Monday, February 1, 2021

Waxyaabaha Sababa Kacsi La’aanta Ragga!

 Waxyaabaha Sababa Kacsi La’aanta Ragga!




Kacsi la’aanta kutimaada ragga waxaa loo yaqaanaa Erectile dysfunction, xaaladaan waxay timaadaa marka ninka uu heli waayo kacsi amaba uusan xaji karin kacsi ku haboon galmo, xaaladaan ma ahan mid caadi ah iney dhacdo xataa ninka hadu jiro da’ yar am mid weyn, weyna ka duwan tahay xaaladaha kale ee cilad ku keena galmada, sida damac la’aanta galmada, ama ciladaha saameeya biya bixida raga.


Ma wax caadi ah baa iney cilad ku timaado kacsiga ninka ragga?

Xaaladaan ayaa si joogta ah ugu dhacda 5 boqolkiiba ragga jira 50 sano, 15 ilaa 20 boqolkiiba waxay ku dhacdaa ragga jira 65 sano iyo ka badan. Laakin ragga oo dhan waxay dareemaan kacsi la’aan xili yar soo ifbaxda mararka qaar, laakin waa kacsi la’aan jirta mudda gaaban, waxaana sababa daal badan, wal wal badan iyo cabidda khamriga.



 

Kacsi la’aan ka yar 20 boqolkiiba uma baahna wax daawa ah inta badan, hasayeeshee hadii ay ka badato 50 boqolkiiba waxay tilmaameysaa iney jirto xaalad caafimaad oo ubaahan in wax laga qabto.


Sababaha kacsi la’aanta

Si ninka ragga ah uu uhelo kacsi ku haboon galmada waxaa loo baahan yahay:


In dareemayaasha guska ay si wanaagsan ushaqeynayaan

In dhiig ku filan uu gaaro wareega dhiiga ee guska

In xididada dhiiga ay kuhayn karaan dhiig gudada guska

In ay jirto dareen kacsi ee ka yimaado maskaxda

Hadii ay jirto wax fara gelin ku sameyn kara qodobadaas, ninka ragga ah ma heli karo kacsi buuxa oo ku haboon galmo.


Xaaladaha caanka ah ee sababo kacsi la’aanta waxaa ka mid ah cudurada saameyn ku yeelan kara qulqulka dhiiga sida:


Xididada dhiiga oo xirma

Cudurada neerfaha

Xaaldo nafsi ah sida walwalka, walwalka shaqada (xishoodlow)

Dhaawac soo gaara guska,

Cudurada joogtada ah, waxaa kaloo sababi kara kacsi la’aanta sidoo kale daawooyinka qaar.


Maxaan sameeyaa hadii aan qabo ciladaas ama aan xajin karin kacsiga?

Hadii aad isaga shakisid in aad qabtid ciladaas latasho dhaqtar, dhaqaatiirta waxay sameynayaan baritaano badan si loo ogaado waxa sababaayo ciladaada, mar hadii ay ogaadaana waxaa jiro daawooyin loogu talagalay xaaladaha kala duwan.


Laakin waxaa jira waxyaaba aad ubaahan tahay adiga inaad la socodotid waxaana ka mid ah:


Dareenka ah inaad sameysid galmo wuxuu ka soo bilaawdaa maskaxda ee kama bilaawdo guska

Hadii maskax ay ku mashquul santahay iney xaliso caqabada kale, ma ahan mid suurta gal ah iney ku fikirto galmo

Hadii aad dareentid inaad kacsiga aad gabtay oo aad ka walwashid, waxaa kugu adkaaneysa inaad kacsatid

Hadii shaqada aad qabatid ay tahay mid walwal badan leh waxay maskaxda ka mashquuleysaa amrida kacsiga

Hadii aadan cunin cunno isku dheeli tiran ama aadan cabin biyo kugu filan, jirka waxaa ku adkaaneysa inuu biyo soo saaro

Midda ugu muhiim san ayaa ah inaad ogaatid iney caadi tahay in mararka qaar uu kacsiga lumo, umana baahna inaad ka sii fikirtid ama aad isku walwalisid.


XIGASHO: Daryeel magazine. 


