*Daryeelka maqaarka ee ay oggol yihiin dhakhaatiirta maqaarka inta ay gabadha uurka leedahay*
Jirkaaga iyo caafimaadkaagu waxay la kulmaan isbeddello badan inta aad uur leedahay — laakiin ma u baahan tahay in aad cusboonaysiiso ama aad wax ka badesho habka aad u daryeesho maqaarkaaga?
Dhakhaatiirta maqaarku waxay leeyihiin haa: Marka aad uur leedahay, waa muhiim in aad fiiro gaar ah u yeelato alaabta aad u isticmaasho maqaarkaaga, timahaaga, iyo cidiyahaaga. Haddii aad horey u lahayd nidaam daryeel oo kuu shaqeynayay, waxaa laga yaabaa in ay adkaato in aad wax ka beddesho, gaar ahaan xilligan isbeddellada badan leh.
“Maqaarkaagu wuu is beddeli doonaa inta aad uur leedahay — qaar ka mid ah isbeddelladaas waa ku-meel-gaar, halka kuwa kalena laga yaabo in ay u baahdaan talo caafimaad,” ayay tiri Dr. Heather Rogers, MD, FAAD, oo ah dhakhtar maqaarka.
*Ma isbedbeli doonaa maqaarkaygu inta aan uurka leeyahay?*
Waxaa laga yaabaa inaad maqashay in maqaarka dhalaalaya uu yahay calaamad uur. Marka lagu daro dhalaalkaas, “Uurka wuxuu keenaa isbeddello hormoon oo badan kuwaas oo sababi kara dhibaatooyin maqaarka ah,” ayay tiri Dr. Rogers. Waxay intaas ku dartay, “waqtigan waxaa sii adkeeya walbahaarka la xiriira rabitaanka inaad samayso waxa ugu wanaagsan adiga iyo ilmahaaga.”
Uurka wuxuu si kala duwan u saameeyaa maqaarka qof walba. Waxaa laga yaabaa inaad la kulanto mid ama in ka badan oo ka mid ah xaaladahan:
- Finan (Acne)
- Melasma – meelaha wajiga ka mid ah oo ka madow midabkaaga dabiiciga ah
- Hyperpigmentation – dhibco ama xariijimo madow oo maqaarkaaga ka muuqda
- Calaamadaha kala bixidda (Stretch marks)
- Xidido muuqda
- Maqaarka qalalan
- Maqaarka xasaasiyad leh
*Waa maxay habka daryeelka maqaarka inta aad uur leedahay?*
Dhakhaatiirta maqaarku waxay sheegayaan in habka ugu fiican ee daryeelka maqaarka inta lagu jiro uurka uu yahay mid fudud oo sahlan.
Sida uu sheegay Dr. Shoshana Marmon, MD, PhD, FAAD, oo ah dhakhtar maqaarka ah, habka aasaasiga ah ee daryeelka maqaarka inta aad uur leedahay wuxuu ka kooban yahay saddex tallaabo:
1. *Nadiifi maqaarkaaga* ilaa laba jeer maalintii iyo mar kasta oo aad dhididdo.
2 . *Qoyaan sii maqaarkaaga* si joogto ah adigoo adeegsanaya kareem qoyaan siiya oo ku habboon nooca maqaarkaaga.
3. *Ka ilaali maqaarka qoraxda* adigoo raadinaya meel hoos ah, xirta dhar ka hortaga qoraxda, isla markaana marsada kareemka qoraxda ka hortaga (sunscreen) oo leh SPF ugu yaraan 30 ama ka badan, gaar ahaan meelaha maqaarka ee aan dharka daboolin.
Inta aad uur leedahay, dooro *sunscreen jireed* oo ay ku jiraan *zinc oxide*, *titanium dioxide*, ama labadaba, si aad uga fogaato cuncunka maqaarka.
Si aad uga hortagto cuncunka maqaarka, Dr. Marmon waxay ku talinaysaa in aad hubiso waxyaabaha ku jira alaabta aad isticmaalayso, isla markaana aad doorato kuwa aan lahayn caraf udgoon ama kiimikooyin adag sida *alcohols* iyo *sulfates*.
Dr. Rogers sidoo kale waxay kugula talinaysaa in aad subaxdii isticmaasho alaab ay ku jirto *vitamin C*, halka aad fiidkii isticmaasho mid ay ku jirto *glycolic acid*. Kuwani waxay kaa caawin karaan ka hortagga iyo daawaynta isbeddellada midabka maqaarka.
*Ma ammaan baa in la isticmaalo alaabta daryeelka maqaarka inta lagu jiro xilliga uurka?*
Waxaad rabtaa inaad daryeesho ilmahaaga, laakiin iyadoo ay jiraan doorashooyin badan, way adkaan kartaa in la fahmo alaabta daryeelka maqaarka ee ku habboon inta aad uur leedahay.
“Uurka badanaa waa markii ugu horreysay ee dadku si dhab ah uga fikiraan wax ay maqaarkooda saaraan. Waxaa laga yaabaa in ay marka hore cabsi geliso, laakiin dhakhaatiirta maqaarka ayaa diyaar u ah inay kaa caawiyaan arrintan,” ayay tiri Dr. Rogers.
