CUDURKA TIIFOWGA(TYPHOID-PARATYHOID FEVERS
) .
Cudurka tiifowga waa cudur laga helo ama Caan ku ah meel waliba oo nadaafad darro ey ka jirto, shaqsi ahaan iyo deegaan ahaanba. waxaa jira in ka badan 20 million oo xaalad oo cudurkan ah sanad waliba caalamka iyadoo in ka badan 20, 000 oo qofna ey u dhintaan.
TYPHOID waa cudur ay keento baakteeriyada la yiraahdo
BACTERIUM SALMONELLA TYPHOID oo xiidmaha(mindhicirrada) yaryar caabuq geliya iyo
qulqulka dhiigga isagoo ka gelaya dheecaanka gidaarrada jirku
sameeyo.
Caabuqa waxa laga yaabaa in uu ku gudbi karo biyo ama
cunto, waana mid ku xiran af-ka-qaadasho.
ASTAAMAHA LAGU GARTO CUDURKAAN:
⏺ Xumad sare oo soo noqnoqota
⏺ Caloosha oo istaagta ayaamaha hore
⏺ Calool xanuun iyo shuban la arko
TODDOBAADKA LABAAD EE XANUUNKA:
⏺Madax xanuun aad u ba’an
⏺ Garaaca wadnaha oo hoos u dhaca iyo xumad wehelisa
⏺ Qofka oo wax kala garanwaaya.
⏺ Dhego-culays
⏺ Beer ka yaraha oo barara
DHIBAATOYINKA SOO RAACI KARA:
⏺ Xiidmaha oo daldalool yeesha
⏺ Xidmaha oo dhiiga
⏺ Xameetida oo aad u caabuqda
⏺ Caabuqa oo baaha (Sepsis)
⏺Oof-wareen (pneuomonia)
⏺ Meninjaytis (meningitis)
⏺Aartaraytis caabuq leh (septic arthritis) iyo lafa-xanuun
(osteomylitis)
⏺Cudur kelyaha ku dhaca
SIDEE LOO MAREEYAA:
Bukaanka oo si fiican loo daryeelo ayaa ah lagama maarmaan
Aad isha ugu hay oo hubi inaan dhibaato kale u soo raacin
XANUUNKA
🔹Daawee xumadda fuuq-baxna ka ilaali
🔹 Daawaynta antibaayotiga ah
Ka hortaga cudurka
🔹 Raashin iyo biya nadiif ah oo la helo
🔹 Tallaalka cudurka tiifowga oo la qaatto , kaasoo wadama qaar la helo.
TALO CAAFIMAAD:
Sida aan ognahay soomaalida waxa ey qabaan fikrada kala duwan oo ku saabsan cudurrada, haddaba maxaa laga aaminsanyahya cudurka bulshada dhexdeeda?
Qaar ayaa aaminsan inuu wax cudur tiifow la yirahdo aaney jirin ,iyagoo qaar xittaa ku dhahaya dhaqatar ayaan ka maqalnay,sidoo kale qaar ayaa aamisan inuu yahay kaneeca(malaria)xumaatay,ama kaneeca walaalkeed oo eyba isku mid yihiin.sidoo kale dhanka waxyaabaha keena ayey dadka qaar aaminsanyihiin inuu keeno caanaha ama hilibka lo’da ama xittaa hilbka idaha.
Waxaas oo dhan waxa ka jira ayaa iska yar, iyadoo sida aan horay usoo sheegayba wax waliba oo jeermiskaasi uu taabta laga qaadi karo haba u badnaatto cunnada iyo biyaha.
Tuesday, April 28, 2020
CUDURKA TIIFOWGA(TYPHOID-PARATYHOID FEVERS
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Sababta Dhakhaatiirta Maqaarka (Dermatologists) ay Uga Baahan Yihiin Fahamka Endocrinology — Ka Baxsan Maqaarka Kaliya.
Sababta Dhakhaatiirta Maqaarka (Dermatologists) ay Uga Baahan Yihiin Fahamka Endocrinology — Ka Baxsan Maqaarka Kaliya Hordhac Cilmiga maq...
-
🦠Tinea Incognito: Cudur Qarsoon oo Si Qaldan Loo Daaweeyo. ✍️ Hordhac Tinea incognito waa nooc ka mid ah caabuqa fangaska ee maqaarka, b...
-
* Daryeelka maqaarka ee ay oggol yihiin dhakhaatiirta maqaarka inta ay gabadha uurka leedahay* Jirkaaga iyo caafimaadkaagu waxay la kulmaan...
-
Sababta Dhakhaatiirta Maqaarka (Dermatologists) ay Uga Baahan Yihiin Fahamka Endocrinology — Ka Baxsan Maqaarka Kaliya Hordhac Cilmiga maq...

No comments:
Post a Comment