Abdikadir M. Abdullahi 

Friday, January 29, 2021

๐—š๐—ฎ๐—ฑ๐—ด๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ด๐—ฎ (๐—ฅ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฎ).

 ๐—š๐—ฎ๐—ฑ๐—ด๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ด๐—ฎ (๐—ฅ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฎ)


Xanuunkaan waa mid kamid ah xanuunada kudhaca maqaarka gaar ahaan wajiga waxaana loo ya qanaa (Rosacea)


□ .๐—ฅ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฎ: 


Waa Xanuun ku dhaca maqaarka kore ee Wajiga kaas oo laga dareemo wajiga hore, hareeraha indhaha, Sanka, iyo Dhabanada xanuunkan waxa uu soo maraa afar marxaladood oo kala duwan. Waxa ayna yihiin.


(A) ๐—˜๐—ฟ๐˜†๐˜๐—ต๐—ฒ๐—บ๐—ฎ๐˜๐—ผ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ด๐—ถ๐—ฒ๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ฐ๐˜๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ฐ ๐—ฟ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฎ:


Waa marka uu marayo Marxalada dhiiga wajiga ayaana lagu arkaa calaamadaha xididada qaada dhiiga.


(B) ๐—ฃ๐—ฎ๐—ฝ๐˜‚๐—น๐—ผ๐—ฝ๐˜‚๐˜€๐˜๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฟ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฎ: 


Waa marxalad marka uu marayo Barar la dareemo sidoo kale waxa kasoo baxa wajiga finan afka hore ka furan ama sida afka qalaad lagu dhaho ( Acne Breakouts ).


(C) ๐—ฃ๐—ต๐˜†๐—บ๐—ฎ๐˜๐—ผ๐˜‚๐˜€ ๐—ฟ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฎ:


Waa marxalada 3aad waxaana Maqaarka wajiga laga dareama xoogaa adeeg ah marka la taabto.


(D) ๐—ข๐—ฐ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฟ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฎ:


Waa Marxalada 4aad bukaanka indhihiisa ayaa Gaduud noqda ama Casaada, Cun cun ayuuna dareema indhaha ayaa barara xataa mararka qaar waxa kasoo baxa Nabro kuwaas oo ay Somalida y u taqaano ( Abuu tuutu ) oo afka qalaadna lagu dhaho Sty.


La Soco qaybaha kale oo aan uga hadli doono Waxa Sababa Xanuunkan iyo sida looga hortago iyo waliba sida loo daweeyo.


Like Saar pagekan si aad ula socoto Qormooyinkeena soo socda oo muhiimad gaar ah leh.


 Share u dheh walaalahaada, Asxaabtaada si ay uga faa'iideystaan.



Wednesday, January 27, 2021

๐—ฆ๐˜‚๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—บ๐—ผ (๐—ฆ๐˜๐—ฟ๐—ฒ๐˜๐—ฐ๐—ต ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐˜€)

 ๐—ฆ๐˜‚๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—บ๐—ผ (๐—ฆ๐˜๐—ฟ๐—ฒ๐˜๐—ฐ๐—ต ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐˜€)




Sumadda maqaarka oo kala jiidmo waa wax lagu arko maqaarka oo ah xariiqmo barbaryaal, laymankaan wey ku kala duwan yihiin midabka iyo dareenka taabashada, midabkana wuxuu u dhexeeya guduud ama basali, marka aad taabatid na waxaad dareemeysaa in maqaarka intiisa kale ay ka godan tahay.


Sumaddaan waxay inta badan soo baxdaa marka uu dhaco is bedel culeyska jirka ah oo degdeg ah, iyo inta lagu guda jiro uurka ama uurka kadib, laymankaan ma ahan kuwo khatar wata, waana kuwo iskood u baaba’aan.


Sumadda maqaarka oo kala jiidmo waxay kasoo bixi karaan meel kasta oo jirka ka mid ah, laakin waxay caan ku yihiin oo lagu arkaa, caloosha, naasaha, qeybta kore ee gacmaha, iyo dabada.


๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ


Sumadda maqaarka oo kala jiidmay waxay ka dhalataa marka jirka uu u koro in ka badan xowliga uu maqaarka ku kori karo, taasna waxay sababeysaa in ay go’do laastiiga maqaarka, taas oo keenta iney sameysanto sumadda maqaarka oo kala jiirdmay.


Arintaan waxay caantahay waqtiyada qaar sida


• Dumar badan waxaa lasoo dersa sumaddaan xiliga ay uurka leeyihiin, sababtoo ah maqaarka ayaa kala jiidma si boos loogu helo uurjiifka

• Sumaddan waxay soo baxdaa marka qofka uu si degdeg ah u siyaadiyo ama u nusqaamiyo culeyska jirka

• Waxaa jirka cilado qaar oo sababa in sumadda maqaarka oo kala jiidmay ay ufududaato dadka qaar.


๐—ฌ๐—ฎ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€ ๐—จ๐—ด๐˜‚ ๐—๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ


Waxaa halis ugu jira


√ Dumarka

√ Taariikh hore qof u leh

✓ Dumarka uurka leh

✓ Dumarka dhalay dhalaan culculus

Qof cayilan

✓ Qof culeyska si degdeg ah uriday ama u koray

✓ Isticmaalka dawooyinka loo yaqaano kortiko istiiroyd

✓ Dadka qabo ciladaha lagu dhasho ee hiddaha ah.


๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐—œ๐˜€๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ?


Waxaa jira waxyaabo badan iyo nidaamyo kala duwan oo sheegta iney bixin karaan sumadda maqaarka oo kala jiidma, laakin xaqiiqadi ma jirto wax waxtar leh oo la cadeeyay iney bixin karaan ilaa iyo hadda. In kareem la marsado oo la qooyo maqaarka iyo in la cabo biyo badan ayaa la sheegay iney fududeeyaan in ay khafiifiyaan sumaddaan, sidoo kale sumaddaan waa mid mustaqbalka iskeeda u baa ba’do xitaa hadii aan wax daweyn ah lagu sameyn.


 ๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ ๐—จ๐—ด๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ?


Nasiib darro majirto qaab looga hortagi karo sumadda maqaarka oo kala jiidma, xitaa hadii aad si joogta ah u isticmaashid kareemka, hasa yeeshee inaad ku ilaalisid culeyska jirkaaga cabir wanaagsan, iyo cunidda cunno wanaagsan waxay ka hortagi kartaa sumaddaan oo ku soo baxdo is bedelka culeyska jirka.


In kastoo ay caafimaad tahay in qofka uurka leh uu siyaadiyo culeyska jirka, waxaad weydiin kartaa dhaqtarkaaga, cabirka culeyska ee kugu haboon inaad ku dartid jirkaaga


Abdikadir M. Abdullahi 

Sunday, January 24, 2021

Wax ka baro Cuntoooyinka nadiifiya Beerka iyo dhibaatada dufanka badan.

 Wax kabaro Cuntoooyinka nadiifiya Beerka. iyo dhibaatada dufanka badan.






Beerku waxaa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan ee jirkeenna waxaa uu qabtaa howlo badan waxaa ka mid ah in uu burburiyo ama jirka ka saaro sunta soo gasha, waxa uu kaalin mug leh ka qaataa shaqada hab-dhiska difaaca, sidoo kale dufanka dheeraadka ah ayaa uu jirka ka saaraa.

Maadaama ay aad ubateen cunista cuntooyinka dufanka leh, cuntooyinka shiilan iyo cuntooyinka warshadaysan kuwaas oo culays xooggan saaraya beerka marka wasakhda la saarayo taasoo sababaysa in beerka shaqadu ka badato kadibna uu shaqada yareeyo. Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in qofku uu ku dedaalo cuntooyinka beerka ka caawiya inuu si fudud iskaga saaro qashinka.

Hadaba waxaan halkaan kusoo aruurinay cuntooyinka beerka sifeeya waxayna kala yihiin:


1➡️Toonta: toontu waxa ay ka caawisa beerka in uu dar dar geliyo fal dedejiyaha kaas oo saara sunta, labada ugu caansani waxa weeye selenium, iyo allicin. waxa ay difaacdaa waxyaabaha khatarta ku ah beerka.


