- La wadaag qodobkan Facebook
- La wadaag qodobkan WhatsApp
- La wadaag qodobkan Messenger
- wadaag qodobkan Twitte
La wada
Monday, June 29, 2020
Wax indhaha laga qarsan karo ma ahan arrinkan.
Dabada oo ku shiirta ama ku urta waa wax lagu arko bina aadamka qarkood,lakiin in ay ku shiirto waxay ku xiran tahay cafimaadkaada iyo wax aad cuntid.
Haddaba xubinta iyo dabada oo ku shiirto waxaa loo sababeeyaa sadaxdan shey ?
1-Fayadhoor xumo
2-cunooyinka qarkood
3-ama in uu qofka qaba caabuq.
Waxaan dul istageynaa mid mid si aan u ogaano waxa keena shiirka joogtada ah.
>><<Fayadhoorka
______________^^^^^
Fayadhoorka wuxuu ka mid yahay diinteena islaamka qofka muslimka ah waxaa laga rabaa in uu kor u qaado fayadhoorka sida istijada iyo daahirinta xubnaha hoose.Haddii uu hoos u dhac ku yimaado fayadhoor waxaa shiiraya dabada iyo candhada hoose.
Mararka qarkood oo aad fadhiiso musqusha/suuliga waxaa laga yabaa in ay ku soo urto ama ku soo shiirto dabadaada,sidoo kale waxaad dareemi kartaa ur marka aad iska bixineysid kastuunta ama nikiska.
Urka hadii uu ku xiran yahay fayadhoorka waxaad u baahan tahay in aad kor u qaadid fayadhoorkaada oo aad saxarada iyo kaadida si wanaagsan iska nadiifisid.
>><<Cunooyinka
_____________^^^^^
Cunooyinka badankood waxay keenaan af ur iyo in uu qofka iska neefsado yacni iska dhus dhuuso isgoo caloosha gaas ka buuxdo ama marka qarkood qofka iska daacdaaco bilaa sabab.
Cunooyinkaas waxaa ka mid ah cuntada ay ku badan tahay toonta,basasha,xawaajiga,hilibka la shiilo iyo lowska,cunista lowska badanaa waxay kentaa qofka in uu iska dhus dhuuso oo aan la xadidi kareyn nuusadaa.
Cunooyinka gaaska kiciya ama qofka calooshiisa kacisa waxaa ka mid ah canjeerada/laxooxda sababtoo ah canjeerada waxaa lagu daraa qamiir oo hadhow caloosha ku qamiireysa kaddibna qofka laabjeex ,gaas iyo calool xanuun u keeni karta.
Ka fagoow cunooyinka gaaska kiciya ama aad ka dareemi karto in uu calooshada qaseysa.
<<>>Caabuq/Jermis
__________________^^^^^
Jermiska hoos ku dhaca waa badan yahay lkn inta badan xubnaha hoose waxaa ku dhaca caabuqa lagu kala qaado galmada ee aabaha ama hooyada isku gudbin kara.
Caabuqkaas waxaa la yiradhaa STDs waxaana keena chlamydia iyo gonorrhea waana xanuun ku faafi xubnaha hoose Inkastoo uu STDs uu ku dhaco xubnaha taranka hadana waxaa lagu gartaa shiir ama qarmuun saaid ah kaas oo wata dhareere xaga ninka ah gabadhana qoyaan saaid ah oo ur wata
Talo guud
__________
Ma isku aragtay shiir ama qadhmuun qeybta hoose waxaad racdaa tillaaboyinkan hoose
1-Fayadhoorkaada kor u qaad
2-biyo kulul ama qandac ah ku dhaqo
3-isticmaal biyo iyo cusbo la isku daray
4-ku xoq afka hore ee dabad liin dhanaan,liinta waxay dishaa bacteriyada.
5-Xiro kastuun nadiif ah labadii maalin mar
6-la xariir takhtarkada si lagu siiyo dawo kugu habboon.
Nikiska/kastuunta iska badala xilli kasta.
