilaa wakhti xadirkan WHO way wada qiimeynta iyo ka war helida cases cusub

Sidee loo badha ama loo ogaada xanuunka


Marka ugu horeysa waxaa aad xanuunkan ku baadhi kartaa wareysi iyo qiimeynta aad ku aragto isbedelada jidheed ama finan ee ka soo baxay oogada jidhka si aad u xaqiijo in xanuun ku yahay kaad u malaynaysana waxaad u diri kartaa shaybaadh iyadoo la badhayo IGMantibody oo ah kan ugu xasaasisan ee lagu arki karo xanuun dhaliyaha sidoo kale waxa laga baadhi karaa 

-dhiiga qofka 

 - suuf lagaga soo qaado afka candhuufta ka dibna la baadho

Daweynta xanuunka 

Sidaynu soo sheegnay xanuunkani ma leh daaweyn lakiin se waxa uu leeyahay talaal ka hortag ah oo la soo sarey sanadii 1960 kii talalkaasi oo laga sameyey ili ma aragtay nool oo virus ah.


Talaalka u caansan ee maanta la isticmala waa ka laga soo dheegtay Edmonston strain ee jeermis dhaliya jadeecada , sidoo kale waxa iyana jira talaalo kale oo laga soo dheegtay jadecada sida CAM-70, TD-97 iyo kuwo kale , badanaa lama hayo wax cadaana oo ay ku kala duwan yihiin talaladani sida la falgalka jidhka iyo dhibatada ay keeni karaan labadaba.

Talaalkani waxa uu ka kooban yahay maadoyinka ay ka mid yihiin ( Sorbitol or Hydrolized gelatine) iyo xadi yar oo ah madada loo yaqano Neomycin ilaa hadana taladada laguma hayo wax jidhkeenu diiday.

Sidee loo qaata talaalka qiyaas intee leeg ba se la qaata

Caruurta da’doodu ka yar tahay 2 jirka waxa la siiya 0.5ml per dose adiga oo ka siinaya Muruqa gaar ahaan deltoid muscle si anteriolatal ee bawdada.

Caruurta da’doodu tahay 2 jirka ama ka weyn tahay waxaad siinaysa iyagana 0.5 ml per dose adiga oo ka siinaya SC dhinaca gacanta.

Yaan qadan karin talaalka ama uu dhibaato ku keeni karaa

 Qofkastoo alerji ku leh madooyinkan talaalku ka samaysan yahay

 Dadka difaacoodu aadka u hooseeyo

 Kuwa la nool xanuunka HIV/AIDS mujiyeyna calamada xanuunka difaacoduna ka hooseyo 25%

 Kuwa qaba kansarka ku dhaca dhiiga sida leukemia 

 Iyo kuwa qaata dawooyinka difaac xadida sida corticosteriods , dawooyinka kansarka 

 Sidoo kale waxa iyaguna aan talaalkan la siin karin caruurta nafaqo daradu hayso iyo hooyada uurka leh iyadoo oo uu dhibaato cafimaad soo gaadhsiin karo hoyada iyo uurjiifka kuna sababi karo inay hooyadu dhiciso ilmaha

Jadwalka Talaalka 

Qadashada koowaad Primary Vaccination

Wadamada faafida xanuunkani aadka u sareeyo waxa loo bilaaba talaalka caruurta markay da’doodu tahay 9 bilood .

Wadamada kale ee faafida xanuunku ay yar tahayna waxa caruurtooda talaalka loo bilaaba 12-15 bilood markay da’doodu mareyso

Sidoo kale wadamada ay halistoodu sareyso waxa caruurtooda talaalka loo bilaaba ka hor 9 biloode u horeya noloshooda talaalka u horeeyana waxay qataan markay da’doodu tahay 6 bilood halka dose labaadna ay ka qaataan markay gadhaan 9 bilood

Sidoo kale xaladaha qaar waxa dhacda ugu yaraan  waa in 4 week  ilmuhu qaato laba jeer talaalka xaladahaasna waxa ka mid ah :- 

 Meel jadeecadu ku badan tahay ama deegan ku tahay

 Caruurta qaxoontiga ah ama barakacayasha ah

 Caruurta hooyadadood la nooshahay xanuunka HIV/AIDS

 Caruurta nafaqo daradu hayso

 Qadashada Labaad

Qadashada labaad iyada waxa la bixiyaa marka la wado ololaha dabagalka iyo cidhib tirka xanuunka caruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 5 sano mararka qaarna da’du way ka weynaanaysa 5 jirka iyadoo ay ku xidhan tahay saf marka xanuunkan

Sidoo kale qadashada labaad waxa lagu dari karaa jadwalka talalada ee calamiga ah gaar ahaan caruurta da’doodu tahay 15-18 bilood

Xeeladaha Talaalka

Guud ahaan qorshaha bixinta talaalkan waxa lagu soo kooba saddex nooc oo kala aha

Fixed site : talaal joogto ah mar walbana laga heli karo goobaha bixinta cafimaadka isagu wuxuu daboolaha keliya 5 km masafo dhul ahaaned

Outreach site : sidoo kale waa joogto lakiin se waxa loogu talo galay inuu daboolo baxad dhul ahaan oo dhan 5-15 waxana laga helaa goobaha cafimaadka 

Mobile team: kuwani waa kooxana wareega guud ahaan dalka magaaloyinka iyo goboladaba 

Olalaha bixinta talaalka jadeecada

Waa olole looga gol leeyahay in mudo gaaban lagu talaalo dad badan iyadoo la sameynayo meelo badanoo laga helayo talaalka ama kooxo wareegaya kambaynka waxa ka hawlgala dad badan , gadiid badan waxana aad u muhiim ah isku xidhka hawlaha waxanu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah

Cathch up campaing : ololahan waxa looga gol leeyahay in lagu bixiyo qadashada labaad ee talaalka jadeecada gaar ahaan caruurtaan talalada qadan waxana la sameeyan 2 ilaa 4 sanoba mar wana qayb ka mid ah talaalka guud ee calamiga ah ee jadeecada

Outbreak response campaing: isaga ujeedada looga dan leeyahay waa in laga hor tago inuu xanuunkani faafo lana xadido waxana la talala dadka halista ugu jira qadista cudurkan

Sidee loo Joojiya faafida xanuunka jadeecada

Keliya ka hortag ma noqon karo talaalka jadeecadu keligii se waxa lagu daraa si loo joojiyo loona dabar jaro xanuunka talaalo kale , talaalka jadeecada ujeedadiisa u weyn waa in ln hoos loo dhigo silica , darxumada iyo dhimashada xanuunkani sababo.

Guud ahaan qorshaha dabar jarka xanuunkani waxa loo qaybiyaa afar qaybood oo kala ah:

 In la hagaajiyo lana hubiyo daweynta

 In la kordhiyo wareega talalada iyadoo la raacayo talaal bixinta koowaad lana daboolayo 90% caruurta ka yar 1 sano la talaalo

 Iyo in la xoojiyo talaal bixinta labaad iyadoo la raacayo habka qabashada iyo ka war haynta xanuunka waxana la beegsada ka yar ama ka badan 95% caruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 15 sano

 Tan u dambaysana waa in la kordhiyo ilaalinta xanuunka iyo ka warheyntiisaba wana ta aynu u bahanay manta dal ahaan inaynu xooga saarno helnana xog dhab ah oo ku sabsan heerka xanuunka ee dalka

Dabar goynta xanuunka

Baabiinta xanuunkani waa mid muhiim ah waxana loo qorsheyey duniduna isla garatay in la joojiyo wareega ama socodka ili ma aragtayda keena xanuunkan lana gaadhsiiyo talaalka dhul aad u baladhan qaarad ka qaarad.

Si loo tirtiro xanuunka waxa hawlqabadka talaalka la raaciya talabooyinkan

 Hubinta kaysaskii ka dawoobay xanuunka iyadoo la siinayo Vitamin A joogto ah

 In la ilaaliyo lagana war hayo cida lagu tuhmayo xanuunka iyadoo loo adeegsanayo shaybaadho iyo daweyn haddii ay cadaato

 In la hubiyo lana dhamaystiro bixinta talaalka koowad iyadoo la hubinayo in la gadhsiiyey talaalka caruur ka badan ama ka yar 95%

 Iyo in la qaybiyo bixinta talaalka marxaladiisa labaad iyadoo ujeedadu tahay in talaalka la gadhsiiyo caruurtiiii aan ka koowaad qaadan

 Ujeedada u weyn ee laga leeyahay taladadan iyo talooyinkaniba waa in si dhamaystiran looga cidhibtiro guud ahaan dunida xanuun dhaliyahan sababa jadeecada.

.................................................................



Abdikadir M. Abdullahi 

Friday, May 20, 2022

Dabeecada Af-gaabnimada (introverts).

 Dabeecada Af-gaabnimada (introverts)





Dabeecadda loo yaqaanno "af-gaabnimada", afka qalaadne lagu dhaho "Introversion", waa dabeecad ka mid ah dabeecadaha ilaahay ku abuuray bini'aadanka, laakiin dad badan aysan aqoon u lahayn fahmidda iyo la dhaqanka dadka leh dabeecadaan


Si loo fahmo dabciyada dadka kala duwan waxaa muhiim in ah la fahmo qaabka ay u fakaraan dadkaas ama maskaxdooda u shaqeyso, haddii aad fahantid qaabka ay u fakaraan, dabciyadooda waad fahmi kartaa. dadkaan loo yaqaano "introverts", markay wax la kulmaan isla markiiba maskaxda go'aan ma qaadato, waa in waxaas ay maqleen ama ay arkeen la marsiiyo qeybta xasuusta maskaxda, kadibne la marsiiyo qeybta qorsheynta maskaxda, kadib ayuu qofka fal-celiyaa. Inksatoo dadka lidkooda ah aysan intaas marin oo wixii la waydiiyo ama ay la kulmaan ay isla markiiba ka fal-celiyaan. sidaa darteed farqiga labadaan qof u dhaxeeyo waxaad ka fahmi kartaa jawaabahooda. qofka afka-gaaban ma hadal badno, wuuna ka fiirsadaa intuusan hadlin, haday xasuustiisa soo qabato wax la xiriira hadalka lagu yiri ama wuxuu arkay, wuxuu fal-celintiisa ku saleeyaa xasuustaas, kadibne qaabka ugu haboon oo isagu isleeyahay uga jawaab ayay maskaxda uga jawaabtaa. sidaa darteed mar walba jawaabta uu bixinayo isku mid maahan. waana sababta ay u neceb yihiin in su'aal lagu kadiyo iyo in la ogaado qaabka ay u fakarayaan, taleefannada horay ugama qabtaan illaa inay ogyihiin sababta aad u soo wacayso mooyee, waxayne ka doorbidaan inay qoraal kugula soo xiriiraan maadaama ay helayaan waqti ay ku fakari karaan. haddii aadan ka war haynin dabcigooda waad dhibsanaysaa iyaguna way ku dhibsan karaan inkastoo markaad talo ka heshid aad la yaabaysid xikmada ku dheehan talooyinkooda illeen waa wax maanta dhan laga soo fakarayay oo meelo badan laga eegay.

