TB da laf- dhabarka ( POTT’s DISEASE )
Waa maxay Qaaxadu ama TB du ?
Qaaxada oo inta badan loo yaqaano TB waa cudur faafa. Waxa sababa nuuc kamida bacteria da loona yaqaan Mycobacterium Tuberclouses , badana waxay ku dhacda sanbabaha lkn waxay gaarta ama ay saamaysa meela badan( extra-pulmonary ) oo ay kamid tahay laf dhabarta oo aan si gooni ah uga hadli doono
Ku dhowaad 1/3 dadka adduunka ku nool waxay la bukaan qaaxada. Ku dhowaad 8 milyan oo qof ayaan sanadkiiba qaada qaaxada, sanadkiina waxaa u dhinta in ku dhow 2 milyan. Dalka Turkiga ku dhowaad 25,000 ayaa sanadkiiba qaada cudurkaas in kale oo ku dhow 1,000 ayaa u dhinta cudurkaan
#TB_da_laf_dhabarta ( POTT’S DISEASE )
Tiibishada lafdhabarta waa xanuun ku badan dhulka soomaalida, waa xanuun qofka naafayn karo laakiinse la daawayn karo haddii waqti hore la ogaado.
Badanaa jeermiska qaaxada keeno wuxuu ka tagaa sambabada isagoo raacayo qulqulka dhiigga, kadibne wuxuu ku faafaa meelaha dhaw dhaw sida lafdhabarta halkaas oo uu ku tarmo, muddo kadib wuxuu baab'iyaa carjawda "disc"-ka u dhaxeeyo ricirrada lafdhabarta, kadib lafdhabartii ayaa isku soo dunto ( Pott’s disease )
Haddii aan xanuunkaan laga gaarin,
lafdhabarta isku soo duntay waxay dhaawici kartaa neerfaha xangullaha, taasoo keeni karto inuu qofka ka naafoobo qeybta hoose ee jirka, kaadida iyo saxaradane uu xakamayn kari waayo.
Badana xanunka TB da laf dhabarta ( Potts disease ) sahal laguma ogaado oo waxa lagu baraaruga mar dhaawac ay gaarsiisay cinjirkii iyo laftii dhabarkaba waliba qaybta hoose ee LUMBERka
Cudurkaan TB da lafaha hadii aan la dawayn ugu danbayn wuxu sababi karaa laf dhabartii oo dhumisa qaab dhismeedki sida ( GASAR ama Tuur oo kale qofku inuu yesh )
Iyo walibain gabi ahaanba uu noqdo paralyse
#ASTAAMAHA TB da laf- dhabarka ( POTT’s DISEASE )
Waa maxay Qaaxadu ama TB du ?
Qaaxada oo inta badan loo yaqaano TB waa cudur faafa. Waxa sababa nuuc kamida bacteria da loona yaqaan Mycobacterium Tuberclouses , badana waxay ku dhacda sanbabaha lkn waxay gaarta ama ay saamaysa meela badan( extra-pulmonary ) oo ay kamid tahay laf dhabarta oo aan si gooni ah uga hadli doono
Ku dhowaad 1/3 dadka adduunka ku nool waxay la bukaan qaaxada. Ku dhowaad 8 milyan oo qof ayaan sanadkiiba qaada qaaxada, sanadkiina waxaa u dhinta in ku dhow 2 milyan. Dalka Turkiga ku dhowaad 25,000 ayaa sanadkiiba qaada cudurkaas in kale oo ku dhow 1,000 ayaa u dhinta cudurkaan
TB_da_laf_dhabarta ( POTT’S DISEASE )
Tiibishada lafdhabarta waa xanuun ku badan dhulka soomaalida, waa xanuun qofka naafayn karo laakiinse la daawayn karo haddii waqti hore la ogaado.
Badanaa jeermiska qaaxada keeno wuxuu ka tagaa sambabada isagoo raacayo qulqulka dhiigga, kadibne wuxuu ku faafaa meelaha dhaw dhaw sida lafdhabarta halkaas oo uu ku tarmo, muddo kadib wuxuu baab'iyaa carjawda "disc"-ka u dhaxeeyo ricirrada lafdhabarta, kadib lafdhabartii ayaa isku soo dunto ( Pott’s disease )
Haddii aan xanuunkaan laga gaarin,
lafdhabarta isku soo duntay waxay dhaawici kartaa neerfaha xangullaha, taasoo keeni karto inuu qofka ka naafoobo qeybta hoose ee jirka, kaadida iyo saxaradane uu xakamayn kari waayo.
Badana xanunka TB da laf dhabarta ( Potts disease ) sahal laguma ogaado oo waxa lagu baraaruga mar dhaawac ay gaarsiisay cinjirkii iyo laftii dhabarkaba waliba qaybta hoose ee LUMBERka
Cudurkaan TB da lafaha hadii aan la dawayn ugu danbayn wuxu sababi karaa laf dhabartii oo dhumisa qaab dhismeedki sida ( GASAR ama Tuur oo kale qofku inuu yesh )
Iyo walibain gabi ahaanba uu noqdo paralyse
ASTAAMAHA TB da lafaha
Astaamaha hore waxay kala mid tahay TB da caadiga, Tusaala ahan qof ka ayaa lakulmi kara miisankisa oo yaraada , dhidid habeenkii ah , tabar-daro , qandho marna timada marna tagta iyo dhabar xanuun
Astamaha aya isku badali kara ugu danbayn kuwa u qaasa TB da lafaa sida , dhabar xanuun , qofka oo dhinac u qaloocda , istaaga o ku dhiba , caabuq dhabarka ku dhasha iyo malax ( psoas abcess ), dareenka lugaha oo xumaada , kabaabyo iyo xanuun lugaha ah
DAAWAYNTA :
Waxa alle mahadiis ah in xanuunkan hadii xili hore laga gaaro dawayntiisa ay ku filantahay daawoyinka TB da ( ant TB drugs ) oo manta helidoodu ay fududahay ,waxaa macqul ah in ay ka waqti dheerato dawa qaadashadu TB da sanbabaha oo 6 ilaa 9 bilood ah , lkn sanad ayay gaari karta qadasha dawada TB da marka qofka laga dawaynaayo TB da lafaha.
Qore: Dr-Abdinur Garcadde
Abdikadir M. Abdullahi