2➡️Liin Bambeelmada: waxay hodan ku tahay fiitamin C iyo maadada jirka sunta ka saarta ee “antioxidants”. Hal koob oo cabitaanka liin bambeelmada ah wuxuu ku filan yahay in beerka uu ka caawiyo qashin saarka.


3➡️Kaarootada: Cunista kaarootadu waxay hagaajisaa shaqada beerka.


4➡️Shaaha cagaaran: Waxaa ku jira maadada “catechins” oo caan ku ah caawinta beerka iyo qashin saaridda. Akhriso Faaidooyinka Shaaha Cagaaran.


5➡️Avocado: Miraha avocodo da waxay ka mid yihiin cuntooyinka loo yaqaan “Super foods”, waxay leedahay faaidooyin caafimaad oo aan lasoo koobi karin. Avocado-da waxaa ku jira maado loo yaqaano “Glutahione” oo muhiim u ah sun saarista beerka. Akhriso: faaidooyinka avocado-da.


6➡️Tufaaxa: Tufaaxu wuxuu horumariyaa caafimaadka beerka waxaa ku badan maado loo yaqaan “Pectin” oo ka caawisa mindhicirrada in aysan nuugin wixii jirka khatar ku ah.


7➡️Huruuda: Waxay u fiican tahay caafimaadka beerka. waxay caawisaa in beerku iska saaro qashinka.


8➡️Lowska Walnuts: Miraha lowska nooca loo yaqaan Walnuts waxaa ku jira “glutathione” iyo omega-3 Fatty acids oo caawiya nadiifinta beerka.


9➡️Koostada:  Koostadu (spinach)  waxay beerka ka caawisaa soo saarista qarasta beerka uu soo saaro taasoo muhiim u ah qashin saarka iyo dheefshiidka cuntada dufanka leh.


10➡️Kaabashka: kaabashka iyo broccoli-ga waxay ka mid yihiin khudaarta beerka u roon. Kaabashka waxaa kor u qaadaa shaqada waxyaabaha dheecannada burburiya ee loo yaqaan “enzymes” kuwaas oo howshoodu tahay inay qashinka beerka ka saaran.


11➡️Saliida saytuunka: Waxay jirka ka caawisaa sun saarista waxayna u fiican tahay beerka.


12➡️Liin Dhanaan: Liin dhanaanta waxaa ka buuxo fiitamin C oo sunta ka dhiga mid ku milmi karta biyaha taasoo sahlaysa in jirka laga saaro. Cabbista cabitaan liin dhanaan fresh ah aroorta hore waxay dardargelisaa shaqada beerka.


Fadlan Hadii Aad Ka Heshay La Wadaag Asxaabtaada.


MAHADSANID 

Friday, January 22, 2021

Wax badan ka ogaaw afqaleelka iyo waxa sababo.

 Wax badan ka ogaaw afqaleelka

iyo waxa sababo.



.


Afqaleelka waa xaalad taas oo ah in qanjirada  qaabilsan soo saarista dhareerka ama candhufta ee ku yaalo afka aysan soo saarin wax candhuf ah ama ay soo saaraan tiro aad u yar oo candhuf ah .


Afqaleelka inta badan waxa oo ka dhashaaa sameenta xun ee daawoyinka qaar ama waxyaaabo kale oo la xariiro da'da qofka ama waxa oo ka imaan karaaa dawooyinka ama shucaacyada lagu daweeyo kansarada.


sido kale af qaleelka waxa oo ka imaan karaa dhibaato soo gaarto qanjirda soo saaro dhareerka lakiin taas aad ayee u yartahay.


calaamadaha af qaleelka waxaa ka mid ah


1-in aad dareento in afka ku qalalan yahay ama dhag dhag ku noqdo afka.


2-in dhareerka noqdo mid adag ama jiijiidmo.


3-neefta qurunto 


4-dhuunta ku qalasho ama xanuun in aad dareento.


5-carabka qaleel noqdo.


maxaaa sababo af qaleelka

  


qanjirada qaabilsan dhareerka aanan si fiican u shaqeen taas inta badan waxaa sababo.


1-daawooyinka: 


daawooyinka aad u tira badan ayaa waxaa ka dhasho af qaleelka daawooyinkaas waxaa ka mid ah


@ dawooyinka lagu daweeyo niyad jabka.