Waxaa intaa sii dheer in fakarkaas iyo falaanqayntaas ay u baahan tahay meel aan buuq lahayn oo dagan, waana sababta keentay inay ka helaan kalinnimada, aadne u neceb yihiin buuqa iyo fagaaraha bulshadu isugu timaado, hadii lagu qasbane inay tagaan xafladaha waxay la soo laabtaan diiqad iyo madax xanuun.


Waxayna xiiseeyaan howlaha badanaa la qabto markii kali layahay sida qorista, far-shaxanka, naqshad dajinta, injineernimada, wax-allifidda IWM, sidaa awgeed dadka howlahaas ku takhassusay badankood waa dad dabcigaan af-gaabnimada leh, sababtoo ah markay kali yihiin ayuu wax soo saarkoodu badan yahay, markay shaqo ku jirin waxay xiiseeyaan wax akhriska, wax daawashada, isticmaalka computer-ka, xiriirka internetka, xoolo raaca iyo kalluumaysiga.


Si aad u ogaatid qaabka ugu haboon ee dadkaan kula dhaqmi kartid, waa inaad iska ilaalisaa khaladaadka badanaa bulshadu ka aaminsan tahay sida:


In aad si dhakhso isku barataan oo kuu furfurmo oo kalsooni timaado waqti ayay qaadataa, laakiin markaad kalsooni ka hesho dadka dabcigaan leh, si fiican ayaa la isku fahmaa, wayna kuu hagar baxaan, laakiin haddii aad kalsoonidaas ku ciyaartid waxaa laga yaabaa in xiriirka kuu jaraan oo aadan dib dambo kuula hadlin, wayna ku adag tahay in mar kale ay ku aaminaan.


Waxaa kaloo dabcigaa lagu qaldaa xishoodka, laakiin kalinnimada ayay xiiseeyaan kaliya, wayna ka fogaadaan meelaha bulshadu ku badantahay, laakiin qofka xishoodka badan wuu ka cabsadaa bulshada iyo isu-soo-baxa, meel fagaare ahne kama hadli karo, laakiin dadka afka-gaaban way ka hadli karaan meel la wada joogo laakiin waa inay ku soo tala galeen oo ay ka soo baaraandageen, hadalkooduna ma badno, in hadalka ka dibne su'aalo la waydiiyo ma jeclo.


Waxaa kaloo dabcigaan lagu qaldaa niyad jabka iyo murugada, dadka afka-gaaban ma ahan dad niyad jabsan, inkastoo ay u muuqdaan dad xanaaqsan maadaama aysan hadal badnayn, fara-ka-ciyaarka iyo faduulintane ay aad u neceb yihiin laakiin haddii aad isku kalsoon tihiin way kaa qoslisiin karaan, wayna shactireeyaan.


Waxaa kaloo dabcigaan lagu qaldaa isla-waynida, sababtoo ah maadaama ay neceb yihiin hadalka badan, booqoshada kadiska ah, ay xiiseeyaan la sheekaysiga dadka waawayn iyo ka baaqashada martiqaadka in loo arko inay kibir badan yihiin oo ay dadka iskala wayn yihiin taasina waa qalad badanaa lagu dhaco.


Waxaa kaloo dadkaan loo maleeyaa inay fahmad yaryihiin markay shaqo ama waxbarasho ku cusub yihiin, sababtuna waa culeys dhinaca la qabsashada ah, laakiin markay la qabsadaan aad ayay ugu fiican yihiin shaqooyinkooda, waana dad si dhakhso ah loo dallacsiiyo, dadka ay u shaqeeyaan way ka helaan dadka noocaan ah maadaama wax shaqada ka baxsan aysan iskugu imaanayn.


Waxaa kaloo dadkaan lagu qaldaa inay yihiin dad maahsan, maadaama ay yihiin dad ku dheereeya fakarka iyo khayaalka, badanaa gees ayay uga baxaan dadka ay ku dhex jiraan, tusaale ahaan hadday gaari soo raacaan ma jeclo inay kuraasta dhexe fariistaan, dhinacyada ayay jecel yihiin weliba hadday daaqad ku aadan tahay ama kursiga hore ee shirka.


Waxaa kaloo dadkaan loo maleeyaa inay caajis badan yihiin, sababtoo ah markay dad la joogaan ma lahan firfircooni muuqdo, oo maskaxda ayay aad uga shaqaysiiyaan.


Waxaa kaloo dadkaan lagu qaldaa inay yihiin dad aan jeclayn mutadawacnimada ama hogaaminta, taasina waa khalad kale, sababtoo ah ma jecla inay isa soo sharraxaan ama soo muuqdaan, lagama yaabo haddii su'aal la waydiiyo inay dhakhso farta taagaan illaa in iyaga farta lagu fiiqo mooyee, haddii howl u baahan hogaamin loo xilsaaro, way ku fiican yihiin inay dadka isku wadaan, go'aamadoodane aysan badanaa ku soo laaban.


Waxaa kaloo dadkaan lagu tilmaamaa dulqaad la'aan, sababtoo ah waxay neceb yihiin wax sugidda, waxayna jacel yihiin wax walba waqtigii ay filayeen inay ku helaan, tusaale: haddii aad la balantid oo aad ku soo daahdid aad ayay u dhibsadaan. laakiin howlaha ay hayaan iyo wixii dhibaato ah ee soo wajaha way u dulqaadan karaan.


