Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.
Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.
1. timirtu waxay aad u caawsa dheefshiidka jidhka waxaanay yaraysaa calool istaaga(constipation).
2. timirtu waxay hoos yaraysaa caabuqa jidhka ku dhaca maadaamo ay ku jirto maado la dhaho (magniisum)
3. waxay faaido u tahay inay yarayso cadaadiska dhiiga
4. Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada "Fluoride"
5. Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa
Vitamin C .
6.Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah
waxa ku jirta Maadada "Fluoride"
7. Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.
8. Waxay daawaysaa Dhiig la'aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2.
9. Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A
10. Waxay daawaysaa Appetite la'aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.
Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido.
waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso.
waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno.
Saturday, May 16, 2020
Wednesday, May 13, 2020
Waa maxay cilmiga 'Chiropractic care' ?
Waa maxay cilmiga 'Chiropractic care' ?
Chiropracticcare wuxuu diiradda saaraa ciladaha ku yimaada habdhiska lafaha iyo muruqyada ( masculoskeletal system) iyo neerfayasha, iyo saameynta dhibaatooyinkaas ku yeelan karaan caafimaadka guud ee qofka.
cilmigan
Chiropractic waxaa daaha laga qaaday sanadkii 1895.
dhakhtarka cilmigan ku takhasusa waxa loo yaqaan chiropractors ama chiropractic physicians.
5. xanuunadee ay Dhakhaatiirta Chiropractic Daaweeyaan?
Dhakhaatiirta Chiropractic waxay inta badan daweeyaan xanuunada sida:
dhabar xanuunka (back pain )
qoor xanuunka ( neck pain)
madax xanuunka ( head ache )
dhaawacyada ka yimaada ciyaaraha kala duwan (sport injury)
dhaawacyada shaqada la xiriira
kalagoysyo xanuunka ( joint pain)
iyo xanuunada ka dhasha cadaadiska neerfayaasha
(neuropathic pain|)
waxa la ogaaday in dadka qaba xanuunadan kor ku xusan ee u taga dhakhaatiirta cilmigan ku takhasusay inay ka fiicnaan badan yihiin kuwa la xidhiidha dhakhatiirta guud.
qaabka ay dhakhatirtani wax ku daweeyan waa inay wiistayn iyo taabasho iyo cilad saaris ku sameeyeaan lafdhabarta iyo xangulada iyagoo adeegsana gacmahooda qaliina aan sameynayn. iyagoo markaa hagaajinaya laftii ama muruqii ciladaysnaa .
waxyaabaha kale ee ay adeegsandaan waxa ka mida
baraf iyo kulayliye / koronto ay ku carinayaan murqaha
(electrical muscle stimulation )
duugista ( soft tissue message )
jimicsiyada xubnaha shaqadooda gabay ( rehab exercise )
in badan oo xanuunadan leh waxay dareemaan fiicnaansho deg deg ah halka qaar ay laba ilaa sadex wiig ku qaadato inay ka bogsadaan xanuunka
dhakhaatiirtani waxa kula taliyaan si aad uga hortagto xanuunadan kor ku xusan inaad samayso :
jmicsi joogto ah
miisaan dhimis
cunto caafimad leh cunitaankeed
yareynta welwelka
iska joojinta sigaar cabista
is baadhis caafimad ( regular check up )
yar yar iyo waaweynba waa lagu daweyn karaa cilmigan barashadiisa.
aad bay u yartahay ama ma jirto dr ku takhasusay cilmigan in laga helo dhulkeena lkn waa cilmi heer sare ah dadkeenuna aad ugu baahn yihiin.
la wadaag asxaabta
❤Jumca wngsn❤

Sunday, May 10, 2020
Xanuunka caadada (Dysmenorrhoea)
Xanuunka caadada (Dysmenorrhoea)
Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. Xanuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu u faafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
Xanuunka caadada waa xaalad iska dhaco. Waxaa daraasaadka la sameeyay qaarkood sheegayaan in ku dhowaad 75% dumarka dhallinta yar iyo 25-50% dumarka qaan-gaarka ah ay la kulmaan xanuun iyo raaxo la’aan inta ay ka qabaan caadada. Ilaa iyo 20% ee dumar ah, xanuunkaan aad ayuu u qabtaa isaga oo ka joojinaayo inay qabsadaan waxqabadyo maalimeedkooda.
Xaaladaha badankood xanuunka caadada waxay tahay wax-yeelaynta xun ee ka timaadda hab-socodka dabiiciga ah ee caadada. Si kastaba ha noqotee, mar-marka qaarkood, waxuu xanuunka caadada noqon karaa natiijada ka soo baxdo xaalad caafimaad ee gaar ah.
Waxaa xanuunka caadada lagu daawayn karaa guriga. Hase-yeeshee, haddii xanuunka caadadaada u aad u daran yahay, waxaa u baahan doonaa inaad u tagto dhakhtar.