XIGASHO: DR.CADCEED
Saturday, June 27, 2020
GASTARIC: Caabuqa Calooleedka ama Gaastiriga
Gaastiriga: Waa cuncun iyo barar ku dhaca dahaarka caloosha waxayna soo saartaa ashito markii ay jirto daciifnimo ama dhaawac soo gaadha lakabka difaaca ee darbiga gudaha ee caloosha oo sababa barar caloosha, caabuqaasina Waxay keentaa astaamo ay ka mid yihiin calool xanuun daran iyo dhibaatooyinka dheef shiidka.
kiisaska badankood waxaa sababa infekshinka bakteeriyada H. pylori. Waxa loo qaybiyaa laba nooc, tan koowaad waa mid daba-dheer, astaamuhu waxay socdaan muddo dheer, tan labaadna waa tan daran, astaamaha waxaa loo diiwaangeliyaa muddo gaaban oo u dhexeysa dhowr maalmood oo keliya.
Sababaha Cudurka Gaastiriga
Infekshanka jeermiska bakteeriyada caloosha (H. pylori).
Adeegsiga qaar ka mid ah daawooyinka sababa waxyeellada dhinaca caloosha, sida asbiriin ama ibuprofen, gaar ahaan markii la isticmaalo wakhti dheer.
Xaaladaha qaarkood ee la xidhiidha walaaca daran.
Infekshanka fayrusyada loo yaqaan 'CMV' ama 'Herpesvirus' (HSV).
Isticmaalka xad-dhaafka ah ee cabitaanka khamriga .
Infekshannada cudurrada iswada (Autoimmune). Mar-marka qaarkoodna waxaa keena quraac la'aanta aroortii.
Astaamaha gaaska
Rabitaanka cuntada oo yaraata,
Miisaanka o yaraada.
Labalabo iyo matag
Xanuun caloosha ah .
Midab saxaro oo isbeddela oo mararka qaarkood dhiig leh saxarada.
Matag joogto ah, oo mararka qaarkood dhiig la socdo.
Shuban.
(Baadhitaanka cudurka )
Kadib marka la ogaado astaamaha, Baaritaanka dhiiga iyo saxarada ah waa in la sameeyaa si loo ogaado bakteeriyada keenta cudurka.
Baadhitaan shaybaadh oo saambalka laga soo qaaday bakteeriyada si loo ogaado bakteeriyada keenta cudurka.
Baaritaanka endoscopy ee qaybaha sare ee mindhicirka.
Baadhitaanka shucaaca ee sawirka raajada ee qaybta sare ee dheef-shiidka.
kamirada afka lagaliyo,dhiig qaadista iyo
saxaro baadhista.
Daaweynta gaaska
Daawooyinka yareyn kara aashitada caloosha oo ka mid ah
Omeprazole (omeprazole)
Esomeprazole (esomeprazole) Pantoprazole (Pantoprazole)
Famotidine (famotidine)
Daaweynta jeermiska caloosha oo lagu daaweeyo antibiyootiga, waxay kuxidhantahay nooca bakteeriyada keenta
(Erythromycin) Erythromycin (Ciprofloxacin) Ciprofloxine
(Amikacin) Amikicin
(Amoxicillin) amoxicillin
(Cefixim) Cefixim
(Doxycyclin) Doxycyclin
dhibaatooyinka uu qofka u keeno
1- Dhiig la,aan
2- Cancer
3- Nafaqa daro
4- eerno
Thursday, June 25, 2020
Waa maxay cillada naaso bararka?
-Cilladaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "#Gynecomastia" oo ah macnaheeda naasaha oo weynaada
ragga intaba.
Cilladaan waxay ka timaadaa khalal ku dhaca hormoonnada ragga khaas ahaan labada hormoon ee loo kala yaqaanno "#Estrogen" iyo "#Testosterone".
Naaso bararka wuxuu ku dhici kartaa hal ama labada naas, marmarka qaar way kala weynaan karaan, qofkana wuxuu dareemi karaa danqasho naasaha ah.
Marmarka qaar waxaa dhici karto in ibta naasaha ay ka yimaadaan dheecaan ama qoyaan yar.
πMaxay dhibaato caafimaad ay keeni karaan?