Waxaa kaloo dadkaan lagu tilmaamaa xag-jirnimo, qallafsanaan iyo ad-adayg, sababtoo ah ma jecla dadkaan inay xafladaha tagaan, sawaxanka iyo muusikada, balwadda, fadhi-ku-dirirka, siyaasadda iyo ka qeyb galkeeda, sidaa darteed waxaa loogu yeeraa magacyo ay ka mid yihiin "suufi" IWM.


Faa'idada la saaxiibka dadka dabcigaan leh:


Waxaad ka heli kartaa talooyin wax ku ool ah khaasatan markaad rabtid in aad gaartid go'aan kugu adag, sababtoo ah waa dad ku dheereeyo falaanqaynta maadaama wax walba ay sameynayaan ay jecel yihiin inay ka fakaraan ayne sii qorsheeyaan iyagoo si dhakhso u dareemi karo waxyaabo badanaa aan kuu muuqan sida dhaqanka qofka iyo xaaladda aad ku dhaqaaqi rabtid.


Siday u neceb yihiin in loogu xad gudbo, lagama yaabo inay ku dulmiyaan ama wajiga kuu badalaan ama dabci aadan ku aqoon inay kuula soo baxaan.


Haddii aad kalsooni isku qabtaan, waa dad aan sirta faafin maadaama ay iyagu aysan jeclayn in sirtoodu la ogaado, xitaa qorshahooda mustaqbalka in laga hordhaco oo la ogaado ma jeclo.


Waa dad waqti kuu heli karo, haday shaqo aadaan ama iskuul aadan markay howshoodu soo dhameystaan lagama yaabo in meel aan guriga ahayn ku leexdaan illaa inay dan qasab ah ku soo baxdo mooyee.


Waa dad aan buuqa jeclayn iyo is-qabqabsiga, waxayna ka doorbidaan inay ka aamusaan. haddii adigane aad sidaa tahay waad isdabci keenaysaan.


Qiimo uma yeelaan waxa dadka kale ay ka aaminsan yihiin iyaguna kama helaan falaanqeynta dabciyada dadka kale, muuqaalka iyo labiska dadka kale, waxaa muhiim u ah siday iyagu isku arkaan ama ku faraxsan yihiin, tusaale ahaan: dharka ay xiranayaan kama fiiriyaan dhaldhalaalka iyo soo jiidashada dadka kale waxay ka fiiriyaan inay iyagu ku faraxsan yihiin, raaxane ku dareemayaan.


Haddii aad isku dhacdaan lagama yaabo inuu kula tirsado, haddii ay dood idin dhex marto oo aad kala ra'yi duwanaataan lagama yaabo inuu ku caayo ama kugu xadgudbo.


Waa dad jecel inay ku dhagaystaan, wayna xiiseeyaan in aad u sheekeysid, haddii dhibaato ay ku haysato waa dad ay haboon tahay in aad la sheekaysatid sababtoo ah way ku dhagaysanayaan, talane waad ka helaysaa, hadalkaagane badanaa lama wadaagi doonaan qof kale.


Waxay isku taxallujiyaan inay isku filnaadaan, ma jeclo inay culeys saaraan dadka kale, hadday xanuunsadaan ma sheegsheegaan xanuunkooda, waxay aaminsan yihiin inay wax kasta xallisan karaan, marka haddii aad tahay qof neceb calaacalka iyo wax waydiinta, lagama yaabo dadka dabeecadahaan leh in aad isku dhacdaan.


Waa dad saaxiibadood iyagu doorto ee aan la dooran, aadne u jecel inay helaan dad fahansan dabcigooda


Waa dad si sahlan looga farxin karo, uma baahnid in aad is dhibtid si aad uga farxisid, uma baahnid in aad maqaayad geysid ama hotel, waxaa ku filan inaad usoo hadiyaysid buug xiiso leh ama meel cidla ah inaad wada fadhiisataan oo aad sheekaysatiin.


Waa dad neceb isku dirka, beenta, xanta iyo inay dadka u kala war qaadaan, sidaa darteed inay ku xantaan lagama yaabo illaa inuu leeyahay saaxiib khaas ah oo isagoo kale mooyee, waxyaabaha ugu muhiimsan ay saaxiibka ku doortaan waa inuusan beenlow ahayn ama isdabaris aqoonin, haddii ay intaas kugu arkaan waxay dareemayaan in aanan lagugu kalsoonaan karin, go'aan hoosane kaa qaataan iyagoo aan kuu sheegin.


Saas ay tahayne waxay jecel yihiin inay nolosha la wadaagaan qof furfuran oo bulsho ah, laakiin dabcigooda fahmi karo (hadday labadaas qof is helaan way dhib badan tahay in la kala dhex galo), dadkuna way la yaabaan oo waxay yiraahdaan "maxaa labadaan isku keenay?" "Sideese isku fahmeen?".


Qoraalkaan wuxuu khuseeyaa dadka isku arkay dabeecadahaan oo idil, haddii aad isku aragtay qeyb ka mid ah dabeecadaha, waxaad galaysaa kooxda loo yaqaano "ambiverts", haddii aad leedahay dabeecadahaan lidkooda ama qoraalkaan aad dhibsatay waxaad galaysaa kooxda "Extroverts".


Gaba-gabo:


Bin'aadanku isku dabci maahan, Alle ayaane sidaan u kala duway laakiin waxaa muhiim ah in aad aqoon u leedahay dabcigaaga iyo dabciga asxaabtaada iyo sida aad ula dhaqmi lahayd adigoo aan la imaan wax xadgudb ah. 


Waa laga yaabaa dabeecadaha halkaan ku xusan in dadka qaar ay dhibsadaan, laakiin ogow adigane dabci kale ayaad leedahay oo in aad isfahantid, laguna fahmo ayaad u baahan tahay, hadafku waa wada noolaansho ixtiraam ku dhisan.