@kuwa lagu daweyo dhiig karka iyo kuwa kale oo badan.


2-da'da oo siyaado dadka wa wayn ayaa inta badan waxaa lagu arkaa afqaleelka sababtana waxay tahay daawoyin ay isticmaaleen iyo waxyaabo kale oo la xariiro cunada.


3-dawooyinka kansarka lagu daaweyo waxay sababaan afqalelka waxay caqabad ku noqdaร an qanjirda dhareerka so saaro waxayna sababaan af qaleelka.


5-dhaawac soo gaaro neerfayaasha gaar ahaan neerfayaasha ku yaalo madaxa iyo qoorta waxayna sameyaan shaqada qanjirada.


6-tubaakada iyo sigaarka waxay sababaaan af qaleelka.


dhibaatooyinka ka dhalan karo af qaleelka.


1-in la arko cudurada ku dhaco ilkaha iyo ciridka sida suuska iyo wax la mid ah.


2-nabro afka ka soo baxo 


3-faruuryaha dildilaaco.


4-nafaqada xumaato sababtana waxay tahay qofka waxaa dhib ku noqoneso ruugida iyo laqista cunada.


sidee looga hortagaaa af qaleelka.


1-cab biyo badan adigoo kabanaayo biyaha maalinki wadar jeer.


2-waxaa wanaagsan in aad ruugto xanjada si qanjirada u shaqeeyaan.


3-ka fogaaw qamriga.


4-ha isticmaalin sigaarka iyo tubaakada 


5-waxaa wanaagsan in aad nadiifiso ilkaha cunada ka dib.


Abdikadir M. Abdullahi 


share dheh walaal

Sunday, January 17, 2021

๐—ž๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ.

 ๐—ž๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ


Kaankarada maqaarku wuxuu aad ugu badan yahay wadamada horumaray.

Jirkaaga caadi ayey u tahay inuu unugyada duugga ah ku beddelo kuwo cusub. Mararka qaarkood unugyada maqaarku way bataan iyadoo aan loo baahan kuwo cusub ka dibna kansar ayaa yimaada.


๐—›๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ


Kansarka waxaad halis ugu jirtaa haddii:

Wakhti badan qorraxda/cadceeda isu dhigtid.

Qoys kansarka maqaarka ku dhaco aad ka dhalatay.

Leedahay noocyo gaar ah ama tiro badan oo burooyin ah.

Leedahay maqaar gubta ama baro madow qorraxda aad ka qaaddo.

Leedahay maqaar cad (dadka maqaarkoodu madaw yahay wuu ku yaryahay xanuunkaan).


๐—ฅ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ ๐˜๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ:


Ka fogow inaad qorraxda joogto laga billaabo 10 subaxnimo ilaa 4 galabnimo.

Xiro dhar sida koofi, shaati gacmo dheer iyo surwaal si aad isaga celiso fallaaraha qorraxda.

Isticmaal qorrax celiye leh difaac qorrax (SPF).


Baro inaad aqoonsato waxa uu kansarka maqaarku u eg yahay.


Maqaarkaaga bil kasta eeg. Wixii isbeddello ah takhtarkaaga u soo sheeg.

Haddii aad halis ku jirto, takhtarka ku takhasusay maqaarka ee loo yaqaanno "dermatologist" u tag sanad kasta si uu kaaga baaro maqaarka.


Waxaa jira 3 nooc oo waaweyn oo kansar maqaar ah:

Kansarka Unugyada Aasaasiga ah ( Basal Cell Carcinoma (BCC):

Kan ayaa ah nooca ugu badan. Kansarkaan wuxuu ku koraa unugyada asalka ah ee lakabka ugu hooseeya ee maqaarka. 


Noocaan wuxuu u koraa si tartiib tartiib ah isla markaana waa dhif inuu ku faafo qaybaha kale ee jirka, laakiin daaweyn wakhti hore ah ayaa loo baahan yahay. 