Cilladaan ma ahan mid halis oo qofka caafimaadkiisa dhibaato u geysan karto laakiin waxay qofka u saameyn kartaa nafsiyan maadaama uusan qofka fikrad ka heysan cilladaan, badanaa dhalinyarada way ka xishoodaan inay qof u sheegaan ama dhakhtar ay la tashtaan.
Xishoodka siyaadada ah waxay keentaa in qofka uu qarsado uuna iska ilaaliyo inuu dhexgalo bulshada si aan loo fahmin ama la ciyaaro dhalinyarada kale khaas ahaan ciyaaraha jimicsiga, dabaasha IWM.
Badanaa xilliga qaangaarka ayay ku badan tahay wiilasha, wayna iska baaba'daa daawo la'aan laakiin haddii ay sii jirto ama joogto noqoto waa in daawo loo raadsado.
Cillada ugu weyn waxay ka timaadaa markii uu yaraado hormoonka loo yaqaanno "#Testosterone" ama uu bato hormoonka "#Estrogen".
πWaa maxay daawooyinka naasaha barariya?
Waxa ugu badan ee khalkhalka galin karo heerarka hormoonadaa waxaa ugu badan daawooyinka, khaas ahaan kuwaan hoos ku xusan:
1- Daawooyinka loo qaato qanjirka borostaatada, akhriso waxa qanjirka prostate-ka uu yahay:
2- Daawada kaadida dareerisa ee loo yaqaanno "#Spironolactone" oo la siiyo dadka ay caloosha ama jirka kale biyaha ka galaan
3- Daawooyinka loo qaato AIDS-ka
4- Daawooyinka welwelka ama hurdo la'aanta loo qaato sida "#Diazepam-ka"
5- Daawooyinka diiqada iyo niyad jabka loo qaato sida "#Amitryptaline"
6- Daawooyinka qallajiyayaasha qaar "#Antibiotics"
7- Daawada gaaska loo qaato ee magaceeda la yiraahdo "#Cimetidine"
8- Daawooyinka kansarka loo qaato "Chemotherapy"
9- Daawooyinka wadnaha loo gaato ee "#Digoxin" iyo kuwa dhiig-karka yareeya ee loo yaqaanno "#Clacium_channel_blockers"
πWaa maxay xanuunada naasaha barariya?
Xanuunada ay la socon karaan naaso bararka ragga waxaa ka mid ah:
1- Cillad lagu dhasho ee hormoonnada la xiriirto
2- Cayilka iyo duqnimada, ragga da'da ah oo cayilan waa lagu arkaa xaaladdaan.
3- Burooyinka ka soo baxo xiniinyaha ama qanjirrada hormoonnada kontoroola
4- Kacsanaanta qanjirka thyroidka
6- Howlgabka beerka.
7- Nafaqo-darrada iyo gaajada
Waxaa jiro daawo dhireedyo dhowr ah oo shaah ahaan loo cabo, qaarne shaambooyin iyo saabuunno laga sameeyay oo la arkay in naasaha ay barariyaan sidaa awgeed haddaa rabtid in aad geedo daaweed isticmaasho la tasho takhtarkaaga.
πSidee loo baaraa naaso bararka?
Dhakhtarka wuu ku waraysan doonaa, haddii ay jiraan wax daawo ah aad isticmaashay ama haddii aad xanuuno kale aad qabtid oo keeni kara cilladaan, kadib wuxuu kuu diri doonaa baaritaanno dhiig iyo qalabka computer oo naasaha la saaro, way dhici kartaa in uu takhtarka u baahdo baaritaanno dheeraad ah sida in xaniinyaha la baaro, maskaxda qanjirrada ku jiro la fiiriyo.
Waa muhiim in la kala sooco waxyaabah u ekaan karo bararkaan sida kansarka ku dhaca naasaha, naasaha baruurta leh iyo caabuq barariyay naaska intaba.
πSidee loo daaweeyaa naaso bararka?
Badanaa xaaladaan uma baahna daawo way iska baaba'daa laakiin haddii ay xanuun keento ama bararka uu sii kordhayo ama qofka ay dhibaato muuqaaleed ku hayso waa in laga daaweeyaa iyadoo la siinayo daawooyin loogu tala galay.