#Calaamadaha
Calaamadda ugu wayn e xanuunka caadada waa murqo xanuun ku dhaca calooshaada hoose. Mar-mar, waxuu xanuunka kuu qabanayaa si xoog leh, waqtiyo kalena waxuu ahaan karaa xanuun fudud, laakin joogsi la’aan ah. Waxuu xanuunka caadada mar-mar u faafaa dhabarkaaga iyo cajiradaada. Waxaad kale oo ogaan kartaa in xanuunka ku qabto uu ku kala duwanaado caado walbo. Ayadoo dheeraad u ah xanuunka calooshaada hoose, waxaa kale kugu dhici karo calaamado kale, sida madax xanuun, labbo-labbo, daalid, war-wareerid, iyo shuban.
Waxuu caadi ahaan xanuunka caadaada bilaabanayaa markii uu dhiigga bilaabanaayo, inkasto oo ay dumarka qaarkood xittaa ay la kulmi karaan xanuun dhoowr maalin ka hor intuusan bilaaban caadada. Waxuu xanuunka caadada socon doonaa 12-24 saacadood, inkasto oo xaaladaha xun ku hayn karo dhoowr maalin. Xanuunka wuxuu badanaa ugu xun yahay markii dhiig-baxaada caadada ugu badan yahay.
Xanuunka caadada waxuu caadi ahaan ku fiicnaanayaa markii aad sii waynaato. Dumar badan waxay sidoo kale dareemaan fiicnaansho ka dib markii ay carruur dhalaan.
#Sababaha
Xanuunka caadaada badanaa waa wax-yeelaynta xun ee hab-socodka dabiiciga ah caadada dhiigga jirkaaga. Waxuu xanuunka caadada dhacaa markii derbiga muruqeed ee ilmo-galeenka is-qabsado (adkaado). Inta ay jirtoo caadadaada, derbiga ilmo galenkaaga wuxuu isku qabanaaya si culus, sidii uu je-jebiyo dhiigga saaran derbiga kana dhigo caadadaada bil walba kugu dhaca. Waxuu hab-socodkaan keeni karaa inuu jirkaaga sii daayo kiimikada keenayso xanuunka. Inta aad ku jirtid caadada dhiigga, waxuu kale uu jirkaaga soo saarayaa koox kale oo kiimiko ah, ee loo yaqaano prostaglandins.
Waxuu kiimikadaan ku dhiiri-gelinaayaa murqaha ilmo galeenka inay si aad ah isku qabsadaan, iyaga oo kordhinaayo heerka xanuunka. Waxaa jiraan labo nooc oo waa-wayn ee xanuunka caadaada. Dysmenorrhoea’da koowaad waa wax-yeelayn xun ee caadi ah ee ka timaaddo caadada. Waxaa dysmenorrhoea’da labaad sababo xaalad gaar ah. Qaar ka mid ah xaaladaha keeni karaan dysmenorrhoea-da labaad waxaa ka mid ah endometriosis (waa markii unugyada ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa), fibroids (burada aan xumayn ee ku dhaco ilmo galeenka) iyo cudurka bararka miskaha (waa bukasho ku dhaco xubnaha dhalidda ee gudaha). Qalabka uurka looga hortago ee minka la dhex dhigo wuxuu xittaa mar-mar keeni karaa xanuunka caadada.
#Baaritaanka cudurka
Waxay dumar aad u badan ee la kulmaan xanuun caado fudud oo lagu daaweeyn karo guriga. Hase-yeeshee, waa inaad kala xiriirtaa dhakhtarkaaga waxii talosiin ah haddii caadadaada kuu keenayaan xanuun aad u daran. Inkasto badanaa xaaladaha xanuunka caadada uusan sababin xaalad gaar ah, waxuu dhakhtarkaaga dareemi karaa inay tahay laga maarmaan in la sameeyo baaris jireed si loo ogaado haddii ay jiraan xaalado kale ee xanuunka keeni karo. Haddii xanuunkaaga caadada uusan wax jawaab ah ka bixinaynin daawaynta, ama haddii uu dhakhtarka u malaynaayo inay keentay xaalad gaar ah, waxaa laguu gudbin karaa dhakhtarka dumarka. Waxuu samayn doonaa dhoowr baaris iyo habab-socod si loo ogaado sababta keentay xanuunkaaaga caadada.
Waxaa baaritaanada ku jiri karaan pelvic ultrasound (oo ah baaritaan computer sidii loo soo saaro muuqaalka xubnaha dhalidda ee gudaha ku jiro) ama laparoscopy (oo la gelinaayo microscope yar meel laga jeexay caloosha hoose). Waxaa kale oo uu baahan kartaa hysteroscopy (oo ah sawir qaade yar ee la marsiinaayo cawradaada lana gaarsiinaayo ilmo galeenkaaga).