@ Introvert Power


Abdikadir M. Abdullahi 

Monday, March 21, 2022

Sleeping With Even A Small Amount Of Light May Harm Your Health, Study Says.

 Sleeping With Even A Small Amount Of Light May Harm Your Health, Study Says






Sleeping with even a small amount of light may harm your health, study says

Heart rate typically drops at night, slowing down as the the brain is busy repairing and rejuvenating the body. An elevated heart rate at night has been shown in numerous studies to be a risk factor for future heart disease and early death.




Sleeping for only one night with a dim light, such as a TV set with the sound off, raised the blood sugar and heart rate of healthy young people participating in a sleep lab experiment, a new study found.

The dim light entered the eyelids and disrupted sleep despite the fact that participants slept with their eyes closed, said study author Dr. Phyllis Zee, director of the Center for Circadian and Sleep Medicine at Northwestern University Feinberg School of Medicine.


Heart rate typically drops at night, slowing down as the the brain is busy repairing and rejuvenating the body. An elevated heart rate at night has been shown in numerous studies to be a risk factor for future heart disease and early death.


High blood sugar levels are a sign of insulin resistance, where the body stops using glucose properly and the pancreas goes into overdrive, flooding the body with extra insulin to overcompensate until it eventually loses its ability to do so. Over time, insulin resistance can ultimately lead to Type 2 diabetes.


Sleeping with eyes closed


Prior research has shown an association between artificial light at night and weight gain and obesity, disruptions in metabolic function, insulin secretion and the development of diabetes, and cardiovascular risk factors.


"Why would sleeping with your lights on affect your metabolism? Could that explain why there is a higher prevalence of diabetes or obesity (in society)?" Zee asked.


Zee and her team took 20 healthy people in their 20s and had them spend two nights in a sleep lab. The first night was spent in a darkened room where "you wouldn't be able to see much, if anything, when your eyes were open," Zee said.


All of the study participants were connected to devices monitoring a number of objective measures of sleep quality. So data could be gathered with minimal interference, they slept with an IV with long tubes that snake across the room and through a hole to the researcher's side of the lab. The blood was drawn without ever touching the slumbering participants.


"We recorded the brainwaves and could tell what sleep stage the person was in," Zee said. "We recorded their breathing, their heart rate, their EKG, and we also drew blood from them to measure melatonin levels while they were sleeping." Melatonin is a hormone that regulates the body's circadian rhythm, or sleep and wake body clock.


A randomized portion of the group repeated that same light level for a second night in the lab, while another group slept with a dim overhead light with a glow roughly equivalent to "a very, very dark, cloudy day or street lights coming in through a window," Zee said.


"Now these people were asleep with their eyelids closed," she explained. "In the literature the estimation is that about 5% to 10% of the light in the environment would actually get through the closed lid to the eye, so this is really not a lot of light."


Yet even that tiny amount of light created a deficit of slow wave and rapid eye movement sleep, the stages of slumber in which most cellular renewal occurs, Zee said.


In addition, heart rate was higher, insulin resistance rose, and the sympathetic (fight or flight) and parasympathetic (rest and relax) nervous systems were unbalanced, which has been linked to higher blood pressure in healthy people.


The light was not bright enough, however, to lower levels of melatonin in the body, Zee added. The study was published Monday in the journal of the Proceedings of the National Academy of Sciences.


What to do?


What advice would Zee give people based on her study and existing research in the field? Close your blinds and curtains, turn off all the lights, and consider using a sleep mask.


"I think the strength of the evidence is that you should clearly pay attention to the light in your bedroom," she said. "Make sure that you start dimming your lights at least an hour or two before you go to bed to prepare your environment for sleep."


If you buy only one weighted blanket, make it Bearaby's Cotton Napper (CNN Underscored))


If you buy only one weighted blanket, make it Bearaby's Cotton Napper (CNN Underscored))


Check your bedroom for sources of light that are not necessary, she added. If a night light is needed, keep it dim and at floor level, "so that it's more reflected rather than right next to your eye or bed level," she suggested.


Also be aware of the type of light you have in your bedroom, she added, and ban any lights in the blue spectrum, such as those emitted by electronic devices like televisions, smartphones, tablets and laptops.


"Blue light is the most stimulating type of light," Zee said. "If you have to have a light on for safety reasons change the color. You want to choose lights that have more reddish or brownish tones."


LED lights can be purchased in any color, including red and brownish tones.



Friday, March 18, 2022

Waxaan maanta ka hadlaynaa cashar muhiim u ah haweenka kaasoo ku saabsan mawduuc fikrad buuxda aan laga haysan, taasoo keenta mararka qaar inay ka faa'idaystaan qowleysatada caafimaad si ay uga beec mushtaraan daawooyinkooda iyagoona welwel iyo isku-buuq ku fura haweenka.

 #Bismillah,


Waxaan maanta ka hadlaynaa cashar muhiim u ah haweenka kaasoo ku saabsan mawduuc fikrad buuxda aan laga haysan, taasoo keenta mararka qaar inay ka faa'idaystaan qowleysatada caafimaad si ay uga beec mushtaraan daawooyinkooda iyagoona welwel iyo isku-buuq ku fura haweenka.




Haweenka wuxuu Alle ku abuuray ugxamo ku keydsan ugxan sidaha, ugxamahaas hadafkoodu waa in la bacrimiyo xilliga uurka, sidaasne ay haweentu uur ku qaaddo.