Waxaa kaloo muhiim ah in qofka laga daaweeyo xanuuanda kale ee keeni kara cilladaan, lagana fogaado daawooyinka naasaha barariyo.
marmarka qaar daawooyinka waxba ma taraan oo qofka wuxuu u baahan karaa in la qalo oo qanjirrada ama baruurta naasaha ku samaysantay la soo saaro.
Waa muhiim haddii aad xilliga qaangaarka ku jirtid in aad arintaan u fahantid wax si dabiici ku imaan kara, haddii ay dhibaato kaa haysato xagga la dhaqanka bulshada, xilliga iskuulka ama waqtiga ciyaaraha waa in aad la tashataa waalidiintaada iyo macallimiinta.
Tuesday, June 23, 2020
Cudurka GALAHA
badan ee sababo dhalmo la'aanta
ragga iyo waxa sababo.
Galaha waa marka ay balaartaan qaar ka mid ah xididada dhiiga ka celiya xaniinyaha waxaana dhacdo in xididadi dhiiga celin laha shaqadooda gabaan dhigana dib u soo laabtaan arintas waxa ka dhalan karto in dhiiga mesha fariistan halka dhiigas ay sideen waxyaabo wasaq ah lana rabay in wadnaha la geeyo hadii ay mesha fariistan waxa dhaceso in aan mesha la kenin dhiig nadiif ah hadaba xididadaas waxa ay ka qeeb qaataan in ay nafaqeeyaan xaniinyaha kana qeeb qaatan soo saarista shahwada .
gallaha waa cudurka ugu badan ee sawabo dhalmo la' aanta ragga waxa uuna sawaba in ay yaraato soo saarista shahwada sido kale waxa u sawabaa in ay yaraato tayada shahwada
gallaha waxa o sawaba in kobaca xaniinyaha yaraado xaniinyahana noqdaan kuwa aad u yar yar
gallaha waa cudurka ugu badan ee sawaba madhalesnimada ragga
CALAAMADAHA GALAHA
1-xanuun daran oo ah xaniinyaha iyo saracyada.
2-xanuunka waxa o daranyahay marka qofka istaagsanyahay
3-xanuunka maalinki ayuu aad u daranyahay
4-xanuunka waxa uu yaraada marka qofka dhabarka u seexdo
4-xaniinyaha o aad u laalaadsamo
5-madhalesnimo
MAXA SAWABO GALLAHA
1-inta badan gallaha waxa sawabo mala garanaayo lakiin waxaa la dhahaa xididada dhiiga celiya ee ku yaal xaniiinyaha marka ay waynaadaan in shaqada gabaan dhiigana halkaa fariisto dhiiga hadii oo halkaa fariisto waxaa dhici karta in dhiig nadiif ah aan meesha imaan taasna waxay carqalad galineesaa shaqada xaniinyaha oo aheed in shahwo tayo iyo tiro leh la soo saaro
2- buro ka soo baxdo caloosha ama kaadi heesta waxay sawabi kartaa vericole
varicocele inta badan waxa lagu arkaa qeebta bidix ee xaniiyaha
HEERARKA GALLAHA
heerka 1aad: inta badan varicelka lama arko mana la daremo ilaa dhaqatar arko
heerka 2aa: mala arko lakiin marka gacanta lagu taabto wala dareema
heerka 3aad: si caadi ah ayaa lo arkaa
heerka 4aad: si cad lo arkaa waxaana la arkaa xididada o sida gooryaanka cml u duudoban
DHIBAATOOYINKA GALLAHA
1-in aay yaraadaan xaniinyaha
2-ma dhalesnimo
GOORME LAQALAAYA GALAHA
1-haddii varicocelka aad u waynaato
2- haddii lamaanaha laga diwaan galiyay ma dhalesnimo
3-hadii baaritaan shahwada ah la sameeyo lana arko in ay qaldantahay tayada iyo tirada shahwada
W/Q talooyin caafimaad
share dheh walaal
mahadsanidiin
Sunday, June 21, 2020
ANSHAXA CAAFIMAADKA(MEDICAL EYHICS
Qofkasta oo ah doctor ama xirfadle caafimaad waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo xeerarka uu leeyahay caafimaadku, Si looga fogaado in la dhibaateeyo bukaanka ama dhibaato ay idin dhex marto xirfadle caafimaad iyo bukaanka.
