SIDEE LA ISKU CAYILIYAA?
Codsi Ka Yimid Asxaabta
Wuxuu ahaa qof caato ah waliba waligii qofna kuma fikirin in uu cayili doono, xata dadka qaar waxay gaareen heer marka caato lasoo hadal qaado lagu soo halqabsado, hebel siduu ka yahay caatanimada waxay ahayd ereyga ugu badan ee la dhihi jiray marka qof kale oo caato ah laga sheekaynayo.
Fulay xantiisa ma mooga isagu wuu ogaa waxa dadku ka aaminsanaayeen balse awood uu isku cayiliyo ma hayn, waddo kasta ayuu raadiyay uu ku cayili karo, xitaa kaniniyaal ayuu isticmaalay balse wax is badal ah kuma arkin ilaa markii dambe uu iska dhaadhiciyay in aanba cayil loogu talagalin
Wajiga ayuu lafo lafo ka ahaa waana waxa ugu darnaa oo uu ka walwali jiray, waxaa wax walba uga darnaa ereyada dhagihiisa ku dhacayay sida bahal ayaa qabta, baabasiir miya ku haayo, iyo ereyo aan u rooneen dhagihiisa. Subax ayuu soo baxay si uu dhakhtar ula tashto waana subxda noloshiisa badashay, waa subaxda uu ogaaday in warka dadku u sheegayeen aysan waxba ka jirin, waa subaxda cagta uu saaray wadadii cayilka kana baxay wadadii caatanimada
Subxdaas wixii ka dambeyay wuxuu badalay รฑoloshiisa wuxuu aad u cunayay waxyaabaha Burka laga sameyay sida canjeerda, rootiga, muufada, sabaayada, malawaxa, shuwermada, iyi pizzaha. Dhaktarka ayaa kula taliyay in waxyaabahabburka laga sameeyay aragti ku cuno mesha uu ku arkana uusan dhaafin waana u sameyay. Subaxdaas wixii ka dambeyay wuxuu aad u cunayay waxkasta oo protein leh sida digirta, hilibka, kaluunka iyo digaaaga, meesha uu bur wax ka samaysan ku arko iyo wax protein leh daqiiqad ma sugeen ilaa uu calooshiisa ku hubsado
Waxa uu bilabay in uu aad u cabo cabitaanada qasan, caano qasan inuรน aad u cabo, in uu cabo cabitanada baashaalka loo cano sida Faantada, shaaniga iyo waxa la midka ah, biya qasan ayuu ka dhigtay joogto waxa uuna daremay in jirkiisa tartiib usoo kobcayo. Biyaha caadiga ah ayuu 5 galaas ka cabayay maalintii, ninki sidii hore ma ahan, markii hore socod ayaa looga maaro waayay balse mudooyinkaan dambe wa la is waydiyaa halka uu ka dhacay, qaar baa lahaa wuu is huurinaa, ereyo jeesjees u badan ayaa la dhahayay balse dhag jalaq uma siin oo taladii dhakhtarka ayuu samaynayay
Wuxuu yareeyay socodkii faraha badnaa, wuxuu ahaa mid aan guriga ka bixin talada dhakhtarku siyay ayuu intaas oo dhan samaynayay waxa uu ahaa 20 daqiiqo xita mid aan socon maalintii oo dhan, dhafarkii ayuu joojiyay, cishaha marka laga so baxo sida uu u seexdo salaada subax ayuu soo toosi jiray, 8 saac oo xiriir ah ayuu jiifan jiray. Marka hore wuu Socod boobsiin jiray balse dhakhtarka ayaa ku yiri tariib isaga soco sababto ah socod boobsiisku wuxuu ridaa miisaanka wuuna iska luudayay.
Wuxuu wax cunayay 3 waqti quraac, qado iyo casho balse dhakhtarka aya ku yiri quracda iyo qadada inta u dhaxayso wax cun sambuus, bur, doolshe iyo ukun. waa qasab in aad wax af gashi ah cunto, cun quraacda 07:00 subaxnim0 af gashi ka daba mari 10:00 subaxnimo. Cun qadada 01:00 duhurnimo, af gashi ku xiji 05:00 galabnimo ka dibna cashada 08:00 habeenimo sidaas ayuuna 5 waqti wax ku cunayay. Macmacaanka oo dhan ayuuna si joogta ah u cunayay sida shukulaatada, jalaatada, doolshaha, xawlada iyo buskudka
Laba bil oo xiriir ah ayuu sidaas waday, qof kasta oo taqanay ayaa is waydisay meesha uu kusoo duugay caatanimadii, waa la wayay qof aaminta in waxyaabo dabiici ah sidaan uu ku noqday. Isagu noloshisa caadiga ah ayuu watay ila qof walba dhaho maxaa samaysay?
Maxaad u baahan tahay si aad u cayisho
1. Waxyaabaha burka laga sameyay inaa cunto sida canjerada iyo rootiga iyo in aadan maalintii socon 30 daqiiqo ka badan inta aad ka cayilayso
2. Waxyabaha Macmacaanka ah in aad cunto sida xalwada, buskudka, doolshaha, jalaatada iyo shukukatada
3. In aad cunto 3 waqti cunto ah iyo 2 cunto oo af gashi ah sheetare oo qadada iyo quracda u dhaxeeya iyo qadada iyo cashada shaatare u dhaxeeya
4. In aad hurudo 8 saac ugu yaraan iyo socodka in aadan boobsiin oo tartiib u socoto
5. In aad biyaha cad badiso, waxyabaha proteinka lehna cunto sida ukunta, caanaha, hilibka, digaaga iyo kalluunka
Waxan rajaynayaa inaad gaarsiin doonto walalaha kale si inta caatada ah uga faaidaystaan #Share