Ogow ugxan cusub ma samaysanto!:

Haweenku way ku dhashaan tiradii ugxanta ee Alle ugu talagalay, haweenku awood uma lahan inuu jirkoodu sameeyo ugxan cusub, mana jirto daawo kordhinaysa tirakoobka ugxanta ee Alle ku abuuray dumarka, waxaa lagu qiyaasaa in ugxansidaha ay ku jiraan 1 ama 2 milyan oo ugxan, wixii markaa ka dambeeyo illaa ay haweentu ka dhalmo dayso, ugxanteedu way sii yaraataa. inta ay ka qaangaarayso gabadhu, bil walba wuxuu Alle ugu talagalay inay wayso 11,000 oo ugxan, waana arrin ay haweentu ka wada siman yihiin. Markay gabadhu qaangaarto waxaa u hara qiyaas ahaan 300,000 oo ugxan.


300 illaa 400 ugxan kaliya ayuu ugxan sidaha soo dayn karaa oo bacrismi kara ama caado isku badali kara inta ay haweentu nooshahay, kullamaa da'da haweentu ay sii kororto, ugxantu way sii yaraataa, markay ugxantu dhamaato, haweentu waxay gashaa xilliga dhalmodayska inkastoo haweenku ay ku kala hormari karaan.


 


Tirada ugxanta ee ku keydsan ugxansidaha waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Ovarian Reserve" ama "Keydka Ugxanta", waxaana jiro baaritaanno kala duwan oo lagu ogaan karo tirada iyo tayada ugxanta maadaama ay jiraan cudurro dhowr ah oo hoos u dhigi kara tirada iyo tayada ugxanta markii laga reebo da'da sida aan hoos ku faahfaahin doonno.


#Sidee_ayuu_ugxan-sidaha u shaqeeyaa?


Ugxansiduhu wuxuu muhiim u yahay soo saarista ama soo tuurista ugxanta si loo bacrimiyo, xaaladaas oo loo yaqaano "Ovulation", haddii ugxantaas la soo daayay ay fursad u hesho in la kulanto shahwada ragga way bacrisantaa, halkaasne uur ayaa ka dhasho, haddii ay taasi suura gali wayso, caado ayay isku badashaa.


Habdhiska taranka haweenka waxaa xakameeyo hormoonno dhowr ah oo qaarkood laga soo daayo maskaxda, qaarka kalane laga soo daayo ugxansidaha, hormoonadaas oo la isku daray waxay sameeyaan waxa loo yaqaano "meertada taranka" ama waxa loo yaqaano "reproductive cycle" maadaama ay haweentu marto marxalado taran oo kala duwan bil walba.


Meertada taranka wuxuu qaataa 24 illaa 35 maalmood, waqtigaas gudihiisa ayay ku qaangaartaa ugxanta oo ay diyaar u noqotaa in la bacrimiyo.


Illaa 5 hormoon ayaa xakameeyo meertada taranka haweenka waxaana loo kala yaqaanaa "GnRH, FSH, LH, Estrogen iyo Progesterone" sadaxda kore waxaa laga soo daayaa qanjir maskaxda ku yaallo, labada hoosane waxaa laga soo daayaa ugxansidaha laftirkiisa.


5-taas hormoon way isla shaqeeyaan, marna kuwaa kacsan, marne kuwaa hooseeya, waxayna ku xiran tahay marxalada ay haweentu kaga sugan tahay meertada taranka ee bishaas. marka hadduu khalkhal ka dhaco isu-dheelli tirka hormoonadaan waxaa dhaca in caadadu ay wareerto ama haweentu ay uur yeelan wayso, waana sababaha ugu weyn ee haweenku u raadsadaan talo dhakhtar.


Sidee loo baaraa tirada ama tayada keedka ugxanta?


4 baaritaan ayaa lagu ogaan karaa arintaas oo kala ah:

Hormoonka FSH: waa hormoonka u qaabilsan kobcinta ugxanta, waa baaritaan laga baaro dhiigga, haddii baaritaanka uu sheego in hormoonka uu aad u kacsan yahay oo uu dhaafay heerkii loogu tala galalay waxay tilmaan u tahay in ugxansidaha uu si daciif ah u shaqeynayo, hormoonkane sidaa u batay si uu uga shaqeysiiyo, xaaladahaan oo kale haweentu waxay u baahan tahay daawo kobciso ugxan sidaha si ugxantu diyaar ugu noqoto in la bacrimin karo. baaritaankaan shaqo kuma laha tirada ugxantaada ee tayada ugxanta ayaa looga qiyaas qaadan karaa, waana baaritaan shaybaarrada dalka ka jiro laga wada heli karo.

Hormoonka Estrogen: wuxuu ka mid yahay 5-tii hormoon ee shaqada ku lahaa ugxanta, wuxuu qaabilsan yahay xakameynta caafimaadka ugxanta ku jira ugxansidaha, hadduu hormoonkaan uu dhaafsiisan yahay heerkii loogu talagalay isagane wuxuu tilmaan u noqon karaa in ugxantu tiradeedu ay yaraatay ama tayadeedu ay hooseyso, laakiin maahan baaritaan lagu tirin karo keydka ugxan-sidahaaga, waana baaritaan laga heli karo shaybaarrada dalka ka jira.

