Wednesday, September 16, 2020

𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮

 𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮



Tallaalka waa daawooyin la siiyo hooyooyinka iyo dhallaanka si ay isaga difaacaan cudurada. 


ilmaha marka ay dhashaan waxaa laga tallaalaa cudurka qaaxada waxaana 

la siiyaa tallaalka loo yaqaano (B.C.G.) waxaa kale oo laga tallaalaa cudurka dabeysha waxaana la siiyaa tallaalka loo yaqaan (O.P.V.) afartan baxa ka dib waxaa laga tallaala tallaalka saddexan ee loo yaqaan (D.P.T.) oo ay la socota polio. Bil kadibna waxaa laga tallaalaa tallaalka seddexan iyo polio haddana bil kadib waxaa la siiyaa tallaalka 


saddexan oo ay la socoto Polio. ilmuhu marka ay gaaraan 9 bilood iyo wixii ka sareeya waxaa la siiyaa tallaalka jadeecada ee loo yaqaan (measles vaccine) M.V. ilmuhu marka ay gaaraan 10 bilood iyo wixii ka sareeya waxaa la siiyaa tallaalka saddexan (D.P.T) iyo (polio) oo loo yaqaano (booster) 


𝗠𝗲𝗲𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘁𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗼


𝗕.𝗖.𝗚 waxaa laga tallaalaa gacanta bidix maqaarka hoostiisa (interdermal)


𝗗.𝗣.𝗧 waxaa laga tallaalaa labada bowdo ee muraqyada hadba tii aad doonto 


𝗠𝗘𝗔𝗦𝗟𝗘𝗦 waxaa laga tallaalaa garabka midig ee baruurta hoosteeda (subcutaniously)


𝗣𝗢𝗟𝗜𝗢 waxaa laga siiyaa labo dhibcood oo afka ah haddii uu shubmayana 3 dhibcood 


𝗧𝗘𝗧𝗔𝗡𝗨𝗦 teetanada haweenka waxaa laga tallaalaa labada garab ee muraqyada 

hadba kii aad doonto (intermuscular)


𝗗𝗵𝗶𝗰𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮

 

1)Tallaalka waxa uu dhacaa marka uu kululaada ama qabowga ka bato 

2) Marka meel qorax ah lagu bixiyo 

3) Marka waqtiga dhicitaanka la gaaro 

4) Silsilada keydinta qabowga oo lunto 


𝗦𝗵𝗮𝗿𝗲 𝗱𝗵𝗲𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗮𝗴 𝗮𝘀𝘅𝗯𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗲


Abdikadir M. Abdullahi 

No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...