Friday, July 3, 2020

CUDURKA JABTADA IYO WAXYAABAHA SABABO.



Jabtada waa cudur ka mid ah cudurada ku faafo galmada waxaana sababo nooc ka mid ah bacteriyada
jabtada waxay ku dhici kartaa ragga iyo dumarka sido kale jabtada qeebaha jirka ay sameeso waxaa ka mid ah kaadi mareenka 
dabada iyo dhuunta dumarka si gaar ah waxa u sameesaa minka afkiisa hore 

jabtada inta ugu badan waxay ku faaftaa galmada sidoo kale caruurta waxay sameen ku yeelan kartaa marka ay dhalanaayaan waliba hooyoyinka marka ay qabaan jabtada ciyaalka dhalanaayo jabtada waxay ka asiibtaa in dhaha 
jabtada waa caabuq caan ah inta badan wax calaamado ah mala arko waxay noqdaan kuwa qarsoon 

calaamadaha jabtada

inta badan calaamadaha jabtada wa kuwa daahsoon caabuqa waxa oo sameen ku yeelan karaaa qeebo badan ee jirka 

lakiin inta badan calaaamadaha waxay soo muuqdaan marka kaadi mareenka asiibto

calaamadaha lagu arko ragga marka jabtada kaadi marenka ku dhacdo waxaa ka mid ah

1-xanuun la socdo kaadida
2-in xubinta taranka ragga ka imaado waxyaabo malax camal ah
3-xanuun iyo barar xaniinyaha ah

calaamadaha lagu arko kaadi mareenka dumarka waxaa ka mid ah 

1-qoyaan aan caadi ahayn ee ka yimaaado xubinta taranka dumarka

2-dhiig bax lagu arko xubinta taranka dumarka inta udhaxeeso labo waqti oo caadada ah

3-xanuun qeebaha hoose caloosha

jabtada waxay sameesa qeebo kale ee jirka waxaan la arkaa calaamado kala duban

*hadii jabtada sameeso dabada calaamadaha la arko waxaaa ka mid ah
cun cun,qoyaan malax camal in oo ka yimaado dabada saxarada dhib noqoto 

*jabtada hadii ay sameeso indhaha calaamadaha waxaa ka mid ah
indho xanuun qofka iftinka dhibo iyo qoyaan malax camal indhaha ka yimaaado

*jabtada hadii ay sameeso dhuunta waxaa la arkaa dhuun xanuun iyo qanjirada qoorta bararsan

*jabtada marka ay sameeso  kala goosyada calaamadaha la arko waxaa  ka mid ah
kala goosyo xanuun barar iyo gaduud 

jabtada maxaa sababo??

jabtada waxaa sababo nooc bacteriyada ka mid ah loo yaqaan 
(neisseria genorrheae)
bacteriyada waxay iskaga gudubtaa qof ilaa qof inta galmada socoto nooc kasto ha ahaato afka dabada iyo xubinta tarankaba

Dadka qatarka ku jiro in jabtada ku dhacdo waxaa ka mid ah

1-dhalanyarada

2-la sameento galmo qof aadan waxba ka garanen

3-galmada lala sameeyo dhowr qofood 

jabtada aan la daawayn waxaa ka dhalan karo

1-dhalmo la aan ragga ah

2-dhalmo la aan dumarka ah

3-caabuq ku faafo jirka sida kala gosyada

4-dhibaayoyinka caruurta dhalaneso jabtada ku leedahay waxaa ka mid ah caabuq indhaha ah
iyo indho la aan 

galmada waxa kaliya aad kaga hortagi karto waa inaad ka fogaataa zinnada noqotana qof dhowrsoon

daawaynta jabtada waa in la daaweeyaa waxa caabuqa sababay lana qaato qalajiyayaal xoogan.


No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...