Hormoonka AMH: Waa hormoon aanan ka tirsanayn 5-tii hormoon ee aan kor ku soo tilmaannay, waxaana magaciisa laga soo gaabiyay "Anti-Müllerian Hormone", waana baaritaanka ugu fiican ee maanta dunida ka jiro taasoo lagu qiyaasi karo tirada keydka ugxanta ee haweenka ku hartay laakiin maahan baaritaan sheybaar kasta laga helo, dalkane ma yaallo, waxaa kaloo baaritaankaan lagu ogaan karaa in haweentu ay gashay xilligii dhalmodeyska ama ay uur qaadi karto, midda kale baaritaankaan wuxuu wataa qiyaas la isla yaqaanno oo laga rabo inaysan ka yaraan ugxanta iyadoo da' walba loo fiirinayo, haddii tirada da'daada loogu tala galay ay ka yaraato inta baaritaanka uu soo sheegay waxaad u baahan kartaa in gacan lagu rimiyo ugxanta oo aadan si dabiici ah uurka u qaadi karin inuu si kale Alle idmo mooyee.

Kumbuyuutarka hoosta laga geliyo dumarka ee loo yaqaano "Vaginal Ultrasound": Kumbuyuutarkaan markii hoosta laga geliyo dumarka wuxuu awood u leeyahay inuu gaaro minka iyo ugxansidaha, waxaana lagu arki karaa tirada ugxanta kobcisan, taasoo qiyaas ahaan la arki 10 illaa 20 ugxan, haddii tiradu intaas ka yaraato, waxay tilmaan u noqon kartaa in tirakoobka ugxantaadu ay yar tahay ama yaraanayso khaasatan haddii aad ka cabanaysid uur-qaadis la'aan, baaritaankaan markii sidaan loo sameynayo waxaa loo yaqaano "Baaritaanka AFC", lagana soo gaabiyay "Antral Follicle Count". Ogow kumbuyuutar caloosha korkeeda lagaa saaro laguma ogaan karo tirada ugxantaada, waana arrin ay dadka badankood fahansanayn.


Yaa baaritaannadaan akhrin karo ama tala ka bixin karo?

Waa muhiim in aad la kulantaa dhakhtar ku takhassusay cudurrada haweenka si uu baaritaannadaan kuugu diro, talane kaaga siiyo, sababtoo ah baaritaannadaan xilliyada la dirayo iyo in go'aan lagu dhisi karo waxay ku xiran tahay in qofka kaa baarayo aqoon u leeyahay, laakiin waxaa dhibaato ah in baaritaannadaan uu kuu diro qof aan aqoon u lahayn, jawaabta soo baxdane aan talo haboon kaa siin karin, waana dhibka ugu badan ee haweenka qaar heysto, tusaale ahaan baaritaannada kor aan ku soo xusay markii laga reebo kan ugu hooseeyo ee "AFC" waxaa la sameeyaa xilliga caadada ay haweentu ku jirto khaasatan maalinta 3-aad, maalmaha kale haddii lagaa qaado, jawaabta warbixin badan laguma dhisi karo khaasatan haddii aad baaraysid awoodda tarankaaga "Fertility Testing".


#Gunaanud


Waxaan filayaa akhrintaan dheer kadib inaad fikrad kooban ka haysatid baaritaannada lagu baaro keydka ugxanta dumarka tiro ahaan iyo tayo ahaan labaduba, laakiin ogow inay jiraan baaritaanno kale oo lagu ogaado cilladaha keeni karo inaad uur qaadi waysid ama isku aragtid dilan joogto ah ama soo laalaabto.


Cilladaha kale ee ugu badan ee uur la'aanta keeno waxaa ka mid ah tubooyinka oo xirma oo iyadane nasiib xumo aan loo baarin qaabka saxda ah ee loogu talagaley io sababo bdn oo kale


Alle wuxuu na faray dadaal intii karaankeenna ah inaad raadinno talo iyo baaris wixii aad caafimaad ku heli kartid.

Tuesday, March 15, 2022

Adequacy of Antiviral Agents against the SARS-CoV-2 Omicron Subvariant BA.2

 Adequacy of Antiviral Agents against the SARS-CoV-2 Omicron Subvariant BA.2



TO THE EDITOR:

The omicron (B.1.1.529) variation of extreme intense respiratory condition Covid 2 (SARS-CoV-2), which is answerable for Covid illness 2019 (Covid-19), has spread quickly all over the planet and has proactively turned into the overwhelming variation coursing in numerous nations. As of February 2022, omicron variations have been isolated into four unmistakable sublineages: BA.1, BA.1.1, BA.2, and BA.3.1 Most circling omicron variations have a place with sublineage BA.1; nonetheless, in Denmark, India, and the Philippines, the sublineage BA.2 is presently becoming dominant.2


As contrasted and the Wuhan/Hu-1/2019 reference strain, the sublineage BA.2 of the omicron variation has 16 amino corrosive replacements in the receptor-restricting space of the spike (S) protein of SARS-CoV-2,2 which is the essential objective for monoclonal counter acting agent based treatment. The BA.2 and BA.1 variations share 12 of these 16 replacements; notwithstanding, BA.2 has four replacements in the receptor-restricting area (i.e., S371F, T376A, D405N, and R408S) that contrast from those in BA.1. These discoveries recommend that there might be contrasts in the viability of monoclonal antibodies against these different omicron sublineages.


Appropriately, we analyzed the killing capacity of restorative monoclonal antibodies that have been endorsed by the Food and Drug Administration, separately and in blend, against the omicron BA.2 subvariant hCoV-19/Japan/UT-NCD1288-2N/2022 (omicron/BA.2; NCD1288), which was disengaged from an in explorer Japan from India. Entire genome sequencing examination of the NCD1288 infection stock affirmed that it had the 16 replacements that are normal for the omicron variation in the receptor-restricting area of the S protein, as contrasted and the Wuhan/Hu-1/2019 reference strain (Table S1 in the Supplementary Appendix, accessible with the full text of this letter at NEJM.org).




Adequacy of Monoclonal Antibodies and Antiviral Drugs against the Omicron/BA.2 Subvariant in Vitro.