#Daawaynta
Waxaa xanuunka caadada caadi ahaan lagu daawayn karaa guriga. Inkastoo suurto gal ah inaadan awoodin inaad iska wada joojisid xanuunka, waxaa jiraan tillaabooyin kaa caawini karo in la qafiifiyo, ama in la dhimo. Jimicsiga, in la qandiciyo calooshaada hoose, ama in la samaysto qubays qandacan, waxay kaa caawini karaan in la dhimo xanuunka. Farsamooyinka daliigidda iyo nasashada xittaa way kaa caawini karaan. Xaaladaha xanuunka caadada badankooda, waxuu dhakhtarka kuugu la talinayaa inaad qaadatid daawada lagu magacaabo non-steroidal anti-inflammatory drug (NSAID), sida ibuprofen. NSAID waxuu wax u qabtaa qiyaas ahaan ilaa 70% ee dumarka qabo xanuunka caadada dhiigga. Haddii uu NSAIDs wax kuu tari wayo, waxaa lagu qori karaa xanuun-joojiye ka xoog badan. NSAID ma ku habbbono dadka qabo neef, kuwa qabo xanuunka gaaska, killiyaha ama beerka, ama dumarka uurka leh, ama naas-nuujinaayo. Waa inaan la siinin carruurta ka yar 16 sano Asbiriin.
Haddii aad u baahato daawada looga hortago dhalmada, waxaa laguu qori karaa kaniiniyada isku dhafan ee laga qaato afka loogana hortegaayo dhalmada. Noocaan kaniini wuxuu dheeraad ugu yahay ka hortagga uurka, inuu xittaa yarayo xanuunka caadada. Haddii xanuunkaaga caadada u keenayo xaalad gaar ah, daawayntaada waxay ku xirnaan doontaa xaaladda keentay xanuunkaaga.
#Ref Somali.doc.

Wednesday, May 6, 2020
Sidee Ayaad U Noqon Kartaa Qof Bashaash Ah Oo Aan Kali Socod Ahayn
Af-fur wanaagsan SAAXIBIYAAL.
Waxa had iyo jeer la yidhaahdaa “Qofka la jecel yahay waa qofka soo jiita Qulluubta Dadka marka ugu horreysa ee ay is arkaan, waliba intaanu hadal dhex marin ka hor”, haddaba si aad u noqoto qof bulshaawi ah oo ay Dadku qadarin iyo Ixtiraam u hayaan waxa habboon in aad yeelato Akhlaaqda wanaagsan ee uu Nabigeenu NNKH inagu dardaaray, Akhlaaqdaasi haddii aad ku dhaqanto waxay kaa yeelaysaa mid Dadka ku xeeran oo dhami aad u qadariyaan isla markaana Dad dhex gal leh, balse haddii aad ka fogaato Dardaarankaa uu Nabigu SCW inagu Dardaaray waxa aad inta badan ahaanaysaa qof kalidii noole ah oo aan Dad dhex gal, Akhriste ogow in Dad dhex galku aanu ahayn in aad noqoto qof hadal badan qaylo badan, laakiin Bulshaawinimada uu Nabigu SCW inagu Dardaaray waxaad ku heli kartaa haddii aad qaadato talooyinkan:
- Ku dedaal in aad had iyo jeer Dadka si Kal iyo Laab ah u salaanto adiga oo ku salaamaya Salaanta Islaamka.
- Waa inaad had iyo jeer ahaataa qof u danbi dhaafa oo cudur Daara qofka ku Qaldama isla markaana cafiya.
- Waa inaad noqotaa mar walba qof Bashaasha oo wajigiisu furan yahay haddii aad la joogto Dad aad garanayso iyo kuwo kaleba.
- Ahaw had iyo keer qof runta sheega kana dheeraw Beenta iyo Nifaaqa.
- Ku dedaal had iyo jeer in erayada kaa soo baxayaa ay noqdaan kuwa wanaagsan kana dheeraw erayada xun xun.
- La Jeclaw Walaalkaa waxaad Naftaada la jeceshahay.
Akhriste Ogsoonow adiga ayaa naftaada u haya Farxada sidoo kalena adiga ayaa soo dhawaysan kara Dadka kugu xeeran haddii aad arrimaha aynu soo xusnay ku dhaqanto.
Sunday, May 3, 2020
Noloshu sidii Arday Caafimaad ahaan: 12 waxyaabood oo ay tahay inaad runti ogaato.

Noloshu sidii Arday Caafimaad ahaan: 12 waxyaabood oo ay tahay inaad runti ogaato
Ahaanshaha arday caafimaad waxay ku lug yeelan doontaa shaqo adag sidii aad waligaa noloshaada ugu shaqeyn jirtey - laakiin fursadaha ayaa jira, waxay sidoo kale ku lug yeelan doontaa inaad hesho madadaalo ka badan sidii hore oo aadan waligaa soo arag. Waxaa jira khuraafaadyo badan oo madhan-ka-bixista ah oo ku saabsan ahaanshaha arday caafimaad, laakiin run ahaantii waa mid raaxo leh, xiiso leh oo abaalmarin badan leh, gaar ahaan marka loo eego waxa aad u shaqeyneyso. Maqaalkan waxaan ku sharraxi doonaa 12 waxyaabood oo ku saabsan ahaanshaha arday caafimaad oo aan rajeynayo inaan dib kuugu xaqiijin doono oo aan kugu farxi doono rajada barashada caafimaadka.