Waxaa jira alaabo badan oo daryeel maqaarka ah oo si ammaan ah loo isticmaali karo inta aad uur leedahay. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah waxyaabaha ku jira alaabtaas waxay khatar u keeni karaan ilmahaaga. Haddii aad uur leedahay ama aad isku dayayso inaad uur yeelato, u sheeg dhakhtarkaaga dumarka iyo dhakhtarkaaga maqaarka dhammaan daawooyinka iyo alaabta daryeelka maqaarka ee aad isticmaasho. Waxay kaa caawin karaan in wax laga baddelo qorshahaaga daaweynta inta lagu jiro xilliga uurka iyo nuujinta, haddii loo baahdo.
*Waxyaabaha laga fogaado inta lagu jiro xilliga uurka ee ku jira alaabta daryeelka maqaarka*
Qaar ka mid ah daawooyinka dhakhtarku qoro iyo kuwa laga helo farmashiyaha ee loo isticmaalo daryeelka maqaarka waxay khatar u keeni karaan ilmahaaga, gaar ahaan halista cilladaha dhalashada, sidaas darteed waa in laga fogaadaa inta aad uurka leedahay.
Sida ay sheegayaan Dr. Rogers iyo Dr. Marmon, waa inaad iska ilaalisaa isticmaalka alaabta daryeelka maqaarka ee leh waxyaabahan soo socda marka aad uur leedahay:
- *Retinoids* – oo ay ku jiraan daawooyinka finanka ka hortagga sida _isotretinoin_, _tretinoin_, iyo _tazarotene_, iyo sidoo kale alaabta daryeelka maqaarka ee laga helo farmashiyaha oo leh _retinol_ sida _adapalene_.
- *Hydroquinone* – walax loo adeegsado in lagu caddeeyo maqaarka.
- *Finasteride* – daawo loo isticmaalo daaweynta timo lumiska.
- *Spironolactone* – daawo ay dhakhaatiirta maqaarku u isticmaalaan daaweynta finan iyo timo lumiska.
- *Tetracycline, doxycycline, iyo minocycline* – kuwaas oo ah noocyo ka mid ah antibiyootikada.
- *5-Fluorouracil* – kareem loo adeegsado daaweynta kansarka maqaarka (chemotherapy cream).
*Waxyaabaha loo isticmaalo si xadidan inta lagu jiro xilliga uurka*
Qaar ka mid ah waxyaabaha ku jira alaabta daryeelka maqaarka waa ammaan in si xadidan loo isticmaalo inta lagu jiro xilliga uurka. Qaar kalena lama helin cilmi-baaris ku filan oo lagu xaqiijinayo badqabkooda inta lagu jiro xilliga uurka. Sidaas darteed, Dr. Rogers iyo Dr. Marmon waxay ku talinayaan in aad kala tashato dhakhtarkaaga maqaarka, isla markaana aad xaddiddo inta jeer ee aad isticmaasho waxyaabahaan inta aad uur leedahay:
- *Salicylic acid* marka uu sarreeyo (in ka badan 2%) – walax la dagaallanta finan oo nadiifisa maqaarka.
- *Benzoyl peroxide* – walax kale oo la dagaallanta finan.
- *Parabens* – walxo lagu daro alaabta si ay u sii jiraan muddo dheer.
_Ka fiiri magacyada sida:_ methylparaben, propylparaben, butylparaben, ama ethylparaben.
- *Phthalates* – walxo ka caawiya carafka iyo alaabta daryeelka maqaarka inay muddo dheer maqaarka ku sii jiraan.
_Ka fiiri magacyada sida:_ diethylphthalate, dibutylphthalate, iyo dimethylphthalate.
- *Phenol* – walax lagu ilaaliyo alaabta daryeelka maqaarka, mararka qaarna nadiifisa maqaarka.
- *Triclosan* – walax bakteeriyada disha oo sidoo kale ka caawisa ilaalinta alaabta.
- *Saliida udgoon* sida rosemary, basil, jasmine, iyo sage.
*Sidee ayuu dhakhtarka maqaarku kaaga caawin karaa daryeelka maqaarkaaga inta aad uurka leedahay?*
Dhakhtarkaaga maqaarka wuxuu si fiican u yaqaanaa sida uu maqaarkaaga u ilaalin karo quruxdiisa iyo caafimaadkiisa inta aad uur leedahay — xitaa haddii uu maqaarkaagu is beddelay muddada uurka.
“Dhakhaatiirta maqaarku, si gaar ah ayay ugu tababaran yihiin in ay aqoonsadaan oo ay maareeyaan xaaladaha maqaarka ee la xiriira uurka, inay kugula taliyaan daawayn ammaan ah oo wax ku ool ah, isla markaana kaa caawiyaan in aad ka fogaato waxyaabaha laga yaabo inay waxyeello u geystaan inta aad uurka leedahay,” ayay tiri Dr. Marmon.
References
Ahuja, K, Lio, P. An integrative approach to treating hyperpigmentation in pregnancy. Journal of Integrative Dermatology. 2024.
U.S. Food & Drug Administration. Parabens in Cosmetics. FDA. Updated February 25, 2022. Accessed April 4, 2025.
U.S. Food & Drug Administration. Phthalates in Cosmetics. FDA. Updated May 19, 2022. Accessed April 4, 2025.
Yaghi, M, Baboun, D, Keri, J. Acne and Pregnancy: A Clinical Review and Practice Pearls. Cutis (2024) 113.







