𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮 𝗰𝗶𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯 𝗱𝗶𝗹 𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗰𝗮?
Isbadallada ku dhaco carabka waxay qofka ku keeni kartaa welwel hadii uusan fikir buuxa ka haysan waxa ay tahay.
Carabka wuxuu ka mid yahay meelaha jirka ugu muhiimsan ee ay dhakhaatiirtu warbixin ka raadiyaan hadii uu qofka uu xanuunsan yahay maadaama cudurro badan ay carabka astaamo gooni ah oo lagu garto u yeelaan.
sidaas awgeed waxa ugu badan ee dadka ka sheegtaan waa cillada carab dildillaaca ma cara jeexjeexa ama waxa dhakhaatiirta qaar u yaqaanaa "carab qooreedka = Scrotal tongue oo macnahiisu laga wado in carabka uu u ekaado sidii qooraha oo kale.
Dildillaaca carabka da' kasta way ku dhici kartaa laakiin waxay ku badan tahay ragga khaas ahaan wixii xilliga qaangaarka ka dambeeyo.
■𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗶 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗯𝗶𝗶𝗰𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗮 𝗖𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝗸𝗲𝗲𝗻𝗼?
Dildillaaca carabka badanaa wax dhib ah ma keeno ee si dabiici ah ayuu ku imaan karaa khaas ahaan hadduu qofka dhaxal u leeyahay, dildillaaca heerka uu gaarsiisan yahay iyo carabka dhinaca uu kaga yaallo iyo haddii ay nabro ama barar la socdaan ama afka uu la buko ayey dhakhaatiirtu ku kala gartaan kan dabiiciga ah iyo midka cudurka uu keeno.
Sidaas awgeed haddii dildilaaca uu la socdo, hambab ama lur, biijo, ama xanuun ama dhaawac ka muuqdo camanka afka gudahiisa waa in aad dhakhtar la xiriirtaa.
Badanaa dildillaca carabka waxaa la arkaa markii la waynaado oo caruurta kuma badna, waxaana badanaa ogaado dhakhtarka ilkaha oo loogu tago check-up oo dadka badanaa kuma baraarugaan.
■𝗠𝗮𝗷𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗾𝗮𝗹𝗱𝗼?
Waxaa kaloo jira xaalad kale oo cilladaan badanaa lagu khaldo taasoo aan jeexjeex carabku ka muuqan, laakiin uu fiiqfiiqan yaha ama hoolan yahay, taasi waxaa loo yaqaanaa "Geogrpahic tongue", waa sidii khariidada oo kale, labada cillad mararka qaar way isla socon karaan, way kala socon karaan.
■𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯 𝘂 𝗮𝗵 𝗰𝗶𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮𝗻?
Cilladda carabka fiiqfiiqan waxa keeno safiican looma oga, laakiin waxyaabo ay xiriir la leedahay ayaa jira sida:
1- Cudurka gaaska iyo laab jeexa,
2- Fitamiin yarida khaas ahaan nooca "B-ga", hadduu dhakhtarkaagu u maleeyo in fitamiinadaasi ay kugu yaryihin wuxuu kuu qori doonaa fitamiin B complex oo ka kooban dhowrka fitamiin ee lagu daaweeyo dildillaaca carabka, ama cuntooyinka laga helo fitimiinka.
3- Xasaasiyadda afka, waxaa la arkaa markuu qofka cuno waxyaabo uu Allargy ku yahay, markaas carabka ayaa fiiqfiiqmo, xanuun ayaan la dareemaa markii wax dhanaan ama kulul la cuno, laakiin midka jeexjeexan wax xanuun ah lama dareemo.
4- Nadaafad xumada afka iyo caabuqa ilkaha.
■𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼 𝗱𝗮𝘄𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗶𝗹𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝗸𝗮?
Faraha ka qaad hadduusan dhib kugu haynin, waxaa dhici karto inuu sidaas dabiici ku yahay ama aad ka bogsan doontid adigoo daawo qaadanin.
Ku dadaal nadaafadda ilkaha oo carabkane joogto u nadiifi khaas ahaan hadduu dildillaac leeyahay si aysan cunnada u galin
Iska yaree cunnada kulul iyo kuwa dhanaanka siyaadada ah haddii uu carabkaagu u adkaysan karin
Ku dadaal cabidda ama cunista geedka nacnaaca "Spearmint", waxaa la ogaaday inuu dildillaaca carabka iyo xanuunkaba uu yareeyo.
Wixii intaa ka badan fadlan la xiriir dhakhtar talo kaa siiyo cilladaan.
𝗹𝗶𝗸𝗲&𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲 lawadaag walaalaha kale
Abdikadir M. Abdullahi
Waa macluumaad wngsn Dr
ReplyDelete