1. Waxaad awood u yeelan doontaa inaad u isticmaasho waxa aad baratay inta ka hartay noloshaada
Tani waxay umuuqataa inay tahay dhibic cadaalad ah, laakiin waa in aan la iloobin. Runta koorsooyinka badan ayaa ah inaad runtii wax baranayso kaliya si aad ugu gudubto imtixaanadaada isla markana aad arintaan maareyso macluumaadka aad isku dayday inaad wax ku barato ayaa ah mid aan faaiido badan laheyn. Arintaani inta badan maahan kiiska daawada, iyadoo meelaha wax lagu barto ay kamid yihiin anatomy, physiology, biochemistry, pharmacology iyo pathology dhamaantood si toos ah loogu dabaqi karo baaritaanka, fahamka iyo daweynta cudurka. Kaliya tani maaha dhiirigelin weyn in la barto maadada aasaasiga ah si fiican, si aad u noqon karto dhakhtar karti leh, waxay sidoo kale dhiirigelin u tahay inaad ka gudubto aasaaska casharka aasaasiga ah oo aad ku qanciso waxa aad bartay. Daawadan faafaahintan dheeriga ah ayaa maalin uun lagu dabakhi karaa xaalad caafimaad iyadoo wax weyn u tari karta bukaanka. Markaad baraneyso dawada ma ahan kaliya inaad barto imtixaanka xiga laakiin waxaad qaadaysaa talaabooyinka ugu horreeya ee koorsada nolosha oo dhan, adiga oo dhista aasaaskaaga aqoonta xirfadeed intaad ku gudajirtid xirfadaada caafimaad.
IfSi firfircoonaanta jaamacadda, mana fududaan marka aad dhab ahaan bilowdo shaqada - laakiin saameyn weyn oo togan ku leh nolosha.
2. Mararka qaar waa shaqo adag
Daraasada daawada waxay la imaaneysaa rajo la hubo inay si adag ushaqeyso celcelis ahaan ardayda kale badankood. Guud ahaan waxaa jira saacado xiriir lala yeesho oo ka badan maaddooyinka kale (sannadkan waxaan haystaa 9-5 maalin walba oo jimce ah) oo leh tababaro iyo khudbado qaadanaya waqti aad u badan. Dabcan maahan oo kaliya saacadaha xiriirka marka aad shaqeyneyso: qoraalada muxaadarada waxay u baahan yihiin in dib loo akhriyo, qormooyinka waa in la qoraa, ficillada waa in loo diyaarsanaadaa korna loo qaadaa dhamaantooda waxay noqon karaan caqabad. Tani waa gaar ahaan kiiska maadaama culeyska shaqadaadu isbedelayo usbuuc ilaa usbuuc, mararka qaar in lagu dajiyo shaqo aad u fara badan mararka qaarna hal toddobaad oo dhan ay yar tahay in la sameeyo. Sidaa darteed waa muhiim in la waafajiyo sida aad u shaqeyso oo aad u qirato in mararka qaar ay tahay inaad geliso waxyaabo badan oo shaqo ah si aad u hesho waqtiga aad u baahan tahay.
Waxa kale oo jira tiro macquul ah oo cadaadis ah si ay u gudbaan imtixaannada. Maadooyinka intooda badan aan ka aheyn daawada waxaad run ahaantii baraneyso oo aad higsaneysid waa heerka ugu fiican ee suurogalka ah. Sida iska cad tani waa run ilaa xad in daawo ah, laakiin waxaa jira caqabad dheeraad ah, taas oo ah calaamadaha gudbinta aad u sarreeya ee "imtixaanka 2 MB", kuwa aad tahay inaad ku gudubto si aad u noqoto dhakhtar. Markii laguugu gudbiyo kuwan waxaad aasaasiyan tahay shahaado inaad tahay qof ku filan oo ku sahabsan mawduuca maaddada si aad ugu sii wadato xirfad caafimaad caafimaad oo xirfad leh. Gudbitaanka imtixaanaadkaani badiyaa waxay ubaahantahay xasilooni badan oo aqoon waqti yar gudaheed taasina waxay noqon kartaa mid walwal badan, laakiin abaalmarinta ka dib imtixaanadu waa xagaa dheer oo lagu raaxeysto. Dawada ayaa noqon karta mid adag, laakiin…