Hadaba waxa jira 4 xeer oo muhiim ay tahey inuu ilaaliyo xirfadlaha caafimaad.
1_#Autonomy:-bukaanka(pateint) ama qofka la socda (informed consent) oo wakiilka ah waxa uu xaq u leeyahay inuu wax ka ogaado go'aanada caafimaadkiisa ku saabsan, fikir ama talo, waana inuu og yahay faa'idada iyo khatarta ka iman karta dawada uu qaadanayo ama qaliinka lagu samaynaayo, dhakhtarka ama xirfadlaha caafimaad ayaa laga rabaa inuu fahansiiyo.
2_#Justice:-adeega caafimaad ee la siinayo bukaanada waa inuu ahaada mid cadaalad ku salaysan, si siman waa iney bukaanada adeega caafimaad uhelaan, ayadoon loo eegayn midab,jinsi,qaraabo,lacag........IWM
3_#Beneficence:-markasta ku dedaal inaad usameyso bukaanka wax u wanaagsan caafimaadkiisa, Si taas loo helo Doctor-ka ama xirfadlaha caafimaad waxaa laga rabaa inuu ahaado mid update ah, lana socda waxa kasta oo is bedelaaya ee caafimaadka ku saabsan, wax badan waa inuu akhriyaa, si uu uhurumariyo aqooontiisa, tababar badan waa inuu qaata.
4_#Non_maleficence:-Hadii aadan bukaanka wax fiican u sameyn karin waqtiga haka ridin ee iska gudbi ama la tasho qof kaaga aqoon badan.
ugu danbeyntii Doctor-ka ama xirfadlaha caafimaad waa inuu markasta ku dedaala qancinta bukaanka xanuunsan, ee usoo raadsadey adeeg caafimaad, masuulyad adagna waa inaad iska saarta si uu dareemo, madaama aad hadii uu hal naf badbaadiyo ay la mid tahay isagoo umad dhan badbaadiyay
ΩΩ
Ω Ψ£ΨΩΨ§ΩΨ§ ΩΩΨ£ΩΩ
Ψ§ Ψ£ΨΩΨ§ Ψ§ΩΩΨ§Ψ³ Ψ¬Ω
ΩΨΉΨ§
Fadlan la wadaag asxaabtaada fariintan.
Mahadsanidπ₯°
Saturday, June 20, 2020
●CUDURKA LAGA QAADI KARO GORGORADA
●CUDURKA LAGA QAADI KARO #GORGORADA
Infakshanka lagu magacaabo #Candidiasis waa infakshan aad dumarka ugu dhaco waxana sababi kara waxyaalo kala duwan waxaana aad ugu nugul cudurkaan dadka difaacooda hooseya amaba qabo HIV,Sokorta,dadka aadka u isticmalo daawooyinka qalajiyasha ah #IWM
●Sababta u gaarka ah dumarka Soomaalida maxay noqon kartaa?
Caabuqa cabeebka keeno ee farjiga galo waa cudur fangas ah wuxuuna ku dhashaa meelaha diirran oo qoyaanka leh sida farjiga, afka, cagaha khaastan faraha dhexdooda IWM, waxaane uu ka dhashaa nadaafad darrada iyo hawo yarida, calaamadaha u gaarka ah ee lagu garto waxaa ka mid ah in haweenta ay dareento qoyaan ama dheecaan xagga hoose ka yimaado oo cad sida labeenta caanaha oo kale, waana dheecaan ur leh oo farjiga agagaarkiisa illaa bowdyahada dhinacyadooda laga dareemi karo ama ku dhagdhagi karo, wuxuu wattaa cuncun iyo dhabar xanuun, murqo xanuun lugaha ah iyo caajis kalagoysyada lugaha khaas ahaan jilbaha.