A live-infection center decrease balance test (FRNT) showed that both LY-CoV016 (advertised as etesevimab) and LY-CoV555 (showcased as bamlanivimab), separately and in blend, lost killing movement against omicron/BA.2 (NCD1288) (Table 1). These discoveries are like our past discoveries with omicron/BA.1 (hCoV-19/Japan/NC928-2N/2021; NC928)3 and omicron/BA.1.1 (hCoV-19/Japan/NC929-1N/2021; NC929).4 BA.1.1, a subvariant of BA.1, has the R346K transformation in the S protein (Table S2). Nonetheless, REGN10987 (promoted as imdevimab), which was recently displayed to lose killing movement against omicron/BA.1 (NC928) and omicron/BA.1.1 (NC929),3,4 had killing action against omicron/BA.2 (NCD1288).


What's more, the blend of REGN10987 and REGN10933 (advertised as casirivimab) additionally hindered omicron/BA.2 however didn't restrain omicron/BA.1 or omicron/BA.1.1. Be that as it may, the FRNT50 (the titer of monoclonal antibodies expected for a half decrease in the quantity of irresistible foci) worth of this blend treatment was higher by a component of 43.0 to 143.6 for omicron/BA.2 than for a genealogical strain - SARS-CoV-2/UT-NC002-1T/Human/2020/Tokyo (NC002) - and different variations of concern (i.e., the alpha [B.1.1.7], beta [B.1.351], gamma [P.1], and delta [B.1.617.2] variations).


REGN10933, COV2-2196 (advertised as tixagevimab), and COV2-2130 (promoted as cilgavimab) killed omicron/BA.2. The COV2-2196-COV2-2130 blend repressed omicron/BA.2 with a low FRNT50 esteem (14.48 ng per milliliter); be that as it may, the FRNT50 upsides of this mix were higher by an element of 1.4 to 8.1 for omicron/BA.2 than for the hereditary strain and different variations of concern.


S309 (the antecedent of sotrovimab), which has been displayed to have lower killing action against omicron/BA.1 and omicron/BA.1.1 than against the familial strain and different variations of concern,3,4 had even less killing movement against omicron/BA.2 in our review. The FRNT50 worth of this monoclonal counter acting agent was higher by a component of 12.2 to 49.7 for omicron/BA.2 than for the tribal strain and different variations of concern.


The susceptibilities of omicron/BA.2 (NCD1288) to remdesivir, molnupiravir, and nirmatrelvir were like those of the familial strain and different variations of concern (i.e., half inhibitory fixation values for these three specialists that contrasted by variables of 2.5 to 4.5, 0.7 to 1.6, and 1.5 to 3.3, separately) (Table 1).3 Clinical investigations are justified to decide if these antiviral treatments are without a doubt successful against omicron/BA.2 contaminations. Our information show that a few restorative monoclonal antibodies (REGN10987-REGN10933, COV2-2196-COV2-2130, and S309) have lower killing action against omicron/BA.2 than against prior variation strains.


This letter was distributed on March 9, 2022, at NEJM.org.


Drs. Takashita, Kinoshita, and Yamayoshi contributed similarly to this letter.

Wednesday, March 9, 2022

Caalamadaha Aad ku garan karto khaatumada wanaagsan waxaa ka mid ah.

 Caalamadaha Aad ku garan karto khaatumada wanaagsan waxaa ka mid ah.





Calamada 1aad, ; Qofka muslimka ah in Uu geeriyoodo isagoo dhabanada ka dhididayo Rasuulka csw waxa uu yiri: 

[موت المؤمن بعرق الجبين].


Calamada 2aad, ; Qofka in Uu ruux baxo habeen jumca ah ama maalin jumca ah Rasuulka csw waxa uu yiri; "Qof muslim ah majiro Oo geeriyoda maalin jumca ah ama habeen jumca ah hadduu jiro ilaahey waxa uu ka bad baadiya cadaabul qabri

[ ما من مسلم يموت يوم الجمعة او ليلة

 الجمعة الا وقاه الله من فتنة القبر].


Calamada 3aad, ; Kalmada towxiidka in Uu ku dhawaaqo ka hor inta uusan geeriyoonin.

Rasuulka csw waxa uu yiri 

[من كان ءاخر كلامه من الدنيا لا اله الاالله دخل الجنة].


Calamada 4aad, ; in uu shahiid ahaado shahiidka kaliya ma aha in uu jihaad kaliya ku dhintay Rasuulka csw ayaa yiri qofka gubtay qofka biyo ku maashooday qofka daacuun u dhintay qof naftiisa iyo sharafkiisa difaacaya Oo sidaa ku dhintay, dhamaan waa shuhado.

 

Calamada 5aad, ; in Uu geeriyooda qofka isagoo salaad ku jira ama isagoo Sooman ama muxaadaro diini ah U socda.


Rasuulka csw ayaa yiri markuu alla qofka kheyr la doona qalbigiisa ayuu dhaahiriyaa geeridiisa ka hor " zaxaabadii ayaaa ku yiri rasuulkii allow waa maxay qalbi daahirinta..?

Rasuulka csw waxa uu ugu jawaabay ; camal wanagsan ayuu alla qofka ku il haaminaa ilaa uu ruuxda ka qabto.


Markaad dhameyso aqriska waxaad qortaa ducadaan si qalbi wanag ah 

 (اللهم أرزقني حسن الخاتمة) ءامين

Dadka kaa danbeeya la wadaag si ay uga faa,ideystan.


SUBAX WANAAGSAN SAAXIBIYAAL 🌹. 


Khaatumada Alle hanoo hagaajiyo.

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...