3. Maaha shaqo adag!
Ha argagixin, dawadu way dhib badnaan kartaa laakiin waxaad wali haysataa waqti badan oo aad ku raaxaysato inaad tahay shahaadada koowaad, khibrad dad badani ay is leeyihiin waa waqtiga ugu fiican noloshooda. Heerka shaqo ee koorsada ayaa ah inaad haysatid waqti aad uga faa iideysato nashaadaadka kale ee jaamacadda, sida isboortiga, muusikada iyo baaxadda ballaaran ee bulshooyinka kale ee laga helo jaamacadda. Waxa keliya ee aad u baahan tahay inaad sameyso si aad u maamusho hawlahan kale waxay ku habboon yihiin waqtiga aad ku shaqeyso; ha dhigin galab oo dhan daawashada fiidiyeyaasha YouTube-ka haddii aad ogtahay inaad dheelitir muusig fiidkii habeenkaas leedahay. Jaamacadda waxay ku saabsan tahay wax badan oo aan sahlanayn in la helo shahaado, waxaad wax badan ka baran doontaa naftaada iyo dadka kale waxaana rajeyneynaa inaad naftaada ku dhisto qof awood u leh inuu noqdo dhakhtar wanaagsan.
4. Ahaanshaha arday caafimaad ma aha wax ku saabsan barashada cilmiga caafimaadka
Dhamaan howlahaas oo aad sameyn karto waqtigaaga firaaqada kaliya maahan inay madadaalo leeyihiin, hase yeeshe. In kasta oo sababta ugu weyn ee aad iyaga u sameysaa ay tahay inaad naftaada ku raaxaysato oo aad maskaxdaada ka saarto shaqada haddana runtii aad bay muhiim ugu yihiin "horumarkaaga shakhsiyeed". Tani waa, sida aan kor ku soo sheegnay, ka shaqeynta xirfadaha ka baxsan xaddiga daraasadda tacliimeed laakiin weli waxay muhiim u tahay inaad noqoto takhtar waxtar leh. Tusaale ahaan, adoo kaqeyb galaya muusikada ama tiyaatarka waxaad caado uheyd inaad kubadaliso dad fara badan howshaasna waxaa sabab u ah hadii aad waligaaba kuqanacdid shir ama xitaa inaad lashaqeeysid asxaabtaada, waad awoodi doontaa inaad si kalsooni leh u istaagto oo aad dhahdo waxaad ubaahantahay.
Sidoo kale, ka ciyaarista koox isboorti ayaa kaa caawin doonta inaad la shaqeyso dadka kale, oo qaarkood laga yaabo inaad leedahay khilaaf shaqsiyadeed oo aad kala kulanto ama aad aad ugu kala aragti duwan tahay fikradaha. Waxaa lagugu barayaa jagada mas'uuliyadda, iyadoo dadka kale ay kugu tiirsan yihiin inaad fuliso doorkaaga, mararka qaar cadaadis. Isboortiga iyo bulshada waxay kaloo bixiyaan fursad lagu qaato hoggaan iyo kaalin abaabul, oo markale noqon doonta mid aad muhiim ugu ah xaalada caafimaad, hadey ahaan laheyd abaabulida shaqaalaha qeybta isbitaal ama GP. Daawadu waa shaqo ay muhiim u tahay in laga soo baxo jaamacadda iyada oo ah qof shaqeynaya oo awood u leh inuu si wanaagsan ula macaamilo kuwa kale. Tan laguma gaadhayo inaad qolkaaga fadhiiso fiidkasta oo aad barato qoraalada muxaadarada: waxaa jira isku dheelitir muhiim ah oo laqaban karo inta udhaxeysa shaqada iyo nolosha.
5. Barashada anatomi-ku waxay ka badantahay eegista sawirada
Anatomi waxay noqon kartaa mid si buuxda u buuxda, gaar ahaan machadyada dhaqanka sida Cambridge, halkaas oo inta lagu gudajiro sannadka ugu horreeya oo dhan waxaad faafi doontaa "maado" oo go'aansaday inuu jidhkooda ugu tabaruco tababbarka ardayda caafimaadka. Tan macnaheedu waa inaad ku lug yeelato madaxa xajmiga naftaada iyo sameynta waxa mararka qaarkood noqon kara hawl aan fiicneyn. Dadka qaar ayaa runtii ku farxi kara fikradda ah inay ku sii dhexjiraan oo ay ku qaataan koorsada dhabta ah ee anatomy, laakiin kuwa aan ahayn waa inaadan argagixin. Jaamacadaha kale badidoodu waxay adeegsadaan kaliya diyaarinno horay loo diyaariyey (saadaalinno), oo aad wali ku baran doonto qaab dhismeedka iyo baarista, laakiin aan qasab aheyn inaad gacmahaaga wasakh noqoto.