Waa xanuun si aayar ah u tarmo oo qofka inuu ka sheegto waxay ku qaadataa dhowr billood sidaa awgeed haweenka badanaa waxay badanaa dhakhtarka u iyimaadaan iyagoo Mudo bilooyin ah kacabanaayo cudurkaan
Caabuqa cabeebka wuu soo noqnoqon karaa haddii aan la daawaynin.
●Haddii aan u gudbo sababta u gaarka ah haweenka soomaalida sida ay dhakhaatiir badanne ay sheegaan waxay tahay in haweenkeenna badankood ay si joogto ah u xirtaan #gorgoradaha, waxay marada gorgoroda ka samaysan tahay maadada #Nylone-ka taasoo soo jiiddo kuleelka iyo huurka, waxayna abuurtaa dhidid badan, hawadane kama gudubto waa sadaxda shey oo u baahan yahay jeermiska fangaska caabuqaan keeno oo loo yaqaanno "Candida" inuu tarmo.
Haweenka aanan xiran gorgoradaha way ku yartahay xanuunka caabuqa ee fangaska keeno.
●SIDEE LOO DAWEEYA CUDURKAAN?
Inaan qaadato daawooyinka kuhaboon ee lagu daweeyo cudurkaan ey kamid yahiin
-#Clotrimazole
-#Nystatin
-#Flucanozole
#NB Intadan isticmalin kala tasho dhatarkaga.
●SIDEE LOOGU HORTAGI KARAA
-Ha joogteynin xirashada Gorgorada!!
Inkastoo aanan garanaynin umado kale oo ku labisto gorgoradaha laakiin caafimaad darradeedane waa mid muuqato laguna cadeeyay dhowr cilmibaaris iyadoo lagu fiiriyay xiriirka ka dhaxeen karo xirashada dharka Nylon-ka ka samaysan iyo caabuqa cabeebka "Nylon Underwear & Yeast Infection
-joogtey nadaafada farjiga
-Joogtey badalka xafaayada xiliga caadada
-Cidna hala share gareynin dharkaaga qaasatan kuwa hoos gashiga ah sida sarwaalka
-Marwalba huurka ka ilaali farjiga.
Abdikadir M. Abdullahi
Friday, June 19, 2020
Dexamethasone iyo cudurka Corona: Maxay tahay dawadan, sideyse ula dagaalantaa cudurka corona?
Tijaabo lagu sameeyay UK ayaa muujinaysa in dawadan ay nolosha dadka badbaadin karto, islamarkiina lagu isticmaali karo isbitaallada dalkaasi ee NHS.
Dawadan maxay tahay?
Dexamethasone waa dawo raqiis ah oo la isku duro ama kaniini la liqo - oo dajisa caabuqyada ka dhasha hurmuunaat-ka ama difaaca jirka.
Sidey dawadan u shaqeysaa?
Dawadu waxa ay hoos u dhigtaa hannaanka difaaca jirka.
Fayraska korona ayaa waxa uu kiciyaa caabuq xilli jirku uu iskudayayo inuu iska difaaco.
Hasayeeshee mararka qaar hannaanka difaaca ee jirka ayaa aad u falceliya, falcelintaas ayeyna dhibaato ka dhalan kartaa oo unugyadii loogu talagalay inay jirka caabuqa ka difaacaan ayaa marka dambe waxa ay dib u soo weerraraan isla unugyadii jirka.
Dexamethasone waxa ay dajisaa saameyntaas.
Dawadan waxaa la siin karaa oo kaliya dadka isbitaallada ku jira ee ay ku xiran yihiin qalabka iyo mishiinnada lagu neefsado, dadkaasna waa dadka liita.
Dawadan laguma dabiibi karo dadka aanay xaaladooda cuslayn, in xilligan awood badan la saaro hannaankooda difaacana ma caawin doonto bukaannadaas.

Waa sidee waxtarkeeda?
Saynisyahannada tijaabinayay dawadan ayaa sheegaya in ay wax weyn ka tareyso yareynta bukaannada la ildaran xanuunka oo saddexdii qof ee qalabka neefsiga u baahan ay suurtagal tahay in midkood uu ka badbaado haddii la siiyo dawadan.