Noocaan wuxuu ka soo muuqdaa maqaarka loo bandhigay qorraxda sida wejiga, dhegaha, madaxa, iyo jirka qaybtiisa kore. Iska fiiri:

- Buruqyo ama wax soo koraya oo ifaya ama dhalaalaya


Meel xanuun leh oo bogsata oo haddana dib u soo furanta

- Wax aayar kor u soo koraya, oo casaan ah

- Dhibco maqaar oo lur leh, oo guduudan

- Dillaac dheeh ama midab leh.


Squamous Cell Carcinoma (SCC):


Kansarkaan wuxuu ku koraa unugyada squamous ee lakabka sare ee maqaarka. Noocaan waxaa laga

heli karaa meel kasta marka lagu daro gudaha afka iyo cowrada.

Daaweyn waqti hore ah qaado si looga hortago faafidda kansarkaan. Iska fiiri dhibic qolof leh oo maqaarka kaaga sameysanta oo badanaa salka dhibic guduudan ku leh.


Melanoma:


Noocaan wuxuu ka billowdaa unugyada maqaarka ee maqaarka midabka u yeela. Melanoma wuxuu unugyada iyo xubnaha

kale ugu faafi karaa si deg-deg ah. Xaddiga ka bogsashadu wuu sarreeyaa marka waqti hore la daaweeyo. Iska fiiri isbeddello ku yimaada burooyinka ama burooyin cusub halkaasoo:

- Burada kala barkeedu uusan barka kale u dhigmin.

- Cirifyada buradu ma sinna ama way kala sarreeyaan.

- Midabku isku mid ma ahan isagoo leh in ka badan hal har ama midab.

- Cabbirku wuu ka weyn yahay goommaha qalin rasaaska ama wax sidaas ah oo cabbirka iska beddelaa ma jiraan.

- Waxaa jira isbeddello sida laga dareemayo ah. Waxaa laga yaabaa iney ku cun-cunto, engegto, soo kuusanto, bararto ama xanuuneyso.


๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ?


Daaweyntu waxay ku lug leedahay in maqaarka laga gooyo nudaha looga shakiyey kansar maqaar. Taas waxaa lagu sameynayaa xafiiska takhtarka ama isbitaalka. Nudaha waxaa loo diraa shaybaar si looga baaro unugyo kansar. Tan waxaa loo yaqaannaa dheecaan unug ka soo qaadid (biopsy).

Badanaa, daaweyn kale looma baahna. Kansarka maqaarka waxaa kale oo lagu daaweyn karaa daaweynta shucaaca iyo kiimiko.  (SomaliDog)



Abdikadir M.  Abdullahi 



Friday, January 15, 2021

๐—ง๐—ถ๐—บ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ.

 ๐—ง๐—ถ๐—บ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ,




Timuhu waxay ka sameysan yihiin nooc borotiin ah oo loo yaqaan keratin kaasoo laga soo daayo daldalooda yar yar ee timuhu kasoo baxaan. 

Marka daldalooladan yaryar ay soo saaraan unugyo cusub oo timo ah, kuwii hore banaanka ayaa loo saarayaa si kuwa cusub boos loogu helo.


Madaxa qofka wayn  wuxuu leeyahay ugu yaraan 100,000-150,000 waxaana maalin kasta dhunta ilaa 100 kamid ah timahaas. Koritaanka timaha ee qofku wuxuu lee yahay isbadal joogto ah oo kuxidhan da’da qofka, xanuun, iyo qodobo kale.


Noocyada isbadalka timaha.


๐—”๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—ป: 

waa nooc timuhu si firfircooni ah u korayaan wuxuuna koriinkaas soconayaa 2-6 sano


๐—–๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—ป๐—ฎ:

koriin kumeel gaar ah oo soconayaa 2-3 isbuuc


๐—ง๐—ฒ๐—น๐—ผ๐—ด๐—ฒ๐—ป: 

waa nooc nasasho ah oo wax isbdal ah dhacayn balse dhamaadka noocaan dhamaan timihii hore waxaa badalaya kuwo cusub.


Noocyada tima daadashada.


๐—œ๐—ป๐˜ƒ๐—ผ๐—น๐—น๐˜‚๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—”๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ: 


Xaalad dabiici ah taasoo timuhu si tartiib ah u khafiifayaan marka dadku duqoobaan.

Heerka koritaanka timaha ayaa yaraanaya timaha madaxa ku yaalana way yaraanayaan wayna gaagaabanayaan.