6. Waxaad ka dhigi doontaa qaar ka mid ah saaxiibada kuugu dhow barashada daawada
Hubso inaad waqti siiso sidii aad uga faaiidaysan lahayd dadka aad jaamacadda kula jirto. Khaas ahaan maahan inay noqdaan daawo; dad badani waxay aad ugu ag dhawaadaan dadka kooxdooda isboorti ama bulshada, laakiin daawada waxay umuuqataa inay ku dhamaanayso wada-jir. Nasiib darrose tani waxay mararka qaar kuu horseedi kartaa waxoogaa yar oo "sheekaysiga daawada ah" halkaad ka ogaan weydo waxa dhacaya waxaad ku dhamaanaysaa ka wada hadalka wixii ka dhacay khudbadaha subaxdii, ama sida aad ku aragtay waxqabadka usbuucii la soo dhaafay. Tani waxay noqon kartaa hab wanaagsan oo aad naftaada ku xasuusi karto wixii ka dhacay casharkii hore (qofna iskama saari karo inta uu socdo hal saac oo buuxa khudbad), laakiin mararka qaar waa wadahadal fudud oo qalbi furan oo ku saabsan kaas oo macallin ka dhigaya inay aad u adag tahay inaad soo jeeddo!
7. Daraasada dawada waxay kugu cusubtahay daraasada caafimaad ee ugu dambeysay
Kuwa idinka mid ah ee runtii xiiseynaya cilmiga cilmiga bayoolajiyadda, barashada daweynta ayaa fursad weyn u leh in la keeno meel aad ugu dhow xuduudaha aqoonta sayniska ee hadda jirta, wixii ka baxsan waxaad ka heli doontid buugaagta buugaagta. Macallimiintaada ayaa dhammaantood si firfircoon ugu lug leh arimahooda xiisaha waxayna tani qayb ka tahay shaqadooda inay la socdaan illaa iyo dhammaan horumarka iyo daraasadihii ugu dambeeyay ee ka socda aaggaas. Sidaa darteed waxay wax u bari karaan waxyaabo si fiican kahor intaanan lagu soo daabicin buugaagta buugaagta waxayna kugu ogeysiinayaan inaad ka warqabaan waraaqaha cilmi-baarista ee ugu dambeeyay iyo kuwa la xiriira. Ha ahaato wadiiqooyinka ugu dambeeya ee unugyada unugyada ee la xiriira burooyinka ama marinnada ion ee dhawaanta laga helay wadnaha, waxaa lagugu soo qaadi doonaa heerka fahamka hadda.
8. Daawadu waa koorso dheer
Daraasada dawada ayaa ah wax aad u badan oo marathon ah, maahan caruusad. Waa koorso 5 ama 6 sano ah, halkaas oo sannadahaaga ugu dambeeya ee fasaxyada ay noqdaan kuwa aad uga gaaban oo aad wax ku baranayso ku dhawaad sanadka oo dhan (halkii aad saddex bilood ka qaadan lahayd sannadka). Sababta koorsadu aad u dheer tahay waxaa ugu wacan mugga maaddada u baahan in la barto; labadaba aasaaska sayniska aasaasiga ah iyo xirfadaha caafimaad ee loo baahan yahay in lagu dabaqo waa in la baraa.
In kasta oo ay tani u muuqato inay tahay hawl culus oo xaq ah runnimadu waxay tahay in kasta oo xilliga jaamacadda ay umuuqato inay si lama filaan ah ugu gudubto, malaha maxaa yeelay iskucelceliska ardaygu aad buu u mashquulsan yahay waqti uma heystaan inay ogaadaan teeram walba oo duulaya. In kasta oo ay tani fiicantahay maadaama ay dareento in aad samaynayso horumar deg deg ah daraasadahaaga waxay sidoo kale ka dhigan tahay inay aad u fudud tahay inaad shaqada ka tagto oo aan la qaban ilaa fasaxyada ay soo wareegayaan. Nasiib wanaag fasaxyadu si dhaqso leh ayey u soo dhowaadaan iyadoo ay ugu wacan tahay dhererka gaagaaban ee ereyada sida caadiga ah waad iska dhaafi kartaa tan iyo ciidaha badanaa waa fursad qaali ah oo aad ku hubin karto inaad fahanto shaqadii xilligii tegay ka hor jahwareerka waqtiga waqtigu marlabaad soo noqdo. Qaar ka mid ah shaqaalaha tacliinta waxay xittaa gaarayaan ilaa ay yiraahdaan…
9. Waxaad heysataa fasax, fasax maaha
Micnahoodu waxay tahay tan ayaa ah in fasaxa Kirismaska iyo Ciidda Kirismasku ay yihiin waqtiyada aad ka baxdo hoygaaga oo aan ahayn fasax shaqada oo dhammaystiran. Dabcan, tani qasab ma ahan inay run noqoto. Haddii aad shaqadaada si wanaagsan u maareeysay muddadii teeramka oo aad waxkasta sarre joogtay ma jirto sabab aad ugu raaxeysan weydo nasasho aad si fiican u kasbatay dhowr toddobaad. Laakiin, si kastaba ha noqotee, waxaad jeceshahay inaad sameyso waxqabadyo badan intii aad karto intaad degan tahay fasaxyada waxay noqon kartaa fursad muhiim ah inaad ku soo celiso waqtigii aad soo amaahatay muddada teeramka. Tan ugu muhiimsan, waxay ku saabsan tahay helitaanka isu-dheellitirka. Uma baahnid inaad bilowdo ereyga dareensanida daal xagga shaqada aad u adag ee fasaxyada, laakiin sidoo kale ma dooneysid inaad bilowdo ereyga inaadan garanaynin waxa socda.