Halka bukaannada ogsijiinka lagu xiray mid ka mid ah shantiiba ay badbaadin karto.
Tijaabada la sameeyay ayaa lagu ogaaday in wax weyn aysan u tarayn dadka caadiga u neefsanaya.
Tijaabadu maxay ahayd?
Tijaabadani oo ay sameysay Jaamacadda Oxford ayaa lagu eegayay in dawooyinka xanuunnada kale loo isticmaalo lagu tijaabiyo cudurkan Covid-19.
Qiyaastii 2,100 qof oo ah bukaanno la xanuunsan cudurkan ayaa maalintiiba la siinayay 6mg oo ah dawadan dexamethasone muddo toban maalmood ah.
Bukaannadaasi ayaa la eegayay soo kabashadooda marka loo eego 4,300 oo bukaanno kale ah oo aan dawadaasi la siin.
Saynisyahannadu waxay rajeynayaan in mustaqbalka dawadan dexamethasone ay qayb ka noqon karto dawooyinka lagula tacaalo cudurkan.
Haatan waxay khubaradu ku talinayaan in lagu daweeyo bukaannada qaangaarka ah ee la xanuunsan cudurkan balse laga ilaaliyo dumarka uurka leh iyo kuwa naas nuujinaya dhallaanka.
Dawadan ma tahay mid meel walba laga heli karo?
Dawada dexamethasone waa dawo qiimo jaban oo markii horeba dunida laga isticmaalayay, helideedana ay sahlan tahay.
Dowladda ayaa waxaa ay sheegtay in keyd fiican oo daawadaas uu haatan yaal, laguna daweyn karo dad gaaraya laba boqol oo kun oo qof, kaddib markii lagu guuleystay tijaabadii lagu sameeyay.
Dalka Ingiriiska, waxaa bukaankii ba uu uu ku iibsna karaan lacag dhan lix gini, daweynteedana ay qaadan karto muddo toban cisha ah.
Daawadan ayaa markii ugu horreysay la sameeyay sanadkii 1957, waxaana dalka Britain laga isticmaalay sanadkii 1960.
Shirkado badan oo dunida ayaa sameeya, waana taas sababa looga helo meela badan oo dunida ah.
Tallaabadan waxay u wanaagsan tahay dalalka soo koraya ee adduunka, waxaana soo dhaweeyay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Wakaaladda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa sheegtay in dawadaas lagu daray liiska dawooyinka aanan laga dhofin karin Ingiriiska.

Maxay yihiin xaaladaha kale ee dawadan loo isticmaalo?
Dawadu waxa ay kaa caawin kartaa daweynta cudurro kala duwan ee la xiriira caabuqa ama bararka jirka, ama xaaladaha habka difaaca jirku uu u bato - tusaale ahaan, neef aad u daran oo sababi karta caabuq ku yimaada marinnada hawada iyo sambabbada, xasaasiyad daran ama kalagoysyada oo barara.
Maxay yihiin waxyeellada kale ee ay dawadan leedahay?
Dawadan dexamethasone caadiyan waxyaabaha ay sababi karto waxaa ka mid ah walaac, hurdada oo qofka ku adkaata, culayska oo qofka ku kordha iyo waxyaabo kale.
Waxyeelooyinka dhifta ah waxaa ka mid ah xanuunnada indha, aragga oo xumaada iyo dhiigfuran.
Si kastaba ha noqotee, bukaannada coronavirus waxay u baahan yihiin oo keliya qiyaas yar oo xadidi karto waxyeelooyinka ay leedahay.
Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka England wuxuu yiri "ma jiraan waxyeelloyin xad-dhaaf ah oo loo aqoonsaday isticmaalka qiyaas ka mida dexamethasone oo bukaanka ay gaadhsiin karto".
Subscribe to:
Posts (Atom)
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...

-
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...
-
Wax badan ka ogow cudurka ugu badan ee sababo dhalmo la'aanta ragga iyo waxa sababo. Galaha waa marka ay balaartaan qaar ka mid ah xidi...
-
Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dh...