๐—”๐—ป๐—ฑ๐—ฟ๐—ผ๐—ด๐—ฒ๐—ป๐—ถ๐—ฐ ๐—”๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ: 


Xaalad la iska dhaxli karo taasoo ragga iyo dumarkaba ku dhacda. Xaalada noocan oo kale ah markay ragga asiibto waxaa loo yaqaan bidaar rageed (male pattern baldness), waxayna raga ku dhacdaa ayagoo yaryar qiyaas ahaan 20 sano jirada.


Calaamadaha lagu yaqaan waxaa kamid ah qaybta kore ee wajiga iyo dhakada sare madaxa oo timuhu ka yaraadaan. Sidoo kale dumarkana way ku dhacdaan xaaladan (female pattern baldness) balse dumarku isbdal wayn ma dareemaan ilaa ay ka gaaraan da’da 40 jirka ama kadib.

Dumarku markay da’daan gaaraan waxaa ka daata timaha dhakada sare ee madaxa oo dhan.


๐—”๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ ๐—”๐—ฟ๐—ฒ๐—ฎ๐˜๐—ฎ:


 Xaalad si lama filaan ku bilaabata, waxayna sababtaa in timuhu si teelteel ah uga daataan madaxa, badanaa waxay xaaladan asiibtaa caruurta iyo dhalinyarada. 

Xaaladan waxay sababi kartaa timaha oo gabi ahaanba daata balse 90 boqolkiiba dadka ay ku dhacdo timuhu dib ayay ugu soo baxaan dhawr sano kadib.


๐—”๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ ๐—จ๐—ป๐—ถ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€: 


Xaalad qariib ah, waxayna sababtaa in timaha jirka oo dhan ay daataan sida suuniyaha, timaha bisqinta ama shicrada iyo timaha baalasha indhaha.


๐—ฆ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐—ด ๐—”๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ: 


Xaalad khatar ah oo timuhu si joogto ah u daadanayaan waxaana sababa caabuq ku yimaada maqaarka iyo noocyo kale oo caabuq ah sida dhaawac soo gaara maqaarka oo sababa in unugyada timaha sameeyaa ay awoodi waayaan in ay timaha dib usoo saaraan.


๐™ˆ๐™–๐™ญ๐™–๐™– ๐™จ๐™–๐™—๐™–๐™—๐™– ๐™ฉ๐™ž๐™ข๐™– ๐™™๐™–๐™–๐™™๐™–๐™จ๐™๐™–๐™™๐™–?


Khuburada caafimaadku ilaa hada ma cadayn sabbata dhabta ah ee ka danbaysa tima daadashada balse waxaa jira qodobo badan oo loo sababayn karo timaha oo daata.


Cadadka dhecaanka hormoonka androgens oo kordha wuxuu sababaa bidaarta ragga.

Dhaxaal ahaan waa la iskugu gudbin karaa tima daadashada.

Dawooyinka qaarkood way sababaan tima daadashada sida kuwa loo isticmaalo dawaynta cudurka kansarka  sidoo kale dawooyinka lagu yareeyo cadaaadiska dhiiga way sababi karaan sida dawooyinka lagu yareeyo dhlmada ayaguna way sababi karaan.


Gubashada, dhaawaca iyo raajadabu waxay sababi karaan in si kumeel gaar ah timuhu u daataan.

Habka difaacs jirku wuxuu ka qayb qaadan karaa tima daadashada waliba wuxuu sababaa nooca loo yaqaan alopecia areata.

Isqurxinta badan way kaqayb qaadataa daadashada timaha. Shaamabada oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo, iyo noocyada kale ee timaha lagu qurxiyo waxay qayb wayn ka qaataan tima daadashada hadii si xawli ah loo isticmaalo.

Waxaa jira xaalado caafimaad oo keeni kara tima daadashada sida, nafaqa daradada, xanuunada taroodhka, cuntada oo si khaldan loo cuno, somkorowga, dhiig yari. Dhamaan xaaladahaas iyo kuwo kaloo badan waa kuwo keeni kara tima daadashada balse maahan khasab inay keenaan.


Abdikadir M. Abdullahi 

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...