10. Ururku waa furaha
Wax ka barashada jaamacadda waa wax iska soo horjeedda dhabta ah ee ka mid noqoshada ardayda dugsiga waana mid ka mid ah caqabadaha dhabta ah ee abaabulaya shaqadaada iyo nashaadaadkaaga. Mar dambe kuma tiirsanaan kartid waalidiintaada inaad sii haysato jadwalka wax kasta oo dhaca isla markaana waa inaad adigu naftaada wax u xallisaa. Ku darso xaqiiqda ah in qayb muhiim ah oo ka mid ah jaamacadda lagu dhammeyn doono daal, iyadoo ay ugu wacan tahay daraasadda xad dhaafka ah ama ka qeybgalidda, oo waxaa jira waxyaabo loogu talagalay musiibada imaan karta. Casharrada waxay ka hor imaan karaan dib-u-celinta, wax qabadku waxay la jaan qaadi karaan ciyaaraha isboortiga ama dhacdo MedSoc ayaa dhici karta markaad u jeeddo inaad aragto qoyskaaga. Waxa ugu muhiimsan waa inaad haysatid nooc nidaam ah, ha ahaato xusuus qor warqad ah oo aad ku haysato ama kalandarka taleefankaaga. Hubso inaadan ahayn qofka had iyo jeer u dhawaa waxyaabo agtiisa ama wareega wareega daqiiqada ugu dambeysa isku dayaya inuu ka shaqeeyo halka ay ahayd inaad joogtid.
S Sida arday caafimaad, stethoscope-ku waa qalab aad si dhakhso ah aad ulasocto.
11. Haddii aad ka gudubto imtixaannadaada waxaad noqon doontaa dhakhtar
Baro nooc kasta oo musiibo ah, haddii aad ka gudubto imtixaannadaada oo dhan inta aad baranayso daawada waxaad ku sii socon doontaa inaad dhakhtar noqoto. Tani waxay u muuqan kartaa sidii iyagoo sheegaya caddaynta, laakiin waxay mudan tahay in tallaabo laga qaado oo laga fikiro tan. Markii uu kugu gudbo imtixaan jaamacad waxay cadeyneysaa inaad aqoon u leedahay maadada maadada aad ku sii wadato wadada aad ku noqonayso dhakhtar. Micnahee middaani adiga kuu samaynaysaa Marka ugu horeysa waxay ka dhigan tahay inay aad u adkaan karto in la gudbo imtixaannadaada. Maadooyinka kale waxaa lagu caddeeyay inaad karti u leedahay adoo dhaliyay dhibco wanaagsan (badiyaa 2: 1), si kastaba ha noqotee haddii aad ka gudubto waxaa lagu damaanad qaadayaa inaad sii waddo wadada dugsiga caafimaadka oo aad u sii gudubto xirfadle caafimaad oo xirfad leh.
In kasta oo ay jiraan dib-u-dhacu helitaanka wakhtiyo adag oo imtixaanno ah oo laga gudbayo tani waxay sidoo kale tahay rajo aad u xiiso badan. Haddii aad ku guuleysato inaad ku sii waddo heer macquul ah, oo aad geliso shaqo kugu filan, waxaad u qalmi doontaa sidii dhakhtar. Isbarbar dhig tan maaddada sida sharciga, halkaas oo haddii aad ku gudubto shahaadada sharcigaaga 2: 1 dammaanad kama lihid inaad qareen noqotid; xitaa dammaanad kama helaysid shaqo. Tani sidoo kale waa kiis ku saabsan injineerinka, in kasta oo aad noqon karto injineer la aqoonsan yahay micnaheedu maahan inaad heysato nooc kasta oo dammaanad qaad ah oo aad ku sii wadan doonto shaqo injineernimada. Haddii arrimuhu adkaadaan oo aad u malaynaysid inaad la halgameyso inaad gudubto kaliya xusuusnow in gudbinta inaad hal talaabo aad uga sii badan tahay inaad dhakhtar noqoto.
12. Inta badan asxaabtaada waxay noqon doonaan kuwa aad u caqli badan
Ardayda caafimaadku waxay metelaan xulasho aad u xadidan oo dadkaaga da 'ah waxayna u muuqan doonaan labadaba kuwo aad u karti badan oo shaqeynaya. Tani waxay mararka qaarkood kuu horseedi kartaa inaad dareento jahwareer marka aad is barbar dhigto bukaan-socodka kale, gaar ahaan waxaad u muuqan doontaa inaad dareento kuwa ka sii xoog badan kuwa kale marka loo eego kuwa kale. Xusuusnow, dadka aad isbarbardhigayso naftaada si aad ugu mataleyso jajabnaanta ugu sarreysa ee ardayda waddanka ku sugan iyo sidaasoo kale waa inaadan niyad jabsan haddii qaar ka mid ahi ay kaa fiican yihiin. Xaqiiqdii waxaa jiri doona arday kale oo caafimaad oo fara badan oo la mid ah adiga oo sida ugufiican uga faa ideysanaya jaamacadda si aad u horumariso naftiisa qof ahaan, oo aan ahayn arday ahaan.
