Saturday, May 16, 2020

TIMIRTA IYO FAA'IDEEDA

Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.

1. timirtu waxay aad u caawsa dheefshiidka jidhka  waxaanay yaraysaa calool istaaga(constipation).

2. timirtu waxay hoos yaraysaa caabuqa jidhka ku dhaca maadaamo ay ku jirto maado la dhaho (magniisum)

3. waxay faaido u tahay inay yarayso cadaadiska dhiiga

4. Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada "Fluoride"

5. Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa
 Vitamin C .

6.Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah
waxa ku jirta Maadada "Fluoride"

7. Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.

8. Waxay daawaysaa Dhiig la'aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2.

9. Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A

10. Waxay daawaysaa Appetite la'aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.

Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido.

waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso.

 waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno.


2 comments:

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...