Inaad tahay arday caafimaad wuxuu kuu gelin doonaa booska aad mudnaanta u leedahay, kana mid ah ardayda ugu sareeya dalka. Waxay guud ahaan u muuqataa inay tahay kiiska in bukaan-socodka caafimaadku raacaan maan-gaaga “si adag u shaqee, u ciyaar adag”. Tan ugu muhiimsan, xusuusnow in ardaygu uusan ahayn dariiqa kaliya ee lagu soo afjaro, laakiin uu laftiisa dhammaystiro. Hubso inaad sida ugu fiican uga faa'ideysato ahaanshaha shahaadada koowaad ee jaamacadda!
Tuesday, April 28, 2020
CUDURKA TIIFOWGA(TYPHOID-PARATYHOID FEVERS
CUDURKA TIIFOWGA(TYPHOID-PARATYHOID FEVERS
) .
Cudurka tiifowga waa cudur laga helo ama Caan ku ah meel waliba oo nadaafad darro ey ka jirto, shaqsi ahaan iyo deegaan ahaanba. waxaa jira in ka badan 20 million oo xaalad oo cudurkan ah sanad waliba caalamka iyadoo in ka badan 20, 000 oo qofna ey u dhintaan.
TYPHOID waa cudur ay keento baakteeriyada la yiraahdo
BACTERIUM SALMONELLA TYPHOID oo xiidmaha(mindhicirrada) yaryar caabuq geliya iyo
qulqulka dhiigga isagoo ka gelaya dheecaanka gidaarrada jirku
sameeyo.
Caabuqa waxa laga yaabaa in uu ku gudbi karo biyo ama
cunto, waana mid ku xiran af-ka-qaadasho.
ASTAAMAHA LAGU GARTO CUDURKAAN:
⏺ Xumad sare oo soo noqnoqota
⏺ Caloosha oo istaagta ayaamaha hore
⏺ Calool xanuun iyo shuban la arko
TODDOBAADKA LABAAD EE XANUUNKA:
⏺Madax xanuun aad u ba’an
⏺ Garaaca wadnaha oo hoos u dhaca iyo xumad wehelisa
⏺ Qofka oo wax kala garanwaaya.
⏺ Dhego-culays
⏺ Beer ka yaraha oo barara
DHIBAATOYINKA SOO RAACI KARA:
⏺ Xiidmaha oo daldalool yeesha
⏺ Xidmaha oo dhiiga
⏺ Xameetida oo aad u caabuqda
⏺ Caabuqa oo baaha (Sepsis)
⏺Oof-wareen (pneuomonia)
⏺ Meninjaytis (meningitis)
⏺Aartaraytis caabuq leh (septic arthritis) iyo lafa-xanuun
(osteomylitis)
⏺Cudur kelyaha ku dhaca
SIDEE LOO MAREEYAA:
Bukaanka oo si fiican loo daryeelo ayaa ah lagama maarmaan
Aad isha ugu hay oo hubi inaan dhibaato kale u soo raacin
XANUUNKA
πΉDaawee xumadda fuuq-baxna ka ilaali
πΉ Daawaynta antibaayotiga ah
Ka hortaga cudurka
πΉ Raashin iyo biya nadiif ah oo la helo
πΉ Tallaalka cudurka tiifowga oo la qaatto , kaasoo wadama qaar la helo.
TALO CAAFIMAAD:
Sida aan ognahay soomaalida waxa ey qabaan fikrada kala duwan oo ku saabsan cudurrada, haddaba maxaa laga aaminsanyahya cudurka bulshada dhexdeeda?
Qaar ayaa aaminsan inuu wax cudur tiifow la yirahdo aaney jirin ,iyagoo qaar xittaa ku dhahaya dhaqatar ayaan ka maqalnay,sidoo kale qaar ayaa aamisan inuu yahay kaneeca(malaria)xumaatay,ama kaneeca walaalkeed oo eyba isku mid yihiin.sidoo kale dhanka waxyaabaha keena ayey dadka qaar aaminsanyihiin inuu keeno caanaha ama hilibka lo’da ama xittaa hilbka idaha.
Waxaas oo dhan waxa ka jira ayaa iska yar, iyadoo sida aan horay usoo sheegayba wax waliba oo jeermiskaasi uu taabta laga qaadi karo haba u badnaatto cunnada iyo biyaha.

Sunday, April 26, 2020
Subscribe to:
Posts (Atom)
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...

-
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...
-
Wax badan ka ogow cudurka ugu badan ee sababo dhalmo la'aanta ragga iyo waxa sababo. Galaha waa marka ay balaartaan qaar ka mid ah xidi...
-
Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dh...